Maroodi dib ugu laabtay Soomaaliya muddo 20-sano kadib (Sawirro)

0
Thursday March 10, 2016 - 18:01:27 in Wararka by
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maroodi dib ugu laabtay Soomaaliya muddo 20-sano kadib (Sawirro)

    Maroodigii u horeeyay muddo 20-sano kadib ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya, iyadoo uu socday illaa boqol KM, si uu uga gudbo xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maroodigii u horeeyay muddo 20-sano kadib ayaa dib ugu laabtay Soomaaliya, iyadoo uu socday illaa boqol KM, si uu uga gudbo xadka u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ma aheyn oo kaliya in dalka ay ka qaxeen dadka oo waxaa ka mid ahaa kuwa ka qaxay colaada xaywaanadii duur-joogta ahaa, kuwaasoo galay gudaha Kenya.

Maroodiga oo lagu magacaabaa Morgan, waxaana muddo saddex todobaad ku qaadatay inuu dib ugu laabto Soomaaliya.

Morgan oo ah Lab ayaa ah 30-jir ayaa ka qaxay Soomaaliya sanadkii 1991-dii, isaga iyo xaywaano kale oo duur-joog ah.

Dadka ka faalooda arrimaha duur-joogta ayaa sheegaya in dib u soo laabashada Marodigan ay tusaale u noqon karto in duur-joogtii kale ee horay uga qaxday Soomaaliya inay dib u soo laabtaan.

Sanadkii hore ayaa waxaa lagu arkay Jubadda Hoose xaywaano kala duwan oo ka soo qaxay deegaanada howdka ee Kenya, kadib markii diyaaradaha dagaalka Kenya ay deegaanadaas ka geysteen duqeymo, iyagoo baadigoobayay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

maroodimaroodi1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip