Dowladda oo ka jawaabtay Cabasho kasoo yeertay Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde

0
Monday August 10, 2020 - 22:12:14 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ka jawaabtay Cabasho kasoo yeertay Shaqaalaha Garoonka Aadan-Cadde

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Ujeeddada kullanka ayaa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah oo shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC. Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybgalay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU,guddi ka socday shaqaalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC. "Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go'an in la dhowro xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay." ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa oo la hadlay guddi ka socday shaqaalaha muruqmaalka ah. "Waxaan la kulanay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabanaya ee muruq-maalka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquuqda Shaqaalaha iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed." ayuu yiri Wasiir Warfa. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in hadda xal laga gaaray cabashada shaqaalaha, kullanka maanta qabsoomeyna uu billow u yahay kullamo lagu doonayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka ah. "Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaan Shaqaalaha muruqmaalka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama dambeys ah muddo toddobaadyo ah looga gaari doono cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha .. Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc cid walba hageysa mas'uuliyadna saaraysa taas ayaana la waafajin doona." ayuu yiri. Shirkan ayaa waxaa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii shalay sameeyeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip