Guddiga cusub ee Geedi Shaamboow!!!=Faallo=

0
Wednesday August 19, 2020 - 21:21:03 in Wararka by
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga cusub ee Geedi Shaamboow!!!=Faallo=

    Haddii Nin deegaanka ahi uu Gabar la heshiinayo, Reerkeeda ayuu ka doontaa, Dadaal dheer kadib. Markii Arooska la gaaro ayaa Geedi Shaamboow yiraa: Anniga haleeygu soo wareejiyo Gabadha, muddo 7 Cisho ah, kadib ayaan idinku soo celinayaa iyada oo aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Nin deegaanka ahi uu Gabar la heshiinayo, Reerkeeda ayuu ka doontaa, Dadaal dheer kadib. Markii Arooska la gaaro ayaa Geedi Shaamboow yiraa: Anniga haleeygu soo wareejiyo Gabadha, muddo 7 Cisho ah, kadib ayaan idinku soo celinayaa iyada oo aan aheyn sidii aad ka fileeyseen. ( F.S: 2aad). Geedi dhibkiisii waxaa looga guuleeystay Talada Hogaan daacad ah iyo Toowfiiq. Hadda Goballada Somaliya badankooda waxaa ku yaal Tuulooyin la yiraa " Tuulooyinka Waaqjuuq war moog " oo ah Tuulooyin Facood ka hartay ( F.S: 3aad).Tuula kasta waxaa joogo "Guddiga Duubabka iyo Odayaasha Dhaqanka" oo aan aheyn kuwii Rasmiga ahaa ee Tuulada ( F.S: 4aad) Haddii Dadka Tuuladaa ku Abtirsado ee Qurbaha joogta ah, ama Dhalinyarada, Aqoonyahanka, Haweenka iyo qeybaha kale ee bulshadu ey damcaan kuna dadaalaan in ey "Tuulada waaqjuuq" ee Feceed ka hartay ey ka Dabageeyaan Tuulooyinka Deriska la ah Sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Xulidda Xildhibaanada, Maamul u sameeynta iyo Adeega guud, si ey u huruumarto. waxaa dhacdo in Guddiga Dhaqanku ey yiraahdaan Nagu soo wareejiya Howsha aad qabaneeysiin muddo 7 cisho ah, si aan idiinkugu soo celino iyada oo ka duwan sidii aad ka fileeyseen. Akhristoow, Weli Howl horuumarineed oo Casri ah Dhaqan ma kaala wareegay?.

           

      Deegaankaaga Ma laga helaa Tuulada Waaqjuuq war moog & iyo Guddi ah Geeddi Shaamboow ?. Weli ma hesheen Hogaan iyo Towfiiq aad uga baxdaan Guddiga Dhaqanka Cusub ee Geedi Shamboow si loo huruumariyo Bulshada iyo Tuulada ?.

Qore : Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip