Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia

0
Monday March 14, 2016 - 14:39:44 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Australia

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, Danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr John Feakes.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadihi aqoonsiga, Danjiraha Australia, wakiilka uga noqon doona Soomaaliya, Mr John Feakes.

Madaxweynaha ayaa wakiilka uga waramey xaaladda dalka iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad dhisidda, baahinta xukunka, amniga iyo caqabadaha weli waddanka ka jira.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey dowladda Australia inay gacan ka geysato barnaamijka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee la xiriira horumarinta dhalinyarada iyo shaqa abuurka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Australia, taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhacdaddii dhowaan ay ciidammada Australia ku qabteen hub si sharci darro ah loogu soo wadey Soomaaliya.

Mr Feakes, Danjiraha cusub ee Australia, ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ugu hambalyeeyay horumarka lagu tallaabsadey dhinacyada amniga, siyaasadda, hirgelinta nidaamka federaalka iyo xasilinta dalka, isagoo sheegay in Australia iyo beesha caalamka ay ka war-hayaan xaaladaha adag ee dowladda Soomaaliya ku shaqeyso.

Danjiraha ayaa ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhoweeyay dalka, waxaana uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada kaalmada horumarinta, maalgashiga iyo gacan-siinta hannaanka siyaasadda Soomaaliya ee 2016-ka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Axmed Cali Kadiye iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.

--------------DHAMMAAD--------


Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

IMG 6853
IMG 6870
IMG 6871
IMG 6865
IMG 6880
IMG 6951
IMG 6910
IMG 6941

 
1px


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip