Howlgallo lagu soo qabqabtay ku dhawaad 10 ruux oo laga sameeyay Baydhabo

0
Wednesday March 09, 2016 - 19:11:42 in Wararka by
  • Visits: 524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo lagu soo qabqabtay ku dhawaad 10 ruux oo laga sameeyay Baydhabo

    Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magalaada Baydhabo iyo duleedka bari ee magaalada ku soo qab qabtay 10 qof oo lala xiriirinayo inay ku lugleeyihiin qaraxii dhawaan ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka dowlad goboleedka Koonfurgalbeed ee Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha magalaada Baydhabo iyo duleedka bari ee magaalada ku soo qab qabtay 10 qof oo lala xiriirinayo inay ku lugleeyihiin qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Ciidamada ayaa howlgalka ka fuliyay goobo cayiman oo ay ku raadjoogeen, kadib markii xogta laga helay qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo horey ay ciidamada gacanta ugu dhigeen.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka Baay ayaa ku soo waramaya in ciidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen milkiilihii iska lahaa garaashka laga soo abaabulay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ciiidamada baadi goobayeen iyo tiro dadkale oo arrinta qaraxa lala xiriirinayo.

Ciidamada ayaa iminka su’aallo weydiinaya qaar ka mid ah dadkii lagu soo qabtay howlgalka ay ciidamada ka fuliyeen xaafadaha magaalada Baydhabo iyo garaashyo baabuurta lagu dayactiro oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip