WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAARSO 2016-KA

0
Thursday March 10, 2016 - 09:26:28 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAARSO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA: "XOOJINTA CULUUNTA SAYNISKA IYO TIKNOLOOJIYADDA WAA FURAHA HORUMARKA SOOMAALIYA'' Dhagax dhiga kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada hadana laga dhigayo kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada kuna taala degmada Waab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: "XOOJINTA CULUUNTA SAYNISKA IYO TIKNOLOOJIYADDA WAA FURAHA HORUMARKA SOOMAALIYA'' Dhagax dhiga kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada hadana laga dhigayo kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada kuna taala degmada Waabari ee Gobalka banaadir waxaa ka qeybgalay Madaxweynahadalka, Mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda , guddoo miyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya, maamulka gobalka banaadir, aqoonyahanno, arday iyo marti sharaf kale.

 

Guddoomiye kuxigenka gobalka ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan waxkasta oo lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in xaruntaan ay tahay tan ugu muhiimsan xarumaha Jaamacadda, maadaana uu ka baxay Madaxweynaha dalka kana noqday barre sare.

"Runtii waxa ay ilatahay in daraad maalin weyn ay tahay maxaa yeelay waxaan joognaa meeshii uu wax ku bartay barre sarena uu ka noqday Madaxweynaha dalka soo dhawoow Madaxweyne howshaad na fartay ayaa heynaa”ayuu yiri Prof Maxamed Axmed Jimcaale.

Xildhibaand Sahra Macalin ayaa balan qaaday in Xildhinaabad ay ka qeybqaadan doonaan dhismaha xaruntaan.

"Waxaan balan qaadeynaa inaan qaadano xubintii Xildhibaannada waana midaan ku faano Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed” ayay tiri Xildhibaan Sahra.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng Saalax Sheekh Cusman ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan madaxda Jaamacadda kuna dhiiri galiyay howshaan.

Wasiirka Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka khadar Bashiir Cali ayaa ka dhawaajisay in dhismaha xarunta cusub ee jaamacadda gaar ahaan kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada ay ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka.

"Dhismaha Xaruntaan ka Wasarad ahaan waxaan balanqaadayaan ineey dhismaha ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka galinka danmbe ee maalintii ugu yaraan saddex maalin isbuucii anaga qeyb ayaa ka nahay”ayay tiri Wasiir Khadar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qiira leh uga hadlay arrinta ku saabsan dib u dhiska kuliyadiihore ee Macalimiinta Farsamada, maadaama ay tahay kuliyadii uu ka baxay barre sarena uu ka noqday, amaan iyo bogadin uu u jeediyay madaxda sare ee jaamacadda ka dibna wuxuu shegay in barlamaanka iyo golaha Wasiiradu ay tahay in ay qeyb ka qaataan dib u dhiska xaruntaan.

"Aniga si gaar ah ayey ii taabaneysaa Jaamacadda Ummadda iyo intii ka baxday Jamacad dhismadeedu waa muhiim, maxaa yeelay waa goobta ay ku soo saaran karto xoog, dhinacalae waxaa la doonayaa iney ka qeyb qaatan dhismahaan labada gole ee dowlada iyo shacabka guud ahaan”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

SHIR LOOGA HADLAYAY XOOJINTA WADA SHAQEYNTA KA DHEXEYSA HAY’ADAHA TALINTA SHARCIGA IYO WASAARADDA GARSOORKA

Shirkan looga hadlayay isku xirka hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta hay’adaha ka shaqeeya Cadaalladda iyo arrimaha garsooka si loo horumariyo cadaallada dalka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaalladda iyo garsoorka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa hay’adaha ka shaqeeya talinta sharciga.

"Shirkan waxaa uu ku saabsanyahay iska war qabka iyo isxog wareysiga ka dhaxeeya hay’daha ka shaqeeya cadaalladda oo isugu jira Wasaaradda cadaalladda, xabsiyada iyo dhamaan sidoo kale Wasaaradda amniga ayaa ku jira iyo hay’ado kale oo fara badan oo ay ka dhaxeyso wada shaqeyn dhow oo la rabo mustaqbalka dhow in ay sii joogteeyaan wada shaqeyntooda marka muhiimadda waxa ay tahay in laga wadashaqeeyo horumarinta cadaalladda’’ ayuu yiri Xoghayaha joogta ah ee Wasaaradda.

Sidoo kale Mudane Ismaaciil Jimcaale Calasow Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Cadaalladda iyo garsoorka oo ka hadlayay muhiimada shirkan loo qabtay ayaa yiri "Wada shaqeyn caafimaad qabta iyo iska war qab, wadankan waxaa ka jira qaab Federaal ah, waxaana loo baahnyahay in si Federaalka uu u hourmaro hay’adaha cadaalladda la horumariyo, ayna wada shaqeeyaan, wuxuuna shirkan abuuri doonaa in hay’ad walba ay ogaato shaqadeeda iyo meesha ay ku egtahay, marka in wada shaqeyn dhab ah la yeesho ayaa ka mid ah waxyaabaha aan ka fileyno”.

 

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA OO BAARLAMAANKA KA DALBADAY INUU CADEEYO MAQAAMKA MUQDISHO..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo daraad ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaaladaayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbadayinuu cadeeyo kaalinta ay Muqdisho ku yeelaneyso Nidaamka Federaalka iyo Maqaamkeeda.

Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in Golaha Shacabka ay Cadeeyaan Maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu Baarlamaanka ugu baaqay in ay Deg Deg u soo saaraan Sharuuc Cadey neysa Maqaamka ay Federaalka ku leedahay Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu ka mid yahay 18 Gobol ee Soomaa liya,loona baahan yahay in ay Xaquuq helaan dadka ku nool Muqdisho oo Dhowr Malyan gaar aya.

Horay waxaa u jirtay in Dadka ku Muqdisho ay dhigeen Banaanbax ay ku dalbanayaan in la siiyo Xaquuqdii ay Muqdisho laheyd,kuwaas oo sheegay in aysan Macquul aheyn in Xaquuq la’a an ay noqdaan 3 Milyan oo Muqdisho ku Nool.

CIIDAMO KA TIRSAN KOOFUR GALBEED OO GOBOLKA BAAY LAGU QARXIYAY

Wararka laga helayo Gobolka Baay gaar ahaan inta u dhaxeysa Deynuunaay iuo Maanyafuulka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka koofur galbeed Qarax lagula Eegtay.

Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Askari oo ka mid ah Ciidamada Daraawiishta Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Maamulka koofur Galbeed ayaa sheegay inuu jiro Qaraxa,waxaana ay ku Eedeeyen in ay ka dambeeyaan Alshabaab.

Ciidamada ku dhaawacmay Qaraxa ka dhacay Inta u dhexeeya Deynuunaay iyo Maanya fuulka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Q,M OO CAMBAAREYSAY HESHIISKA QAXOOTIGA YURUB LOOGA CELINAYO.

Q,M ayaa si kulul u cambiareysay heshiiskii ay wada gaareen midawga Yurub iyo dawlada Turkiga ee ahaa in dib loo celiyo qaxooti fara badan oo Yurub ku qul qulaya.

Hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiskaas uu yahay mid meel ka dhac ku ah xaquuqda aadanaha isla markaana ay sidoo kale xad gudub ku tahay xeerka caalamiga ah ee bad baadinta qaxootiga.

Agaasimaha UNCHR ee Yurub Vincent Cochetel ayaa sheegay in heshiiska ay wada gaareen Turkiga iyo midawga Yurub inuu sidoo kale caqabad ku yahay qaxootiga nolol doonka ah.

FARANSIISKA:MUDAAHARAAD LAGU DIIDAYO ISBADAL SHAQAALE

Kumanaan arday iskuul iyo shaqaale ayaa mudaaharaad ka sameeyay Faransiis, iyagoo ka soo horjeedo isbadalo lagu samaynayop sharciyada shaqaalaha.

Sharciga cusub ayaa ka saari doona sharciga shaqaalaha, qaybta ilaalinaysa xuquuqda shaqaalaha ee hor istaagayso in la cayriyo, iyadoo la doonayo in lagu dhiirigaliyo shirkadaha inay shaqaale badan qortaan.

Waxay kaloo u ogolaanaysaa in shaqaalaha qaar ay shaqeeyaan waqti badan toddobaadkii, oo hadda shaqayn kara oo kaliya 35 saacadood.

Shirkadaha ayaa yeelan kara awood dheeraad ah oo ay ku dhimaan saacadaha iyo lacagta.

MADAXWEYNE GAAS OO KA HADLAY ABAARO KA JIRA PUNTLAND

Madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas oo isagu ku sugan magaalada Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay abaaraha ka jira deegaano ka tirsan maamulka Puntland.

Gaas oo shacabka Puntland la dardaarmay ayaa sheegay in ay isku gurmadaan la oo dadka ay abaaraha saameeyeen gar gaar la gaarsiiyo, isagoona intaa ku daray in shacbka reer Puntland ay yihiin kuwo hormarka mar walba ka shaqeeya.

Hadalka Madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli abaaro baahsan ay ka jiraan deegaano ka tirsan maamulka Puntland oo maalmihii u dambeeyay ay ahaayeen abaarahaas kuwo cabashadooda ay badatay.

ALSHABAAB OO XAQIIJISAY INAY KOMAANDOOS SHISHEEYE SOO WEERAREEN SALDHIGOODA KU YAALLA AW DHEEGLE

Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay Komaandoos Shisheeye ah ku soo qaadeen Degmadda Aw Dheegle ee Gobalka Sh/hoose oo qiyaas ahaan 50 KM dhanka Koonfureed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

Afhayeenka oo wareysi siiyey Wakaalladda Wararka REUTERS waxa uu sheegay inay Ciiddanka shisheeyaha oo watay labo Helikoptar soo weerareen Aw Dheegle abaarihii Kowdii Habeenimo ee Saqdii dhexe ee xalay, isla markaana uu Hal dagaalyahan Alshabaab kaga geeriyooday iska horimaadkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Labada Helikoptaro ku degeen Jiinka Webiga Shabelle, iyadoo Komaandooska ka soo degay diyaaradahaasi ay soo weerareeen Saldhiga Alshabaab ku leeyihiin Aw Dheegle.

"Komaandooska wejiga ayaa u hagoognaa, waxayna ku hadlayeen Luqado shisheeye oo ay Dagaalyahanadeedu fahmi waayeen” ayuu yiri Abu Muscab oo intaasi ku daray inaysan aqoonin kuwa ay yihiin.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay fashiliyeen weerarka Ciiddankaasi oo ku hubeysnaa qoryaha M16 oo ay Milliteriga Maraykanka isticmaalaan, walow uusan Abu Muscab xusin dhalashada Ciiddankaasi.

Dhinaca kale, dadka ku nool Degaanka Aw Dheegle ayaa xaqiijiyey iska horimaadkaasi iyo inay Labo Helikoptar ku arkeen Deegaankaasi.

Waxay kaloo sheegeen muddada uu socday Hawlgalkaasi inay Dadka deegaanka ku adkaatay inay isticmaalaan Isgaarsiinta Mobayladda.

CIIDAMADA YAHUUDA OO TOOGTAY FALASTIINIYIIN WEERARAY RAKAAB GAARI SAARNAA

Booliska Israel ayaa toogasho ku dilay 2 ruux oo Falastiiniyiin ah oo lagu eedeeyay inay weerareen gaari nooca dadweynaha qaada ah oo marayay magaalada Qudus qeybta Isra’el

Wararku waxay sheegayaan in ciidamadu toogteen labada ruux ee Falastiniyiinta ah kadib markii ay rasaaseeyeen gaariga oo marayay xaafadda Albaabka cusub la yiraahdo ee Qudus.

Hal ruux oo Yahuudi ah ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn dhewx martay booliska iyo labada ruux ee la dilay.

HAWEENKA SOOMAALIYEED EE MAREYKANKA OO MINNEAPOLIS KU XUSAY MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA

Munaasabadabni oo lagu maamusyaayay maalinta caalamiga ah ee haweenka aduunka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

munaasabadani ay soo qaban qaabisay urur ay leeyihiin haween Soomaaliyeed oo magaciisu yahay Isuroon ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin’aqoonyahano haweenka iyo madax ka socota dalka Mareykana

Qaar kamid ah haweenkii soo qaban qaabiyay munaasabada ayaa ka hadlay ujeedka ayagoo haweenka Soomaaliyeed ku dhiiro geliyay xoojinta kaalinta ay leeyihiin horumarka bulshada

Dadkaa ka qeyb galay munaasabada ayaa waxay ka haldeen kaalinta haweenka ay ku leeyihiin horumarka bulshada sida Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota wuxuuna balan qaaday in goor dhaw ay xafiiskiisa ka shaqeyn doonto Gabar Soomaali ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinkaQaranka SoomaaliyeedXaliimo Ismaaciil Xaliimo Yerey oo munaasabada hadal ka jeedisay ayaa ugu hambalyeysay haweenkacaalamka gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed 8da Marso ayadoo ku boorisay in ay sare u qaadaan ka qeyb qaadashada horumarkla buslahada.

Intii ay munaasabdani socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed iyo hormarka ay samaynayaan sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay caqabadaha ay la kumaan dumarka Soomaaliyeed.

CIRRO: HANJABAADA INJINEER FAYSAL WAXAY XADGUDUB KU TAHAY AMMAANKA GUDDOOMIYE CIRRO

Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa Dacwad ka dhan ah Gudoomiyaha Xisbiga Muca aradka ee UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe u gudbiyey Gudiga doorashooyinka Somaliland, taasoo lagu dalbaday inay tallaabo ka qaadaan, kaddib markii la sheegay in erayo amniga khal-khalgali naya ku yidhi gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro.

Qoraal ka soo baxay xisbiga WADDANI oo uu ku saxeexan yahay ku xigeenka kowaad ee Xisbigaas, Axmed Mumin Seed ayaa ujeeddadeedana lagu sheegay dacwad Hanjabaaad ah oo kasoo yeedhay Inj. Faysal Cali Waraabi oo gudoomiye Cirro ugu hanjabay dil Toogasho ah wakhti shir ku wada jireen xisbiyadda iyo guddida doorashooyinka.

"Annagoo ah mas'uuliyiinta xisbiga WADDANI, waxaan halkaan si sharaf iyo karaamo leh ugu soo gudbinaynaa guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland dacwad hanjabaad diltooga sho ah oo ka soo yeeray guddoomiyaha UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe 08/03/2016 Shir ka socd ay Xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka dhexdiisa isagoo ugu Hanjabay inuu xabbad ku dhufanayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, C/raxman Maxamed Cabdillahi (Cirro).Shirkaas uu Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe ka sameeyay hanjabaaddaas dilkatoogasho ah waxa Goobjoog ka ahaa Shan Xubnood oo ka tirsan Koomishan ka Doorashoyinka Qaranka iyo 7xubnood oo Wakiillada saddexda xisbi qaran u jooga Komisha nka,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xisbiga WADANI oo uu ku saxeexnaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga Axmed Mumin Seed.

Waxaana dacwadaasi lagu sharaxaya sida sharciga iyo amniga uga hor imanayso, waxaa na lagu yiri. "Hanjabaadda Guddoomiye Inj. Faysal Cali Waraabe waxay si toos ah Xadgudub ugu tahay amniga & xoriyada shakhsiyeed ee guddoomiyaha golaha wakillada Somaliland, isla mark aana ah gudoomiyaha xisbi mucaaradka WADDANI, sidoo kale waxay khatar ku tahay Nabadda iyo Deggenaanshaha Guud ee Qaranka iyo Geedisocodka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada Somaliland. Falka uu ku kacay guddoomiye Inj. Faysal Cali Waraabe wuxuu lid ku yahay qodoba da dastuurka ah ee ay ka mid yihiin qodobka 24aad iyo 25aad oo sheegaya Xuquuqda qofka Muwaadinka ah iyo Dhawrsoonaanta Sharaftiisa, Magaciisa iyo xuquuqdiisa qof ahaaneed, waxa kale oo uu lid ku yahay xeerarka dalka ee dammaanad qaaday ammaanka muwaadinka iyo Xasa anadda masuuliyiinta qaranka iyo Amaanka guud ee Somaliland.

Haddaba, Guddiga doorashooyinka Qaranka oo dhacdadan hanjabaadda dilkatoogasho ahi ay ka dhacday Xaruntooda isla markaasna Goobjoog ahaa, wuxuu xil ka saaran yahay inay tall aabada ku habboon ka qaadaan, sidoo kalena Hay’adaha kale ee qaranka ee ay khusayso arrant ani inay iyaguna tallaabada ku habboon ka qaadaan waajibkoodana ka gutaan Falkan.

Ugu dambayn, Xisbiga Waddani wuxuu Hoggaansan yahay Dastuurka Dalka iyo Xeerarka ka farcama, isla markaasna uu dhawrayo anshaxa tartanka doorashooyinka, tixgalin baaxad lehna u hayaam go’aanada Komishanka Doorashooyinka Qaranka kasoo baxa.”

Si kastaba ha ahaatee, Dacwadaha noocan ah ayaa ah mid ku cusub Miidaanka Siyaasad da, isla markaana aanay hore dacwaddo sidan oo kale ah usoo marin guddiga Doorashooyinka, balse waxaa laga war sugi doonaa Tallaabooyinka ay qaadi doonaan, mar haddii dacwaddii hore ee uu xisbiga UCID gudbiyey si deg deg ah uga jawaabaan.

MARAYKANKA ” WELI AWOODA AL SHABAAB WAA MID JIRTA”.

Dowladda Maraykanka ayaa dhawaan sheegtay in weli ay taagantahay awooda Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya oo weli geysan karto weeraro xoogan oo dhiig badan uu ku daato.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa dhawaan weerar duqeyn ah ka geystay xarun Tababar oo ay leeyihiin Al Shabaab taasoo oo qiyaastii illaa 200 Km dhinaca waqooyi kaga began Magaalada Muqdisho.

Maraykanka ayaa sheegay in inkastoo Al Shabaab ay ka dileen 150 dagaalyahan hadana ay weli jirto awoodooda.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka Captain jeff davisayaa sheegay in ay kor kala socdeen xerada Tababarka Al Shabaab ee weerarka dhawaan ay ka fuliyeen diyaar adahooda.

DOWLADDA OO SHEEGTAY WEERARADA CIRKA EE KA DHANKA AH SHABAAB IN UU DAN UGU JIRO QARANKA

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in weerarada dhin aca cirka ee ku foorara Ururka Al Shabaab, ay dan wayn ugu jirto Dowladda Federaalka Somali ya.

C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyay ee Shabaabka lagu la beegsaday Gobolka Hiiraan, oo kale ay qabad ku yihiin in Shabaabku ay qaadaan weeraro waa wayn.

Danta ugu jirta Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu ku sheegay inay diyaariso ama abaabusho duulaano ka dhan ah mintiidiinta, si ay kaga saarto goobaha ay ka jooggaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Wasiirka Amniga Somaliya, ayaa wuxuu cadeeyay Madaxda Ururka Al Shabaab inay ka cabanayaan weerarada uu khasaaraha badani ka soo gaaraayo, ee lamidka ah midkii bilowgii toddobaadkan ka dhacay Deegaanka Raaso, oo ku dhow Deegaanka Dhariyow, oo 60km dhanka galbeed kaga toosan Degmada Buulo Barde.

Sidoo kale waxaa uu iftiimiyay in weerarada cirka ay niyad jab ku yihiin Madaxda iyo Ciid amada Ururka Al Shabaab, taasina ay fursad u tahay Dowladda Federaalka Somaliya.

Mareykanka oo sheegtay masuuliyadda weerarkan, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in lagu di lay 150 ka mid ah Xoogaga Ururka Al Shabaab, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Amisom, ee ku sugan Somaliya.

Al Shabaab oo qirtay jiritaanka weerarkaasi, ayaa waxay dhinaca kale ay beenisay in khas aaraha ka dhashay weerarkaasi uu gaaraayo 150 nin, islamarkaana uu khasaaruhu yahay wax laga badbadiyay.

MAREYKANKA OO KA HADLAY WEERARKII KA DHACAY DEGAANKA AWDHEEGLE EE GOBOLKA SH.HOOSE

Sarkaal ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Weerar ay u adeegsadeen Diya arado ay ka fuliyeen Saldhig Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Awdheegle ee Gobolka Sh. Hoose.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Weerarkaasi ay ku beegsadeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al Shabaab, isagoona intaasi ku daray in Weerarkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imaanayaa maalmo un kadib markii Mareykanka uu shaaciyay in Duqeyn ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan.

MUSHARAX FAADUMO DAYIB: "HADDII LA II DOORTO MADAXWEYNE, WAXAAN WADAHADAL LA FURI DOONAA ALSHABAAB.”

Marwo Faadumo Qaasim Dayib oo ah Haweeneyda keliya ee shaacisay inay ka mid tahay Musharixiinta ku loolami doona Madaxweynimadda Somalia ayaa hadalkaasi ku sheegtay War eysi Khaas ah oo ay siiyey Idaacadda Radio Dalsan, waxayna tilmaamtay haddii ay Madaxweyne noqoto inay Wadaxaajoodyo la furi doonto Saraakiisha Alshabaab ee danaynaya in Wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka iyo colaadaha weli loo caal la’ yahay.

Waxay tilmaamtayinay Alshabaab yihiin Ubadkeenna iyo Walaalaheenna, loona baahan yahay in lala furo Wadaxaajood Siyaasadeed, si looga hadlo Khilaafka iyo Dagaalladda lagu riimqayo.

Marwo Faadumo Qaasim Dayib, waxay kaloo sheegtay haddii loo doorto Madaxweyneinay mudnaan ballaara siinayso Mustaqbalka Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed ee haatan dhib aataysan, isla markaana ay horumarin doonto Adeegyadda Nolosha, Caafimaadka iyo Waxbara shadda.

"Waxaan caloolyow ka qaaday sida ay u dayac yihiin Dhallaankeenna, mana haystaaan Waxbarasho iyo Daryeel Qaran, waxayna ku nool yihiin nolol adag” ayey tiri Musharax Madaxwe yne Faadumo Qaasim Dayib, waxayna tusaale u soo qaadatay ciyaalka yaryar ee aan haysanin Waxbarasho ee daruufta u geysay inay noqdaan kuwo ku nool mustaqablxumo.

Dhinaca kale, Musharax Marwo Faadumo Qaasim Dayib, waxay ugu baaqday Xildhibaan adda ka mid noqon doonta Barlamaanka cusub ee la dooran doono inay doortaan Madaxweyne dalka iyo dadka jecel, oo ay ku dheer tahay Waddaniyadda iyo Danaha Qaranka.

"Yaan la dooranin Madaxweyne Danayste ah oo danihiisa Khaaska ka door bida Daniha Qa ranka” ayey tiri Musharax Faadumo Dayib oo dhinaca kale sheegtay inay ku rajo weyn tahay Door ashadda Madaxtinimadda ee dabayaaqadda sannadkan ka dhici doonta dalkeenna hooyo.

Mar wax laga weydiiyey Galangalkeeda Bulshadda, waxay xustay inay tahay Shaqsi taage ero ka geystay Qurbojoogta iyo Daljoogga, isla markaana ay had iyo jeer ka qeybgashaShirarka looga tashanayo Aayaha Somalia.

Musharax Faadumo Qaasim Dayib waa Aqoonyahan niyad fiican u haysa inuu dalkeenna noqdo Waddan ka soo kabta colaadaha, isla markaana lagu soo dabaalo Nabad, Horumar, Deganaansho iyo Mustaqbal la saanqaadi kara Dalalka kale ee Caalamka.

BOGGA CIYAARAHA

CHELSEA OO HISHIIS CUSUB KA SAXIIXANEYA JOHN OBI MIKE

John Obi Mikel wakiilkiisa ayaa ka hadlay inay u badan tahay inuu kooxdiisa la gaaro heshi is cusub kahor inta uusan dhamaan qandaraaska uu kula jiro kooxda.

28sano jirkaan ayaa l hadal haayay xili yadii ugu danbeeyay inay u badan tahay inuu isaga hayaamo kooxda Chelsea , balse wakiilka xidigan ayaa sheegay in xidigan uu mar kale uu heshiis la gaari doono kooxdiisa Chelsea.

”Obi Mikel wuxuu haystaa balan qaad ah inuu u saxiixi doono kooxdiisa chelsea heshiis cus ub” .

Obi Mikel ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa wuxuu ku idil yahay marka la gaaro sanada 2017, waxaana xidigan si aad ah baadi goob ugu jiro kooxo farabadan oo daneenaya saxiixiisa.

BAYER MUNICH OO DOONEYSO IN MARIO GOTZE AY KA DULQAADO ..

Kooxda Juventus ayaa lasoo sheegayaa inay dooneyso weeraryahanka Bayern Munich Mario Gotze.

Naadiga marwada duqoowdayday ee Juventus ayaa diyaar u ah in xiddigaan reer Germany ay ka dul qaadaan kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

Ciyaaryahan Gotze ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda Bayern Munich kadib markii kooxda ay gelisay kursiga keydka ah,waxaana uu daneenayaa inuu helo koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Bayern Munich ayaa horray u sheegtay in Mario Gotze ay ku fasixi karto aduun dhan 40 Milyan oo Euro ahi .

TABABARAHA XULKA QARANKA NETHERLANDS EE DANNY BLIND OO LIISKA

Robin van Persie ayaa iska dhex waayay liiska xulka qarankiisa Netherlands ee kulamada saaxiibtinimo la ciyaari doona xulalka qarankada France iyo England, waxayna hadda u muuqataa in waayihii ciyaareed ee Van Persie ee xulka qarankiisa Holland in uu soo dhamaaday.

Tababaraha Oranje ee Danny Blind ayaa diyaarsanaya kooxdii uu la shir tagi lahaa koobka aduunka 2018 ka ee Russia ka dhici doona.

Laakiin waxaa liiskan ku soo baxay Arjen Robben, Wesley Sneijder iyo waliba labad xidig ee Man United kawada tirsan ee Memphis Depay iyo Daley Blind. Xidiga kooxda Stoke City ee Ibrahim Afellay ayaa isaguna liiska ku jira.

LiiskaCiyaartoyda Netherland ee kulamada France iyo England:

Goolhayayaasha: Jasper Cillessen (Ajax), Kenneth Vermeer (Feyenoord), Jeroen Zoet (PSV).

Difaaca: Virgil van Dijk (Southampton), Daley Blind (Manchester United), Mitchell Dijks (Aj ax), Jeffrey Bruma (PSV), Daryl Janmaat (Newcastle), Timo Letschert (Utrecht), Erik Pieters (Stoke City), Jetro Willems (PSV), Joel Veltman (Ajax), Ron Vlaar (AZ).

Dhexda: Ibrahim Afellay (Stoke City), Riechedly Bazoer (Ajax), Jordy Clasie (Southampton), Davy Klaassen (Ajax), Davy Propper (PSV), Wesley Sneijder (Galatasaray), Georginio Wijnaldum (Newcastle).

KOOXHA PREMIER LEAGUE OO TIGIDHADA KU XADIDAY £30

Qiimaha daawashada kubbadda cagta dood ayaa ka taagnayd, iyadoo taageerayaasha kooxda Liverpool ay qabanqaabinayeen muddaharaad heer sare ah oo ay uga soo horjeedaan kordhin qiimaha tikitka sanadkii ciyaaraha lagu daawado.

Haatan 20ka naadi ee ka tirsan horyaalka Ingiriiska waxay dhamaantood aqbaleen in wax badan la qabto, si loo caawiyo taageerayaasha marka ay kooxdu dibadda ku soo cayaareyso.

Qiimaha tikitka ee £30 laga dhigay marka ay kooxdu garoon kale ku soo ciyaareyso waxay dhaqan gelaysaa xilliciyaareedka soo socda.

Hadal ay soo saareen, kooxaha Premier League waxay ku sheegeen in taageerayaasha aadaya garoommada dibadda ay muhiim u yihiin jawiga ciyaarta ayna tartanka ka dhigeen mid wax loo dhigaa aanay jirin.

Waxaa kaloo la qiray in taageerayaashu marka ay dibadda u baxaan ay galaan kharash kale oo safarkooda ku baxa oo dheeraad ka ah lacagta ay tikitka ku gataan.

Afhayeen hadlay, James McKenna, waxaa uu qiimahan meeshiisa lagu joojiyay u tiriyay lacag heshiis cusub oo £5bn ah oo lala galay television, taas oo bilaabanaysa xilliciyaareedka dambe, inay ugu wacan tahay xadidaada qiimaha tigidhada.

Zenit St. Petersburg 12 Benfica

Chelsea 12 Paris Saint Germain

 

 

OGEYSIIS             OGEYSIIS                        OGEYSIIS

OGEYSIISMUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

INVITATION TO (BID)



LRPS-2016-9122429                                                                                                                                                       17February. 2016


UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

The ReferenceLRPS- 2016-9122429must be shown on the envelope containing the the offer.

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

encloseyour own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-


Prepared by Giogio Figus






PLEASEPICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE

OFFICES INDICATED ABOCE

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip