Danjire Abuukar Baalle oo qeyb ka ah Shir-guddoonka kulanka 75aad ee Golaha Guud ee QM

0
Tuesday September 22, 2020 - 15:32:37 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Abuukar Baalle oo qeyb ka ah Shir-guddoonka kulanka 75aad ee Golaha Guud ee QM

    Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa wax ka guddoominaya Kulanka 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka furmay magaalada New York. Amb. Abuukar Baalle ayaa ka mid ah 21 Kuxigee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa wax ka guddoominaya Kulanka 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo ka furmay magaalada New York. Amb. Abuukar Baalle ayaa ka mid ah 21 Kuxigeenka ee Kulanka 75aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, iyagoo ka qeyb qaadanaya agaasinka iyo xiriirinta shirka

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkan Madaxda Adduunka ay uga qeyb qaadanayaan muuqaalka foggaan aragga, maadaama uu Caalamka si weyn ugu faafay cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Danjire Abukar Baalle ayaa si weyn uga soo dhex muuqdey Qaramada Midoobey tan iyo markii loo magacaabay xilka wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya bishii July Sanadkii 2017.

Soomaaliya ayaa ugu dambeysay shir-guddoonka sanadkii 1986-87, waxaana ay ka mid aheyd shir-guddoonka kulankii 41aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, sidoo kale labo goor oo hore ayay ka mid noqotay Guddoonka Golaha Guud, sanadihii 1963-64 Kulankii 18aad iyo 1979-89 kulankii 34aad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip