Talyaaniga oo aqbalay inuu magangeliyo tahriibayaal muddo 40 maalmood ah saarnaa markab

0
Sunday September 13, 2020 - 22:38:22 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talyaaniga oo aqbalay inuu magangeliyo tahriibayaal muddo 40 maalmood ah saarnaa markab

    Dowlada Talyaaniga ayaa aqbashay inay magangelyo siiso koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka. Tahriibayaashan ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Talyaaniga ayaa aqbashay inay magangelyo siiso koox tahriibayaal ah oo uu soo badbaadiyay markab laga leeyahay dalka Denmark oo ku sugnaa badda Mediterranean-ka. Tahriibayaashan ayaa loo ogolaaday inay ku degaan dalka Talyaaniga kadib in ka badan 40 maalmood oo ay badda ku jireen. Markabkii Maersk Etienne ee Dheenishka ahaa ayaa soo qaaday waxyar kadib markii markabkoodii ay tahriibayaashan saarnaayeen uu bilaabay inuu quuso         Laakiin markabkan ayaa loo diiday ogolaansho ah inuu ku xirto waddan kasta muddo bil ka badan. Muhaajiriintan ayaa ugu dambeyntii ka degay Sicily habeenkii Sabtida.

kooxdan ayaa jimcihii waxaa loo wareejiyay markab samatabixin ah oo ay maamusho NGO-ga Badbaadinta ee lagu magacaabo Mediterranea Saving Humans. Waxaana la keenay dekedda Pozzallo.

             "Tani waxay soo afjaraysa istaaagitaankii iyo baajintii ugu dheeraa uguna ceebta badnaa ee soo mara badda Yurub,” ayay Mediterranea ku soo qortay Twitter.

             Waxay ku soo beegantay arrintani xilli Giriiggu la daalaa dhacayo in ka badan 12,000 oo muhaajiriin ah oo ku sugan Lesbos ka dib markii xerada qaxootiga ee Moria uu burburiyey dab.

       Warar ay qoreen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in tahriibayaashan ay ka soo kala jeedaan dalka Sudan, Chad, Eritrea iyo Libya.

Illaa 19,400 oo tahriibayaal ah ayaa ka degay xeebaha Talyaaniga ilaa iyo sannadkan, marka la barbardhigo qiyaastii 5,200 isla muddadan oo kale sanadkii la soo dhaafay, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip