Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Xabsiga Dhexe

0
Monday August 10, 2020 - 22:05:12 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo sheegtay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Xabsiga Dhexe

    Inta la xaqiijiyay ilaa Afar qof oo kamid ahaa Maxaabiistii ka dhex dagaalameysay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa la toogtay halka tiro kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo dagaal la galay Ciidamada ilaalada Xabsiga Dhexe. Maxaabiistaan oo kamid ahaa xuk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta la xaqiijiyay ilaa Afar qof oo kamid ahaa Maxaabiistii ka dhex dagaalameysay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho ayaa la toogtay halka tiro kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo dagaal la galay Ciidamada ilaalada Xabsiga Dhexe. Maxaabiistaan oo kamid ahaa xukunsanayaasha Al-Shabaab ee Xabsiga ku xiran ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu gacanta u galay hub yaallay Xabsiga taas oo u sahashay inay dagaalamaan,waxaana sidoo kale wararka la helay ay sheegayaan in uu jiro khasaaro soo gaaray Ciidamada Asluubta ee Xabsiga ilaaliya. Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in la soo afjaray dagaalkii ka socday Gudaha Xabsiga Dhexe ee Muqdisho,isla markaana la toogtay Afar kamid ah Maxaabiistii hubeysneyd ee doonayay inay baxsadaan, waxana intii uu socday dagaalka la maqlayay bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro. Mas'uuliyiin ka tirsan laamaha Ammaanka ayaa gaaray Xabsiga Dhexe ee muqdisho,waxaana Howlgalka lagu soo afjaray la sheegay inay ka qeyb qaateen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Alfa Gruop. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip