C/raxmaan C/shakuur "Al-Shabaab hubka waa loo geliyay Xabsiga Dhexe, waana qorshe Nabadsugida…"

0
Tuesday August 11, 2020 - 10:34:57 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/raxmaan C/shakuur "Al-Shabaab hubka waa loo geliyay Xabsiga Dhexe, waana qorshe Nabadsugida…"

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/sha kuur Warsame oo saaka shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda inay ku fashilantay amniga oo ay sugi la'dahay xabsiyadeeda. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/sha kuur Warsame oo saaka shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda inay ku fashilantay amniga oo ay sugi la'dahay xabsiyadeeda. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe uu tusaale u yahay heerka xaalada amni ee uu dalku marayo. Waxaa uu sheegay in qorshe gaar laga lahaa dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe, gaar ahaan in la doonayay in laga fakiyo xabsiga xubno Al-Shabaab ah. Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Hey'adda Nabad sugida inay ka dambeysay qorshayahaas lagu fakinayay xubnaha Al-Shabaab ee xabsiga ku xirnaa. "Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabad sugidda ka dambeyso madaama ay ku milan yihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab"ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha soo socda howlaha laga sugayo waxaa ka mid ah inuu la xisaabtamo waxa uu ugu yeeray Taliska fasahaadsan ee Nabadsugida ee hoggaan xumada la dalaacayo sida uu yiri. Maalintii shalay ayay aheyd markii xubno ka mid ah Maxaabiista Al-Shabaab ee ku jira Xabsiga dhexe ay hub heleen, ka dibna la dagaalameen Ilaaladii xabsiga, qaarna dilay, qaarna dhaawacay, iyadoo aanay weli dowladda ka hadlin qaabka wax u dhaceen khasaaraha ka dhashay dagaalka muddada saacadaha ah ee ka socday xabsiga dhexe. Xigasho:Jowhar.com            


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip