Guddoomiye Cusub oo loo doortay xiriirka kubad-cagyaraha Soomaaliyeed + Sawirro

1
Saturday September 05, 2020 - 19:14:27 in Wararka by
  • Visits: 1616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cusub oo loo doortay xiriirka kubad-cagyaraha Soomaaliyeed + Sawirro

    Waxaa magaalada Muqdihso maanta ka dhacay shirweynihi labada ee heer doorasho kaasoo lagu dooranayay hoggaanka xiriirka Somaaliyeed ee kubadcagyraha ( Somaali Mini Football). Shirweynaha waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Golaha Shacabk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magaalada Muqdihso maanta ka dhacay shirweynihi labada ee heer doorasho kaasoo lagu dooranayay hoggaanka xiriirka Somaaliyeed ee kubadcagyraha ( Somaali Mini Football). Shirweynaha waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka socotay Golaha Shacabka , Wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga JFS , Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed, Madaxda xiriirada heer qaran, Gobolka Banaadir, Xil dhibaano hheer maamul-goboleed, Xiriirada kubadcagyaraha Maamul Goboleedyada dalka, Naadiyada Xiriirka kubad cagyaha Soomaaliya, Ururada, halyeeyo Isboortiga qeybahiisa kale duwan a iyo marti sharaf kale. Xilka Guddoomiyaha oo ay u cdoeynayeen 19 Xubnood waxaa u tartamay Aadan Cabdulle Mahdi iyo Saalx Maxamed Naaji, waxaana 17 cod ku guulaystay Aadan Cabdule Mahdi halka 2 Cod uu helay Saalax Maxamed Naaji. Guddoomiye ku xigeenada waxaa u tartamay 3 musharax oo kala ahaa Xasan Cabdi Goodax, Abuukar Xasan Yuusuf iyo Cabdi Xakiin Xuseen Islow. Xasan Cabdi Goodax oo helay 17 iyo Abuukar Xasan Yuusf oo helay 13 Cod ayaa ku guulaysatay halka cabdixakiin Xuseen Islow uu helay 2 cod. Xubnaha oo ay u taagnaayeen 5 xunbood oo laga doonayay 4 xubnood waxa tanasulay Cabdulqaadir Maxamed Sugoow, waxaana cod gacan tag ah loogu codeeyay Cabdi Maxamed Xasan, Cabdulqaadir Xaaji Dacar, Saacid Cadbi Xuseen iyo Ikraan Cabdullaahi Maxamed. Guddoomiyaha La doortay Aadan Cabdule Mahdi oo shanti snao ee lasoo dhaafay ahaa Xoghayaha Xiriirka Kubadcagyaraha Sosomaaliyeed ayaa mahad celin usoo jeediyay dhamman xubnihii u codeeyay , Wasaaradda dhallinyarda Isboortiga o iyo halyeeyada Isboortiga o garab-istaag u sameeyay xiriirka muadii shanti sano ee lasoo dhaafay iyo hanaanka diyaargarowga iyo qabsooamda doorashadan, waxuna ballan qaaday in isag iyo guddiisa fulinta ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii xiriirka kubad cagyraha Soomaaliyeed horumar dagdag ah ku gaari lahaa. Agaasimaha Guud ee wasaaradda dhallinyarda iyo isboortiga Isaaq Xaashi Jimcaale oo shirweyanah soo xeray ayaa sheegay in doorashada ku dayasho mudan uu sameeyay xiriirka kubad cagyraha soomaaliyeed si xaq iyo xalaal ahna ay u dhacday xiriirada kale ee dalkana laga doonayo inau ay ku daydaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubad cagyraha. Hogaanka shanta ssano ee soo socota hogaamin doona Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcagyaraha. 1- Aadan Cabdulle Mahdi Guddoomiye 2- Xasab Cabdi Goodax Guddoomiye ku xigeen 3-Abuukar Xasan yuusuf Guddoomiye ku xigeen 4- Cabduqaadir Xaaji Dacar Xubin 5- Cabdi Maxamed Xasan Xubin 6- Saacdi Xuseen Cabdi Xubin 7- Ikraan Cabdullaahi Maxamed Xubin
      



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip