War Ciyaalka xaafadda ha loo aqriyo, Kitaabka "Safiinatu Salaat", Xildhibaanaddana ha loo Aqriyo Dastuurka=Nasashada Jimcaha.Q-213=

0
Friday August 14, 2020 - 10:24:52 in Wararka by
  • Visits: 1321
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Ciyaalka xaafadda ha loo aqriyo, Kitaabka "Safiinatu Salaat", Xildhibaanaddana ha loo Aqriyo Dastuurka=Nasashada Jimcaha.Q-213=

    1-Wiil ka yimid Qurbaha oo Dhoor dheer leh, Dhaguhuna u duran yihiin , Surwaalkuna ka dhici rabo ayaa yimid Busteejada Jaamacdda Lafoole ee laga raaco Baabuurta Afgoi u socoto, Oday reer Miyi ah oo Geed hoos fadhiyo ayuu damcay in uu ku ciyaaro wuxuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wiil ka yimid Qurbaha oo Dhoor dheer leh, Dhaguhuna u duran yihiin , Surwaalkuna ka dhici rabo ayaa yimid Busteejada Jaamacdda Lafoole ee laga raaco Baabuurta Afgoi u socoto, Oday reer Miyi ah oo Geed hoos fadhiyo ayuu damcay in uu ku ciyaaro wuxuuna ku yiri: Adeer Baabuur Daanyeero ka buuxan oo halkaan maray ma aragtay?. Odaygii ayaa ku yiri: Maandhoow ma Adigaa saarnaa oo intaad ka dhacday ayuu kaa tegay . ( F.S: 1aad) ( Dhalin yarooy, waxaa la yiri: "Nin Gu' kaa weyn isha guudkeeduu ku dheer yahay", ee Odayaasha Hala ixtiraamo).
        

            2-Waqtigii Ololihii waxbarashada Far Somaliga ayaa dhalin yaradii loo diray Gobalada, ayaa Ardayda wax la barayay waxaa ka mid ahaa Haweneey waayeel ah, Macallinkii ayaa Sabuuradda ku qoray, AA,II,EE,OO,UU waxaa uu yiri: iga daba aqriya, Haweeneydii waayeelka aheeyd ayaa tiri: Maandhow intaas habeen hasta markaan hurdayo ayaan ku riimaa ee wax kale na bar. ( F.S: 2 & 3aad)
( Siyaasi ayaa yiri: waxaa dhacayso Doorasho Cadaalad ah oo Qof iyo Cod ah, mana jirayo Xildhibaan dambe oo Lacag lagu soo doorto. Aayo Muumino ayaa tiri: Taa anoo soo jeedo iska dhaafe, Anoo Hurdaayo kaa Aamini maayo oo Ballamadaadii hore ayaan xasuustaa)
             3- Wiil Ciyaalka Xaafadda ahaa oo Gabar Saaxiibtii ah kula hadlayay Telephonka ayeey ku tiri: Wax yar i sug aboowe, Salaad ayaan tukanayaahe. Waxa uu ku yiri: ok , Babe. Waqti yar kadib ayuu ku celiyay wicitaankii. Waxa uuna ku yiri: Ku aaway Gacaliso, Salaadii ma kuu dhamaan miyaa?. Waxa ey ku tiri: Maya Babe i sug hal Rakco oo kaliya ayaa ii dhimane. Waxa uu ku yiri: OK, dhameeyso.
( War Ciyaalka xaafadda ha loo aqriyo, Kitaabka "Safiinatu Salaat”, Xildhibaanaddana ha loo Aqriyo Dastuurka)
              4-Wiil Reer Qardho ahaa ayaa Maalin kasta hor fadhiisan jiray Dukaan Super Market ah, si uu u daawado Gabar Maalin kasta halkaa uu ku arki jiray, laakin uu ka xishooday in uu la hadlo, Gabadhii ayuu Jaceeyl u qaaday.
Aabihii ayuu ku yiri: Aabe Gabar ayaan jeclaaday waxana u maleeynaa in uu dhalay Milkiilaha Super market ku, waa inan Edeb badan weligeey ma arag iyada oo Qof la hadlee, Anniguna markasta oo aan halkaa marayo igama jeesato, weeyna i jeceshahay. Wuxuu waday Walaashii si ay Gabadha ugala soo hadasho arrimaha Guurka inta aan waalidkeed laga doonin. Markii Dukaankii la tagay ayaa walaashii ku tiri: Boowe, tani waa Gabdhadha Caaga ah ee Dukaamada Dharka ii dhehda loogu sameeyo. ( F.S:4aad)
            ( Nin Siyaasi ah ayaa Maalin kasta wuxuu arki jiray, Dad la soo khasbay iyo kuwa Lacag la soo siiyay oo u banana baxayo si ay u taageeraan. Maalintii Dambe ayaa lagu yiri: Dadka taageersan ha u soo bexeen iskood. Lix Qof ayaa timid). ( F.S: 5aad)
            5-Nin Reer Gaalkacyo ah oo muddo ku haminayay in uu Dalka Swedan aado, ayaa walaalihii u soo direen Dokuminti sharci ah iyo Visa Dalku gala oo sharci ah. waxa uu yimid Xamar kadibna waxa uu tagay Dukaan Tikidhada laga iibsado ,waxaa lagu yiri: Ma waxaad rabtaa sii socod oo kaliya, mise sii socod iyo soo Noqosho. Waxa uu yiri: Sii socod iyo soo Noqosho labadaba. Markii uu Lacagtii wada bixiyay oo uu irada ka sii baxayay ayuu yiri: Reer Xamar Caqli yaraa, ma waxa uu u maleeyaa in aan soo noqonayo.
              6- Wiil ayaa Aabihii oo Guriga ka maqan waxa uu arkay Nin Guriga soo galayo, Wiilkii Armaajo ayuu sii dhax galay, Ninkii iyo Hooyadii oo falaadayo ayaa Aabihii Guriga soo galay, Ninkii ayaa Armaajadii la galiyay, Wiilkii ayaa ku yiri: Mugdi badanaa halkani, waan qeylinayaa haddii kale i sii 300 Dollar oo aan Kubadda cagta ku soo gato, uuna siiya. Maalin kale ayaa sidii oo kale dhacday oo Armaajadii ayaa la isagu tagay. Wiilkii ayaa yiri: Mugdi badanaa, waan qeylinayaa haddii kale 700 Dollar i sii, wuuna siiyay. wiilkii ayaa 1000 ku soo gatay Baaskiil iyo alaabo kale oo qaali ah.
Aabihii ayaa ku yiri: inteed ka keentay Lacagtaan. Wiilkii ayaa yiri: Kubad sharad ah ayaan la ciyaarayay Saaxiibadeey, waana Cabsi galiyay si ey Lacagtaan ii siiyaan. Aabihii ayaa ku yiri: Na soo bixi Kaniisadda ayaan ku geeynayaa, Baadariga ayaadna ka hor qiranee Dambigaaga, si uu kaaga cafiyo Ciyaalkii aad khayaantay.
             Kaniisadii ayaa la geeyay, waxa uu galay Qolka Gaalada Dambiga looga cafiyo, Daaqadii ayaa la xiray, Daahyadiina waa la sii daaya, Albaabkiina waa la soo xiray.
             Wiilkii oo naxsan oo ka cabsanayo in uu Baadariga Runta u sheego halka cagtanu ka soo gashay ayaa yiri: Qolkaanu Mugdi badanaa. Baadarigii ayaa yiri: Haye, hayee, yaroow ma shaqadii ayaad igu bilaawday. ( F.S: 6aad)
          ( Beryahaan waxaa Somaaliya ku soo batay kuwa cusub oo Culumo sheeganayo oo khalijka Carbeed ka yimid oo Luuq kasta iyo Xafiis kasta kaaga soo horbaxayo, Masaajidna aadan ku arkeyn)
Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip