Sheeko ku saabsan cidda sahashay baxsashada Mubaarak Ibraahim Iidle

0
Wednesday August 12, 2020 - 08:02:18 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko ku saabsan cidda sahashay baxsashada Mubaarak Ibraahim Iidle

    Mubaarak Ibraahim Iidle ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka keliya ee ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ee gelinkii dambe ee Isniintii ka baxsaday Xabsiga Dhexe ee Xamar. Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Mubaarak Ibraahim I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mubaarak Ibraahim Iidle ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka keliya ee ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab, ee gelinkii dambe ee Isniintii ka baxsaday Xabsiga Dhexe ee Xamar. Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Mubaarak Ibraahim Iidle oo ku xukunaa 10 sano, ay u suurtagashay inuu ka baxsado xabsiga ugu weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo xukunkan uu ku dhacay sanadkii 2014. Weydiimo badan ayaa ku gadaaman qaabka iyo sida ay ugu suurtagashay inuu ka baxsado Xabsigan Dhexe ee ku yaala Degmada Xamar Jajab, kuna dhow Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho. Waxaa xusid mudan ka dib markii iska horimaadka uu ka bilowday Xabsiga Dhexe in ay Ciidamada Dowladda xireen dhammaanba wadooyinka soo gala, isla-markaana ay isu gadaameen gidaarka ku hareereysan xabsigaasi, taasoona hoos u dhigeysa suurtagalnimada baxsashadiisa. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidankii gurmadka ahaa ee gaaray Xabsiga Dhexe ay dharka ka bedeleen ninkaasi, qaarkood oo xabsiga dibadda uga soo baxayna uu horey u soo raacay. Ciidanka iyo ninkaas ayaana ku kala haray xabsiga bannaankiisa, intii uu socodka watayna uu xoog ku joojiyay mooto bajaaj, iyadoo rasaastii uu ku joojinayayna ay sababtay geerida wadihii mooto bajaajta iyo qof kale oo shacab ahaa. Sheekada kale ee layaabka leh waxaa weeye in ciidankii ku sugnaa wadooyinka soo gala Xabsiga Dhexe, aysan ku bixin goobtii laga maqlay rasaastii uu ninkaasi ku dilay labadaasi qof, waana mid kale oo loo qaateen ah inay tani tahay qorshe aad mooddo in aad looga soo baaraan-degay, isla-markaana ay qaban qaabada baxsashadiisa ku lug leeyihiin masuuliyiin dowladda ka tirsan. Ninkan oo muddo lix sano ku xirnaa Xabsiga Dhexe ayaa laga soo qabtay Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana la helaya warar sheegaya in soo qabashadiisii, ay laamaha ammaanka ka caawiyeen xubno horaan isugu soo dhiibay Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kana soo goystay mintidiinta Al Shabaab. Mubaarak Ibraahim oo nin dhalinyaro ah ayaa sanadkii 2012 ku biiray Ururka Al Shabaab, waana afar sano ka dib, markii ururkaasi uu si weyn uga soo shaac-baxay Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.             Ma cadda muhiimadda uu u leeyahay Ururka Al Shabaab, balse baxsashadiisan waa mid kale oo daaha ka rogeysa sida maleeshiyada Shabaabka ugu dhex-milmeen hay’adihii qaranka, isla-markaana ay sii xoojin doonto garan-waagii dadweynaha ee aheyd ‘Yaa Shabaab yaase dowlad ah?’.

        Kusimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhacdadani u xil saaray guddi ka kooban lix xubnood oo soo baara, ha yeeshee waxaa aad u yar rajada laga qabo inay bannaanka keynaan ciddii fududeysay weerarka intaa le’eg ee ka dhacay Xabsiga Dhexe iyo weliba kuwii sahlay baxsashada ninkaasi, haddii mid ka mid ah xubnaha loo igmaday inay wax baaraan uu yahay Taliyihii ugu sareeyay ee ciidankiisii ilaalineysay xabsigaasi, sidii caadada ahaydna waxay sheekada ku soo biyo shuban doontaa in halkaasi looga haro fal dembiyeedkii dhacay, cidina aysan jiri doonin in loo ciqaabo.

       Villa Somalia ayaa lagu dhaliilaa inaanay wax dersi ah ka kororsan weerar illaa weerar kale, dhacdooyinkana ay yihiin silsilado is daba yaala.

Dowladda Madaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhalleecayn xoog lihi kala kulantay bulshada Soomaaliyeed, ka dib sida ay uga gaabisay inay bannaanka keento kuwii ku lugta lahaa ismiidaamintii dadka badani ku dhinteen, ee 24-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2019 ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, laguna dilay masuuliyiin uu ugu sareeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip