PSG oo Markii ugu Horeysay Abid u soo Baxday Finalka Champions League+Sawirro

1
Wednesday August 19, 2020 - 21:09:02 in Wararka by
  • Visits: 1910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PSG oo Markii ugu Horeysay Abid u soo Baxday Finalka Champions League+Sawirro

    Paris Saint-Germain ayaa u soo gudubtay markii ugu horeysay abid finalka Champions League ka dib wacdarro ay dhigeen seddexdooda weeraryahan ee Neymar, Angel di Maria iyo Kylian Mbappe iyadoo 3-0 ku xasuuqay kooxda yar ee Jarmalka ee RB Leipzig.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Paris Saint-Germain ayaa u soo gudubtay markii ugu horeysay abid finalka Champions League ka dib wacdarro ay dhigeen seddexdooda weeraryahan ee Neymar, Angel di Maria iyo Kylian Mbappe iyadoo 3-0 ku xasuuqay kooxda yar ee Jarmalka ee RB Leipzig. Waxay ahaayeen kuwa ciyaarta ka qabsaday kooxda Jarmalka kuwaasoo ku guuldareystay inay ismuujiyaan qeybtii hore ee ciyaarta, waana lagu ciqaabay. Ka soo bilow daqiiqadii koowaad, PSG ayaa koontarooleysay ciyaarta, waxa kaliya ee lala yaabanaa ayaa aheyd inay ku qaadatay 13 daqiiqo inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii uu Marquinhos dhameystiray laad xor ah uu soo qaaday Anegl di Maria. Daqiiqadii 42aad Di Maria ayaa ciyaarta ka dhigay mid dhinac u dhacday isagoo cadaadis ku saaray goolhaye Gulasi inuu qalad sameeyo wuxuuna dhameystiray kubad cajiib aheyd oo ka timid Neymar. Leipzig ayaa waxoogaa sarre u soo kacday qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo u bedeshay seddexda daafac danbe ee ay inta badan ku ciyaaraan laakiin ma aysan helin fursado badan ka hor inta aysan kooxda Faransiiska ciyaarta dilin, iyadoo Juan Bernat uu dhaliyay kubadii madax ee ugu horeysay ee waayihiisa ciyaareed ka dib karoos kale oo fiican uu soo dhigay Di Maria. 33 daqiiqo ee ciyaarta ka harsaneyd, PSG waxay u muuqatay kuwa gool kale dhalinaya halkii ay Leipzig heli laheyd gool sabar siin ah, PSG ayaa 90ka daqiiqo soo bandhigtay qaab ciyaareed fiican oo joogta ah. Sidaasi darteed waxay haatan finalka Axada la ciyaarayaan Kii soo baxa oo soo adkaada Bayern Munich ama Lyon.       



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip