Alqaacidada Waqoyiga Afrika oo sheegatay weerar lagu qaaday hotelo ku yaal Ivory Coast

0
Monday March 14, 2016 - 14:34:33 in Wararka by
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alqaacidada Waqoyiga Afrika oo sheegatay weerar lagu qaaday hotelo ku yaal Ivory Coast

    Ururka Islaamiyiinta ee Al-qaacidada Waqooyiga Afrika ayaa sheegtay mas'uuliyada weerar lagu qaaday hotelo ay dad dalxiisayaal ah degenaayeen meel ku dhow caasimada Ivory Coast.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Islaamiyiinta ee Al-qaacidada Waqooyiga Afrika ayaa sheegtay mas'uuliyada weerar lagu qaaday hotelo ay dad dalxiisayaal ah degenaayeen meel ku dhow caasimada Ivory Coast.

Weerarkan lagu qaaday hotelo ay dalxiisayaal degenayeen ayaa waxaa ku dhintey 14 ruux iyadoo Madaxweynaha dalka ee Ivory Coast Alassane Outtara uu sheegay in lix ruux oo ka dambeysay weerarka la dilay.

Kooxda Al-qaacidada Waqoyiga Afrika ayaa dhowr bilood ka hor sidookale sheegatay weerar kan la mid ahaa oo lagu qaaday caasimadaha dalalka Mali iyo Burkina Faso.

Goob-joogayaal ayaa tilmaamay in rag wajiga soo xirtay ay billaabeen in ay rasaas ku furaan dad ku sugnaa xeebta, ka hor inta aysan u soo gudbin huteelada.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Francois Hollande ayaa ku tilmaamay fulaynimo ah, waxuuna u ballanqaaday Ivory Coast in Faransiiska uu la garab taaganyahay taagero dhinaca sirdoonka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip