Sheekh Cabdi Xayi oo si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed

0
Sunday September 13, 2020 - 20:03:25 in Wararka by
  • Visits: 300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Cabdi Xayi oo si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed

    Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima'udiinka Soomaaliyeed, ee degan Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed Faarax loogu gaystay Magaalada Muqdiso. Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima'udiinka Soomaaliyeed, ee degan Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed Faarax loogu gaystay Magaalada Muqdiso. Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan ayaa tilmaamay in qof kasta oo damiirkiisu noolyahay uu ka damqanayo marka uu maqlo wixii ku dhacay Xamdi Maxamed Faarax oo kale. "Runtii qof kastoo damiir nool leh waxaas oo kale marka uu maqlo waa wax uu aad uga xumaanaayo. Waa fal aad u fool xun oo wax walba oo lagu cabiro karo oo ereyo ah ay ka caajisayaan inay tilmaamaan falkaasi dembiga weyn sida uu u xunyahay." Ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi Sheekh oo la hadlay Radio Kulmiye. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waa waxyaabaha dhaqan xumada ah, ee runtii umaddeena Soomaaliyeed aan dhaqan u lahayn. Gabdhaha Soomaalidu aad bay u xushmeeyaan oo u ixtiraamaan dhaqankeena Soomaaliyeed, Islaamkeynana saas buu qabaa. Maqaashatul Shareeco markii laga hadlayo shanta waaweyn ee diinta u soo degtay inay ilaaliso, qayb waxaa ku jirto la yiraahdo cirdiga ama sharafta, si loo ilaaliyo iska dhaafee inta la fara xumeeyo la dilee, waad garaneysaa macnaha sida looga fogaaday oo waxaas loogu kacay falkaasi aadka u fool xun, ee bani'aadanimada ka baxsan, Islaamnimada iyo dhaqanka Soomaalida ee suubana khilaafsan."

            Waxa kaloo uu yiri "Haddii waxba laga qaban-waayo oo qof walba indhaha ka fiirsado masuuliyaddii la qaadan-waayo, qof walbana meeshii kaga aadan ka qaadan-waayo, bulshadii ayaa wada baaba’eysa doontiina way kiideysaa, oo baddii ayay hoos u galeysaa.”

Sheekh Cabdi Xayi oo Soomaalida la dardaarmaya ayaa yiri "Marka qof kasta oo qayb ka noqon kara badbaadinta dumarka, badbaadinta gabdheena sharafta badan ee xumaatadaas ay ku dhaceyso, runtii waajib weyn waxaa saaran inuu badbaadaas qayb ka noqdo.”







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip