HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-SEP-2020...

0
Monday September 14, 2020 - 09:37:25 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W. MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 14-SEP-2020...

    Mowqifka Puntland iyo Jubaland iyo 5 qodob oo ay la tageen shirka Muqdisho xog ku saabsan mowqifka Puntland iyo Jub aland ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada ay qorsheeyeen inay la tagaan shirka DFS & D/G/yada ee Shalay ka fur may M/M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mowqifka Puntland iyo Jubaland iyo 5 qodob oo ay la tageen shirka Muqdisho xog ku saabsan mowqifka Puntland iyo Jub aland ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada ay qorsheeyeen inay la tagaan shirka DFS & D/G/yada ee Shalay ka fur may M/Muqdisho. Sida aan xogta ku helnay qo dobada mowqifka ayaa ba dankood ka yimid dhanka Puntland, waxaana ku raacay Jubaland, maadaama ay kuwa ka mid ah si gaar ah u saameyn karaan Axmed Madoobe. Sida aan ogaanay, madaxweynaha Puntland Sac iid C/hi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aad ugu dheggan qodobo dhowr ah, balse ay ugu weyn yihiin shan qodob oo kala ah:- 1 – In asteynta jufada iska leh kursiga loo daayo odayga qabiilka ee ka midka ah 135-ka oday ee soo xulay ergadii 2016. Waxaa jira jufooyin dho wr ah oo wadaaga hal kursi, balse si wareegto ah u kala qaata, waxaana go'aamiya odayga ugu sarreeya beesha, taasi oo Puntland iyo Jubaland ay doonayaan inaan waxba laga bedelin si la mid ah doorashadii 2016. 2 -Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale do onayaan in ergada soo xuleysa xildhibaanada ay ka koobnaadaan 101, halka heshiiskii Dhuusa mareeb 3 laga dhigay 301. Waxa ay sidoo kale doonayaan in guddi doorasho oo ka socda maa mul goboleedka uu soo xulo ergada ayaga oo kaashanaya odayga qabiilka, meeshana laga sa aro odayaasha beesha ee doorashadii 2016 soo xulay ergada, taasi oo awood u siineysa maamul ka in ciddii ay doonaan ay ergo u magacaabaan. 3 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale doon ayaan in doorashada ay ka dhacdo oo kali ya hal magaalo, meeshana laga saaro qodobka 4-aad ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo dhigaya; In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yar aan afar (4) deegaan doorasho oo ay ka dhac do doorashadu. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah ugu dheggan Jubaland oo ka cabsi qabta qor shaha dowladda ee ah in kuraasta qaar la geeyo Gedo. 4 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale da lbanayaan in meesha laga saaro qodobka 5-aad ee heshiiska Dhuumsareeb 3 oo dhigaya; in co dbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiin ta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. Taa bedelkeed, waxay door bidayaan in halkii kursi ee baarlamaan oo kasta ay si gooni ah u doo rtaan 101 ergo. 5 – In meesha laga saaro hanaanka xisbiyada, oo doorashada ay noqoto mid uu qof kasta oo ka tirsan beesha iska leh kursiga xildhibaan uu u tartami karo isaga oo aan ansixin uga baahan xisbi. Qodobkan ayaa awoodda musharaxa kurs iga siineysa maamul goboleedka oo u mari kara odayga beesha, halka haddii hanaan xisbi loo tartami awoodda qofka musharaxa noqonaya uu yeelanayo xisbiga. Shirkii Shalay furmay ayaa inta badan u ba dnaa is-wareysi mana jirin arrimo gaar ah ama qodobo laga dooday, waxaase la filayaa in mow qifka Jubaland iyo Puntland ay kusoo ban dhigaan kulamada soo socda. Ilo-wareedyo dhowr ah oo warkii.com ay la ha dashay ayaa mowqifka Puntland iyo Jubaland ku qeexay mid aad u adag, oo ay adag tahay in ma daxweyne Farmaajo uu aqbalo, taasi oo ay ku sheegeen inuu la macno yahay isku day shirka lagu fashilinayo.Xigasho"warkii.com


MADAXWEYNE FARMAAJO OO GUDDOO MIYEY FURITAANKA SHIRKA

       Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Far maajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wa datashiga DFS &D/Goboleedyada oo Shalay si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka

. Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Md. C/rashiid Maxa med Xaashi oo furitaanka shirka ka dib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka Madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka Dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.

     "Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaw eynaysaa sida Madaxda D/Goboleedyada & G/ Banaadir ay uga dadaaleen ka soo qeybgalka Shirkan, iyadoo haatan loo dhan yahay kamira-dhalinta Shirkan oo muhiim u ah hirgelinta dorashada dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaanka Shirka ka hor waxa uu kulamo hor dha c ah la qaatay Madaxda D/G/yada & G/G/Banaa adir,kulamadaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda Dastuuriga ah ee ku aaddan inay doortaan mas uuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

       Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Mad axweyneyaasha D/G/yada, Hirshabeelle Md. Ma xamed Cabdi Waare, K/Galbeed Md. C/siis Xas an Maxamed, Puntland Md. Siciid C/hi Dani, Ju bbaland Md. Axmed Maxamed Islaam, Galmud ug Md. Axmed Cabdi Kaariye iyo G/G/Banaadir Md. Cumar Maxamuud Maxamed. DHAMMAAD

Wasiir Goodax oo kulan la qaatay Guddiga Dalladaha Waxbarashada dalka

     Siihayaha W/Waxbarashada X/F/Soomaaliya C/hi Goodax Barre ayaa Shalay oo Axad ah ku lan gaar ah la qaatay Guddiga Dalladaha Waxb arashada Dalka.

      Kulanka dhexmaray W/Goodax Barre iyo Gu ddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka ayaa wa xaa looga hadlay dib-u-eegista iyo horumarinta waxbarashada iyo inay ka qeyb-qaataan dadaal lada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbarasha da dalka.

      Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka qodobada looga hadlay ay ku jirtay natiijada imtixaankii Du gsiyada sare dalka ee dha waan shaacisay W/Waxbara shada, isla markaana natiijada muran badan ay ka dhalatay.

      "Waxaan xafiiskeyga Shalay kulan kula qaa tay Guddiga Dalladaha Waxbarashada Dalka. Waxaan kala hadlay dib-u-eegista iyo horumarin ta waxbarashada iyo in ay ka qeyb-qaataan da daallada ay Wasaaraddu ku tayeyneyso waxbara shada dalka” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

     Qaar kamid ah Dalladaha Waxbarashada dal ka ayaa qaadacay natiijiada imtixaankii dowlad da, iyagoona sharci darro ku tilmaamay habkii loo saxay imtixaanka, maadaama ay ku dhaceen 8 kun oo arday (90%) ay yihiin ardayda Gobolka Banaadir.

      Mas’uuliyiin, siyaasiyiin, macalimiin iyo waalid iin farabadan ayaa siweyn uga fal-celiyay  natiija dii imtixaanka la shaacisay, iyagoo Madaxda D/F/S ka dalbaday in dib u-eegis lagu sameeyo natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedka 2019/ 2020.

Maxay Mahad Salaad iyo CC Shakuur ka yira ahdeen musharaxnimada Kheyre?    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad iyo siy aasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay shaa cintii Musharaxnimadiisa R/wasaarihii hore Xas an Cali Kheyre.

    Ugu horeyn Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga, waxa uu su’ aal uga keenay sababta u suurta gelin weysay Khe yre in musharaxnimadiisa uu ku shaaciyo xaflad maamuusan.  "Degdegga iyo cabsida ka muuqa tay qoraalkii Kheyre Habeen hore soo dhigay facebook-giisa ee lala sugi waayay xaflad in loo dhigo maxaa loo fasiran karaa?,” ayuu qor aalkiisa ku yiri.

     Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii dar ay, "Nin magaaladii uu deganaa, R/Wasaa re ku noqday hal habeen xaflad ku dhigan waa yay,    sidee dal iyo dad in uu hoggaamiyo loogu aaminayaa?”

    Siyaasiga Cabadiraxmaan Cab dishakuur ay aa isna qoraal kale oo uu soo dhigay Facebo ok-giisa waxa uu Kheyre uga dalbaday inuu qo lo u tiiriyo ama isagu qirto khalaadaad dhowr ah oo dowladda ka dhacay intii uu R/wasaara ha ka ahaa.  "Musharraxa cusub waan soo dho we ynaynaa, laakiin dhiibistii Qalbidhagax, we erarkii 17 Dec ee xarunta Wadajir, xil ka tuuri stii Prof Jawaari, safar xannibkii 2da madaxwe yne iyo cunna qabateyntii Kismaayo masuuliy addeeda ha qaato ama meel ha saaro. Mise isagoo og ayuusan haddana ogeyn?” Ayuu qoraalkiisa ku yiri C/C/Shakuurn Xasan Cali Kheyre ayaa 50-cisho kadib markii xilka laga qaaday waxa uu Habeen hore shaaciyey in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxw eynaha Soomaaliya.

DFS oo sheegtay in shaqaalaha rayidka ay waajib ku tahay ka qeyb-galka barnaamijka isxilqaan

     Sii hayaha wasiirka shaqada iyo arrimaha bu lshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sa diiq Xirsi Waraa ayaa sheegay in dhammaan sha qaalaha rayidka dowladda ay waajib ku tahay ka qeyb-galka barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee dalka.

     Wasiirku waxaa kale uu sheegay in shaqaalaha dowl adda lagula xisaabtamayo kal tanka ay uga qoranyihiin jad walka maalinla ah oo ay uga qeyb-qaadanayaan shaqada dowladda isla markaana ay dowladda ka g’antahay in dhammaan xarumaha dadwey naha loogu adeego dib loogu dhisi doono isxi lqaan.

     "Waa waajib in dhamaan shaqaalaha rayidka ee dowladda ay sidii loogu talagalay uga qeyb-qa ataan barnaamijka isxilqaan ee lagu dhisayo go obaha danta guud isa markaana ay tahay arr agtida madaxweynaha JFS Maxamed C/hi farma ajo.ayuu yiri sii hayaha wasiirka shaqada Sadiiq Xirsi warfaa.

      Hadalkaa sii hayaha wasiirka shaqada ayaa ka dambeeyay kaddib markii uu Shalay daah fur ay wajiga labaad wareega 15 –Aad  ee barnaamij ka isxilqaan waxaana uu sidoo kale sheegay in dhawaan la dhagax dhigo doono gooba kale oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii shaqaalaha wasaaradda boosta da isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda xukumadda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale shaqaalle ka tirsan gobolka Banaadir ayaa lagu daah-furay Shalay wajiga labaad ee barnaamijka isxilqaan waxaana ay shaqeeyeen Maktabadda Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland oo fariin u diray Shacabka

      Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa Bulshada reer Somaliland kula dar daarmay inay ka fogaadan qabyaalada, waxaana uu xusay in loo baahan in la xoojiyo hannaanka Xisbiyada maamulkooda.

     Sidoo kale Madaxweyna ha ayaa W/ha Horumarinta Caafimaadka iyo Waxbara shada ku boggaadiyey deda alkii ay ka galeen marxaladii Xanuunka COVID-19,

      "Xanuunkii Covid 19 dhibaatadii timi, waxaan aad & aad u hambalyeynayaa Wasaaradaha Wa xbarashada iyo Caafimaadka arrintaa dedaalka ay labaduba ka galeen, mid Caafimaad u gurma tay mid ku dedaashay ardaydii inaanay tacliinta seegin oo ay u mariyaan muuqaal” ayuu yiri Mu use Biixi.

     Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wakhtigii Doorashada Golayaasha Wakiilada iyo deegaanku soo dhaw yahay loona baahan inay noqoto mid dadka u horseeda hor umar "Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashada asi noqoto mid inoo keenta Horumar, waynu kor aynaa Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbayn ka loo gelaayo waa la korayaa, ma noqonayno in aan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto um ana baahnin” ayuu yiri

Maxkamadda Ciidamada oo soo gabagabey say kiis ciqaabeed

     Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa kiis Ciqaabeed waxaa ay kusoo gababeeysay M/ Balad-xaawo ee G/Gedo. Dhageysiga dac wadda ayaa lagu soo gababeeyay Bannaanka M/Balad-xaawo, gaar ahaan meel u dhaw saldhigga Ciid amada Booliska Magaladaasi, iyadoo ay goob joog ka ahaye en Saraakiisha Ciidanka Balad-xa awo iyo saraakiil ka socotay Maxkamadda Ciida mada Qalabka sidda.

     Eedeysanayaasha dacwaddooda loo fariistay ayaa lagu soo eedeayay in ay weerear ku qaade en barkoontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidam ada Booliska Baladxaawo, waxaana la sheegay inay halkaasi ku dileen Saciid Cali Mursal, iya doo uu ku dhaawacmay Maxamed Cabdi Aadan, waxaana labaduba ay ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Baladxaawo.

     Tirada eedeysanayaasha ayaa gaareysa shan eedeysane, waxaana lagu kala magacaa baa, Cabdi Cumar Cabdi, Haaaruun Cabdiraxma an Xuseen,  Maxamed Xasan Aadan, C/qaadir Miidey Cabdulle iyo Ibraahim Faarax Maxamuud, waxaana dhammaantood lagu soo eedeyay in ay dil gaysteen.

      Gen. C/hi Buule Kameey Xeer ilaaliyaha gu ud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in ay haayaan caddeymo ku filan, kuwaas oo muuj inaya in shanta eedeysane ay dilka iyo dhaawac gaysteen, waxaana uu maxkadda ka dalbaday in dambiga ay galeen lagu qaado Ciiqaabtiisa.

Ugu dambey Gaashanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxamadda waxa ana uu sheegay in ay maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto kiiska loo haysto eedeysanaya asha.

Xamdi Maxamed Faarax miyaa la shirqoolay?

      Ehelada Xamdi Maxamed Faarax ayaa wa xay tuhunsan yihiin in la shirqoolay, ka hor intii aan kufsiga iyo dilkaba loogu gaysan M/Muqd isho. Xamdi Maxamed Faarax ayaa Jimcihii lagu kufsaday hotel la sheegay inuu ku yaalo xaafad da 1da Maajo ee Degmada Waaberi, iyadoo kufsiga ka dibna la sheegay in dhismahaasi laga soo tuuray.      Mid ka mida ehelada gabadha ayaa BBC u sheegay inaanay horey u taggi jirin goobtii lagu dhibaateeyay, isla-markaana ay tuhunsan yihiin in qaab shirqool ah lagu geeyay halkaasi.

     Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay ka tagtay xaafadda Raageerka ee D/Dayniile, waana meel aad uga fog goobta la soo wariyay in lagu kufsa day, ka hor inta aan dhismaha laga soo tuurin. Kufsiga safmarka ah ee loo gaystay waxaa xaq iijisay W/Haweenka & Xuquuqul Insaanka Somal iya. Sii Hayaha Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka, Deeqa Yaasiin ayaana si kulul u cambaareysay falkaasi.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa markale mareysa imtixaan kaloo adag, marka aad fiiriso sida indhaha bulshada ugu fooraraan, bilowga kiiska ay gacanta ku hayaan hay’adaha ammaan ka.

     Bulshada ayaa daneynaysa inay cadaalad hesho marxuumadda, mudankoodana la marsiiyo kuwii sharafteeda iyo hamigii nolosha ka lah eydba burburiyay. Sanadkan 2020 marka aad mil icsato kiisaskii kufsiyada ee horey dalka uga dhi ci jiray waxaad mooddaa in saddex laab uu ka ba danyahay.

Al-shabaab oo gacanta ku dhigay diyaarad ku dhacday J/Hoose

      Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-sha baab ayaa gacanta ku dhigay Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado sirdoon ka iyo Sawiradda, taasi ku dhacday G/ Jubbada Hoose. Diyaaraddaas oo ah mid yar ayaa waxaa la sheegay inay ku dhacday aga gaarka Garoon ka diyaar ad aha M/Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab.

     War qoraal ah oo lagu daaba cay baraha qad ka ee Shabaabka ayaa waxaa ay ku sheegteen in diyaaraddaas oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyin loo adeegsanayay ilaalinta Sal dhiga Ciidanka Mareykanka ku leeyihiin Gar oonka Kismaayo.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in diya aradda ay gacanta ku dhigeen ula dhaqaaqeen goob aan la aqoon, isla markaana ay ka furf urteen qal abkii ku xirnaa ee Kaamirooyinka ahaa.

     Al-shabaab ayaa marar badan gacanta ku dhi gtay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo kusoo dhacay deegaanada ay gobolada dalka ka ga sugan yihiin, waxaana diyaaradahaas inta ba dan adeegsata dowladda Mareykanka, iyagoo ku fuliya duqeymo.

Dad Careysan oo ku hor Bannaanbaxay Hotelkii laga soo Tuuray Xamdi

    Dad ka careysan falkii kufsiga ahaa & dilkii loo gaystay Xamdi Maxamed Faarax, ayaa Shalay Banaanbax ku hor dhigay Hotelkii Jimcihii dhac dadan ay ka dhacday oo ku yaallo Degmada Wa aberi.Dadkaan ayaa isugu jiray ehelada gaba dha & sidoo ka le dad ka car ooday falkaasi, waxaa na ta ayaro ay ku hor gubeen banaanka ho re ee Hot elka. Sidoo kale banaanbaxayaa sha ay aa qeyb kamid ah dhisma ha hotelka qab adsiiyay dab, sida lagu arkayay sawirro halkaas laga soo qaaday.

    Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dadka qaarkood ay dhagxaan ku tuurayeen hotelkii laga soo tuuray Marxuumad Xamdi Maxamed, kadib markii rag dhalinyaro ah ay fal kufsi ah u geyst een.

    Ugu dambeyn qaar ka mid ah banaanbaxayaa sha ayaa Madaxda DFS ugu baaqay in si Deg-deg ah cadaalada loo horkeeno raggii ka damb eeyay falkaas foosha xun, xili falkaas Taliska Booliska uu sheegay in loo qabtay 4 ruux oo laga shakisan yahay.

Ciidamada Dowlada Oo La Wareegay Deega an Ka Tirsan G/Gedo

      Wararka ka imaanaya G/Gedo ayaa waxa ay ku soo waramayaan in ciidamo ka tirsan Dowl ada ay weearar xooggan ku qaadeen deegaanka qaniyaale ee gobolka gedo halkaasi oo la shee gayin ay ku sugnayeen  xubno ka tirsan   dagaalamayaasha  al shabaab .

Wararka ayaa intasi kudarayaan in  ciidamada dowlada ay la war eegeen gabi ahaanaba deegaan ka qaniyaale islamarkaaasna ay saraakishu sheegeen in deegankaan ay al shab aab ay dadka ku dhibaateen jireen

      Sidookale sarkiisha ciidamada dowlada ayaa waxa sheegeen in dagaalkan ay alshabaab kaga soo furteen  xoolo ay sakawaad ahaan uga qaa teen dadka. Waxa ay sheegeen taliska ciidan do wlada ay ilaa 200 qol oo ari ah ay kaga soo qab sadeen dagaalka islamarkaasna ay ciidamadu la wareegeen deegaanka qaniyaale ee dhaca gobolka gedo

     Dhankale wali majirto wax wara oo kasoo bax aya dagaalamasha alshabaab oo ku adan dagaal kan la sheegay in ciidamada dowlada ay kula wareegeenka qaniyaale ee gobolka gedo

Muxuu ahaa u jeedka kulanka Goodax Barre iyo heesaa Sharma Boy?

      Wasiirka Waxbarshada DFS C/hi Goodax Bar re ayaa Shalay la kulmay Sharma Boy oo ah Heesaa da’yar oo saameyn ku leh dhallinyarada Muqdisho.

     Goodax Barre ayaa ka cods aday heesaa Sha rma Boy inuu fankiisa u weeciyo ku baraaruj inta dhallinta, ahmiyadda ay le ed ahay waxbara shada.

     "Waxaan Shalay sheekeysan nay fannaanka da’da yar ee Sharma Boy oo saameyn ku dhex leh dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dha llinta Gobolka Banaadir. Waxaan ka codsaday in uu fankiisa u weeciyo ku baraarujinta dhallinta, ahmiyadda ay leedahay waxbarashada” ayuu yiri Goodax Barre.

     Ka dib markii 8 kun oo arday oo G/Banaadir ku nool ku dhacday imtixaankii ay qaaday DFS ayaa koox uu kamid yahay Sharma Boy soo saa reen hees ka hadlaysa shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka qallinqabiya dugsiyada sare iyo jaamacahada.

 Heesta oo baraha bulshada aad u qabsatay, ay uu Goodax Barre oo ka falceliyay ku tilmaamay mid xikmadaysan.

Wiil yar oo lagu fara-xumeeyay Magaalada Muqdisho

    Wiil yar ayaa waxaa la sheegay in lagu fara-xumeeyay D/Shangaani ee G/Banaadir, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

     Ehelada wiilka yar oo la hadlay  warbaahinta ayaa u sheegay in wiilkooda oo 10 sano jir ah fal ka lagula kacay xili habeen ah, uuna ku sug naa gurigooda oo ku yaalla D/Shang aani, kadibna ay baxsadeen rag la tilmaamay in arrintaas ay geysteen.

     Waxaa kaloo Ehelada ay sheegeen in falka la gu sameeyay wiilka ay ogaadeen, kadib markii la geeyay Isbitaal laguna sameeyay baaritaano, waxaana dhacdadaas loo qabtay hal qof oo la tuhmayo.

     Falkaas ka dhacday D/Shangaani ee G/Bana adir ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo jim cihii lasoo dhaafay gabar dhalinyaro ah aheyd D/Waaberi loogu geystay fal isugu jiray kufsi iyo dil, kadibna laga soo tuuray dabaq lix biyaano ah.

    Laamaha amniga DFS ayaa sheegay in falka as loo geystay marxuumad Xamdi Maxmed Faa rax loo soo qabtay 4 ruux, isla markaana weli ay socdaan baaritaano kale.

     Muddooyinkii ugu dambeeyay falalka kufsiga iyo dilka ayaa kusoo badanayay Gobolada dalka qaar, waxaana dhacdooyinkaas loo soo qabtay rag oo qaarkood la toogtay, halka kuwo kalena xukuno lagu riday.


Sheekh Cabdi Xayi oo si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed

      Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed, ee degan M/M uqdisho ayaa si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed Faarax loogu gaystay M/Muqd iso. Sh.Cabdi Xayi Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in qof kasta oo damiirkiisu noolyahay uu ka damqanayo marka uu maqlo wixii ku dhacay Xamdi Maxamed Faarax oo kale.

"Runtii qof kastoo damiir nool leh waxaas oo kale marka uu maqlo waa wax uu aad uga xumaanaayo. Waa fal aad u fool xun oo wax walba oo lagu cabiro karo oo ereyo ah ay ka caaj isayaan inay tilmaamaan falkaasi dembiga weyn     sida uu u xunyahay.” Ayuu yiri Sheekh Cabdi Xa yi Sheekh oo la hadlay Radio Kulmiye.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waa waxyaa baha dhaqan xumada ah, ee runtii umaddeena Soomaaliyeed aan dhaqan u lahayn. Gabdhaha Soomaalidu aad bay u xushmeeyaan oo u ixtira amaan dhaqankeena Soomaaliyeed, Islaamkey nana saas buu qabaa. Maqaashatul Shareeco markii laga hadlayo shanta waaweyn ee diinta u soo degtay inay ilaaliso, qayb waxaa ku jirto la yiraahdo cirdiga ama sharafta, si loo ilaaliyo iska dhaafee inta la fara xumeeyo la dilee, waad gar aneysaa macnaha sida looga fogaaday oo wa xaas loogu kacay falkaasi aadka u fool xun, ee bani’aadanimada ka baxsan, Islaamnimada iyo dhaqanka Soomaalida ee suubana khilaafsan.”

Waxa kaloo uu yiri "Haddii waxba laga qaban-waayo oo qof walba indhaha ka fiirsado masuuli yaddii la qaadan-waayo, qof walbana meeshii ka ga aadan ka qaadan-waayo, bulshadii ayaa wa da baaba’eysa doontiina way kiideysaa, oo bad dii ayay hoos u galeysaa.”

Sheekh Cabdi Xayi oo Soomaalida la dardaarma ya ayaa yiri "Marka qof kasta oo qayb ka noqon kara badbaadinta dumarka, badbaadinta gabdhe ena sharafta badan ee xumaatadaas ay ku dhaceyso, runtii waajib weyn waxaa saaran inuu badbaadaas qayb ka noqdo.”

Somaliland oo beenisay in la qabtay hub, qaraxyo iyo rag la tuhunsan yahay

      Taliska Booliska Somaliland ayaa si adag u beeniyay war si weyn Shalay ugu faafay barraha bulshada, oo sheegayay in la qabay hub, qaraxyo iyo 13 nin oo la tuhu nsan yahay.

Warka been abuurka ayaa sidaan u qornaa "Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen wee raro argagixiso oo xiriir ah oo lala beegsanaayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Booliiska ayaa sidoo kale qabtay hub iyo walxaha qarxa, ciidamadda ammaanku waxay sidoo kale ku da ba jiraan xubno kale oo loo tuhmayo. Hubso ci ddaad ka kiraynayso gurigaaga. Qolada hotela da waxaa iga digniin ah ha hubsadaan cidda ay hoteelada ka kiraynayaan.”

     General Maxamed Aadan Saqadhi (Dabaga lle), Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warkaasi laga faafiyay Ciidanka Booliska.

      Wariye Maxamuud Walaaleeye oo wareystay Taliyaha Booliska Somaliland ayuu Taliyaha si doo kale uu digniin ugu jeediyay kuwa been abu urka ka faafinaya Booliska Somaliland.

     "Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog, oo la xiriira Ciid anka Booliiska. Waxaana u sheegayaa inaan dhawaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciid anka Booliiska JSL oo shirkadda Facebook xaq iijisay.” Ayuu yiri Taliyaha Booliska Somaliland.

Warkan waxa uu ku soo aadaya, xilli habeenadii la soo dhaafay ay Ciidamada Booliska Somalil and hawlgalo amni xaqiijin ahi ka wadeen wad ooyinka M/Hargeysa qaarkood.

    Somaliland waxaa lagu tilmaamaa goobta ugu ammaanka wanaagsan ee geyiga Soomaalidu degto.

Ciidamada Nabadsugida Jubland oo Guda ha Kismaayo Miinoiyin ka soo saaray .

     Ciidanka Nabad-sugidda iyo Sirdoonka D/G/ Jub al



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip