Daraasad: COVID-19 oo xanuun dhanka maskaxda ah ku reebaya dhallinyarada

0
Sunday September 13, 2020 - 22:48:32 in Wararka by
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad: COVID-19 oo xanuun dhanka maskaxda ah ku reebaya dhallinyarada

    Cudurka faafa ee Covid-19 wuxuu saameyn xun ku yeeshaa maskaxda dhallinyarada sida ku cad ra'yi uruurin dhowaan laga sameeyay dalka Mareykanka. Dhallinyarada da'doodu u dhaxeeyso 32 jir ilaa 18 ayaa ah kuwa ugu badan ee ka cabanaya xanuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka faafa ee Covid-19 wuxuu saameyn xun ku yeeshaa maskaxda dhallinyarada sida ku cad ra'yi uruurin dhowaan laga sameeyay dalka Mareykanka. Dhallinyarada da'doodu u dhaxeeyso 32 jir ilaa 18 ayaa ah kuwa ugu badan ee ka cabanaya xanuunnada maskaxda saameeya sida niyad-jabka iyo walaaca oo ay isku arkeen 4 tii bilood ee dadku guryahooda ku jireen si looga baaqsado feyraska sida dhaqsaha ah ku faafa ee karoona. Ra'yi uruurintu waxa ay xustay in dadka Mareykanka ah ee da'doodu u dhaxeyso 24 ilaa 18 jir ay 56% ka cabanayaan xanuunnada maskaxda oo ay ka dhaxleen feyraska, marka lala barbardhigo 56% dadka waayeelka ah oo ay aad u waangsantahay maskaxdooda. Inta lagu guda jiray aafada Covid-19 dhallinyaradu waxa ay wajaheen xaalad kala guur oo dhanka nolosha ah, qaar ayaa hankoodu ahaa in ay bilaabaan waxbarasho heerar kala duwan ah halka qaarna ay ku fikirayeen in ay qoysas yagleelaan oo ay guursadaan, waxaa jira kuwo iyagu markaas uun qaan-gaaray oo la koowsaday xaalad dhaqaale xumo, taas oo sababteeda uu leeyahay Covid-19. Christina Torres, waa 32 jir Macallimad ka ah Dugsiga dhexe ee Honolulu ee dalka Mareykanka, waxa ay dib u dhigtay arooskeeda oo ay qorsheeneysay bisha Juun ee aan soo dhaafnay aafada awgeed iyo sidoo kale in ay California u aaddo aaska ayeeydeed oo uu dilay Covid-19. Iyadu mar walba waxa ay isku madadaalin jirtay qolka Jiimka iyo in ay khadka kala sheekeysato saaxiibbadeed kala jooga caalamka si ay uga baaqsato xanuun maskaxda ah. "xaalaaddu way sii adkaaneysaa waqt          iguna wuxuu i gelinayaa rajo xumo” ayey tiri.

Daraasad ay sidoo kale dhowaan baahisay Jaamacadda Chicago ayaa lagu sheegay in dhallinyarada Ameerikaanka ah ay dareemayaan xaaalado kale oo nafsaani ah inta lagu jiro musiibada Karoona oo ay kamid yihiin hurdo la’aan, qarow iyo oohin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip