Real Madrid Oo Xaqiijisatay Booskeeda Wareega 8da Champions League, Super Ronaldo Oo Ka Caawiyay Inay Caawa 2-0 Ku Garaacaan AS Roma.

0
Wednesday March 09, 2016 - 10:13:17 in Sports News by
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Xaqiijisatay Booskeeda Wareega 8da Champions League, Super Ronaldo Oo Ka Caawiyay Inay Caawa 2-0 Ku Garaacaan AS Roma.

    Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8da ee koobka Champions League xilli ciyaareedkii lixaad oo isku xigta ka dib markii ay lugtii labaad ee wareega 16ka ay 2-0 kaga takhaluseen kooxda AS Roma oo iska caabin muujisay qeybtii hore ee ciyaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8da ee koobka Champions League xilli ciyaareedkii lixaad oo isku xigta ka dib markii ay lugtii labaad ee wareega 16ka ay 2-0 kaga takhaluseen kooxda AS Roma oo iska caabin muujisay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana kooxda ugu guulaha badan koobkaan ay wadar ahaan ku soo baxday 4-0 oo ay kaga takhalustay kooxda Talyaaniga.

Cristiano Ronaldo ayaa isna taariikh dhigay caawa isagoo noqday xiddigii ugu horeeyay ee 90 gool gaara koobka Uefa Champions League, isagoo gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka ahaa goolkii kale ee uu dhaliyay James Rodriguez kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeysay ee uu Champions League ka dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxa heshay kooxda martida loo ahaa ee Real Madrid daqiiqadii 8aad markii ay si weyn jaanta iskula heleen Gareth Bale iyo Marcelo garabka bidix, iyadoo darbadii Marcelo ay si ciriiri ah shabaqa ku hareermartay ka dib kubada uu u soo celiyay Bale.

FBL-EUR-C1-REALMADRID-ROMA

Laakiin Roma ayaa waxaa soo martay fursad gool loo fishay daqiiqadii 14aad, waxaana ka qasaariyay Dzeko. Mohamed Salah ayaa orod kaga soo xarooday dhanka midig isagoo kubad ku garaacay labo daafac oo Real Madrid ah ka hor inta uusan kubada u baasin weeraryahanka oo hortaagnaa goolka laakiin darbadii uu cagtiisa bidix ku tuuray waxa uu si weyn u hareer mariyay goolka iyadoo Navas uu ku soo cararay.

1457467868811_lc_galleryImage_Roma_s_Edin_Zdeko_left_ch

Daqiiqadii 20aad ayaa Luka Modric uu ku nasiibsaday kubad gantaal ah oo uu meel dheer ka tuuray, waxa ay kubada ku dhacday ciyaaryahan kale laakiin waxa si cajiib ah u badbaadiyay goolhayaha Roma Szczesny.

Real Madrid ayaa intii ay ka doodeysay qalad lagu galay ciyaaryahankooda daqiiqadii 29aad waxa ay Roma kubada u dhex bixiyeen Mohamed Salah kaasoo goolka uu u furnaa, waxaana ku soo baxay goolhaye Navas, laakiin waxa uu heystay waqti iyo boos uu goolka ku toogto balse darbadiisa waxa ay ku dhacday geeska shabaqa, labada fursadood ee ay Roma heshay waxaa sabab u ahaa Salah.

1457467913992_lc_galleryImage_Real_Madrid_s_Cristiano_R

Ronaldo ayaa isna markiisa tijaabiyay nasiibkiisa, laakiin darbadiisa xooganeyd waxaa soo beeniyay goolhaye Szczesny ciyaarta ayaana aheyd mid qariib ah iyadoo Real ay koontarooleysay ciyaarta inteeda badan laakiin Roma ayay soo martay labo fursadood oo ay hogaanka ku heyn lahaayeen.

Daqiiqadii 35aad Real ayaa kubad fiican soo bandhigtay iyadoo Modric uu kubad ka dhex saaray lugihiisa Pjanic, waxa uu kubada u baasay Bale, kaasoo isna dhanka bidix kubada u dhigay Ronaldo, laakiin goolhayaha Roma Szcesny ayaa ku soo baxay oo mar kale darbadiisa banaanka u saaray.

Real Madrid ayaa ciyaareysay kubad cadaadis weerar lagu saarayo kooxda AS Roma iyadoo ciyaartoydooda oo dhan ay soo wada galayeen qeybta garoonka ee Roma mar kasta oo ay kubada helaan sida aan ka arki karto sawrirka hoose.

CdDV0RjWwAE7gCP

Daqiiqadii 43aad Salah ayaa darbo ka dhex tuuray xerada goolka ee Real Madrid laakiin waxaa kubada isku duubay Navas. Real ayaa durbadiiba weerar qaaday iyagoo rigoore ku andacootay markii Florenzi ay kubad gacanta uga dhacday laakiin ciyaarta ayaa sii socotay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro goolal la’aan ah iyadoo labada kooxood ay fursado fiican iska kala heelen.

CdDaLDtWwAARtjd

Daqiiqadii 50aad Ronaldo ayaa Marcelo kubad fiican u dhigay, waxaana isku dhex yaacay difaaca Roma iyagoo ku xoomay daafaca reer Brazil, kubada waa helay Ronaldo oo kubad u qaaday dhanka goolka, waa la soo bixiyay, waxaa kubad labo lugaaleey ku celiyay James Rodriguez laakiin waxaa si wacan u badbaadiyay goolhaye Szczesny.

Laakiin daqiiqadii ku xigtay waxaa Roma soo martay fursad kale oo gool loo fishay, Dzeko ayaa kubad fiican helay isagoo u dhigay Mohamed Salah kaasoo markiisa kubada la hor tagay goolhaye Navas laakiin waxa uu mar kale darbadiisa hareermariyay goolka, waxaana ay aheyd fursadii seddexaad ee gool rasmi ah loo fishay oo ay Roma iska qasaarisay.

1457469380283_lc_galleryImage_Real_Madrid_s_Brazilian_d

 

Daqiiqadii 53aad Ronaldo ayaa darbo uu meel dheer ka soo tuuray waxaa si raaxo leh ku badbaadiyay goolhaye Szczesny, laakiin Roma ayaa fursad kale heshay, Marcelo ayaa booskiisa oo uu ka maqnaa ay keentay in Dzeko uu kubad u dhigay Florenzi kaasoo si sahlan ku dhaafay Ramos, waxaana darbadiisa soo tufay goolhaye Navas laakiin waxaa kooner u bixiyay Ramos.

Gareth Bale ayaana saacad waaray ciyaarta kulankiisii ugu horeysay ee lagu soo bilaabay tan iyo markii uu dhaawacmay 17kii bishii Janaayo, waxaana bedelay Lucas Vazquez daqiiqadii 60aad.

Real Madrid ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 64aad markii Modric uu kubad u dhigay Lucas Vazquez oo garabka midig joogay, waxaana uu soo dhigay karoos fiican oo uu Cristiano Ronaldo shabaqa ku taabtay inkastoo uu raacanayay Monalas.

CdDiVHgWwAMOHxw

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 13aad ee Champions League ee xilli ciyaareedkan, waana labo gool in ka badan inta ay dhalisay kooxda ay caawa ka soo horjeedeen ee Roma oo 11 gool dhalisay xilli ciyaareedkan Champions League. Sidoo kale goolkaan ayaa ah goolkiisii 40aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Goolka Ronaldo ayaa sidoo kale ahaa goolkiisii 90aad ee uu Uefa Champions League ka dhliyo, 17 ka mid ah waxa uu ka dhaliyay wareega 16ka, halka 13 ka mid ah uu ka dhaliyay kooxaha Talyaaniga.

445

90ka gool ee uu Ronaldo dhaliyay waxa uu 44 gool ku dhaliyay guriga kooxdiisa, waxa uu 44 gool ku dhaliyay garoon uu marti ku ahaa, halka labo gool uu ku dhaliyay garoon dhex dhexaad ah.

Real Madrid halkaas kuma joogsanin waxaana ay sii dheereysatay hogaanka afar daqiiqo ka dib markii kubad weerar ah oo ay soo qaadeen uu Cristaino Ronaldo u dhigay James Rodriguez oo dhanka bidix ka soo galay xerada goolka, waxaana uu kubada ka hoos bixiyay goolhaye Szczesny taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-0.

877

Cristiano Ronaldo ayaana sameeyay caawintiisii 27aad ee Uefa Champions League, waxaana uu afar caawin dheer yahay xiddigaha haatan ciyaaraya Champions League Iniesta iyo Messi oo min 23 gool caawiye ka noqday Champuons League.

CdDjOI4W4AA-X1I

Real Madrid ayayna aheyd inay ciyaarta ka dhigto 3-0 daqiiqadii 69aad markii Ronaldo loo soo dhigay kubad kaliya ku taabasho u baahan laakiin waxa uu si aan looga baranin u hareermariyay goolka.

Francesco Totti ayaa bedel ku soo galay daqiiqadii 73aad waana 23 sanno ka dib maalintii uu kulankiisii ugu horeysay u ciyaaray kooxda Roma, waxaana looga sarre joogsaday oo looga sacbiyay garoonka Santiago Bernabeu.

Daqiiqadii 88aad goolhaye Keylor Navas ayaa kubad gool loo fishay waxa uu ka beeniyay Perroti iyadoo Roma ay isku dayaysay inay ugu yaraan shabaqa soo taabato. Ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 2-0 oo ay Real Madrid ku badisay, waxaana ay wadar ahaan ku badiyeen labada lug 4-0 iyagoo iska xaadiriyay wareega 8da ee Champions League.

Sidoo kale waxaa wareega 8da Champions League u soo baxay kooxda Wolfsburg oo kulankii lugta labaad ee wareega 16ka 1-0 kaga badisay kooxda reer Belgium ee Gent, waxaana ay wadar ahaan ku soo baxday 4-2 oo ay kaga badisay kooxda Gent.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip