Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Xabsiga dhexe

0
Monday August 10, 2020 - 22:13:33 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Xabsiga dhexe

    Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkii Gudaha Xabsiga Dhexe ku dhex-maray Ciidamada Ilaalada Xabsiga iyo Xubno kamid ahaa maxaabiista Al-Shabaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkii Gudaha Xabsiga Dhexe ku dhex-maray Ciidamada Ilaalada Xabsiga iyo Xubno kamid ahaa maxaabiista Al-Shabaab oo hub gacanta uu u galay. Afhayeenka waxaa uu sheegay in Ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay toogtaan Afar xubnood oo kamid ahaa kuwa weerarka bilaabay,isla markaana xaalada Xabiga dhexe ay haatan tahay mid degan. Sidoo kale Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan waxaa uu sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Shacab iyo askar walow uusan bixin faah faahin taasi ka dheer. "Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo afjaray Dagaalkii ka dhex-dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaasi oo yimid kadib markii Maxaabiis ka tirsanaa kuwa ku xeran Xabsiga ay gacanta u galeen Hub ay kula dagaalameen Ciidanka Ilaalada Xabsiga Dhexe., Afar Maxbuus oo ka mid ahaa kuwa weerarka bilaabay ayaa la toogtay, sidoo kale waxaa jira qasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh ayuu yiri" Afhayeen Saalax. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Xabsiga Dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ayaa waxaa uu kamid yahay Xarumaha dowladda ee sida aadka ah loo ilaaliyo,waxaana ku xiran Xubno badan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip