Ciidanka Haramcad oo hawlgal ka wada Xabsiga Dhexe ee Xamar

0
Monday August 10, 2020 - 19:54:16 in Wararka by
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Haramcad oo hawlgal ka wada Xabsiga Dhexe ee Xamar

    Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gudaha u galay Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo gelinkii dambe ee maanta uu ka qarxay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidanka Asluubta iyo maxaabiis la sheegay inay la wareegtay bakhaar hubka dhigtaan ciidank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gudaha u galay Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo gelinkii dambe ee maanta uu ka qarxay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidanka Asluubta iyo maxaabiis la sheegay inay la wareegtay bakhaar hubka dhigtaan ciidankaasi, oo xabsiga ku dhex yaala. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Haramcad ay hawlgal ka wadaan gudaha xabsiga, iminkana aysan jirin wax rasaas ah oo halkaasi laga maqlayo. Ismaaciil Mukhtaar Cumar, Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya ayaa Laanta afka Somaliga ee BBC u sheegay in baaritaan uu iminka socdo. Warar kale ayaa sheegaya in Ciidanka Haramcad ay u muuqdaan kuwo soo geba-gabeeyay hawlgalka, intii uu socdayna ay ku dileen afar ka mida maxaabiistii dagaalameysay. Wadooyinka soo gala xabsigan oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa waxaa lagu arkayaa ciidan fara-badan, kuwaa oo wadooyinka ku jaray gaadiidka dagaalka. Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir ayaa Dhacdo.com u sheegay in ciidan fara-badan ay isu gadaameen gidaarka xabsiga ugu weyn Caasimadda Muqdisho, si looga hortaggo suurtagalnimada in maxaabiista qaarkood xabsiga ka baxsato. Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegaya in maxaabiistii xabsiga ka dhex dagaalameysay, ay yihiin Shabaabkii ku xirnaa. Sidoo kale waxa uu sheegay inay maxaabiista dishay askarigii hayay furaha bakhaarta, sidaasina ay ugu suurtagashay inay gacanta ugu dhigaan hubkaasi. Xabsiga Dhexe ee Xamar waxaa ku xiran maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaa oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida horey ugu xukuntay xukuno isugu jira dil, xabsi daa'in iyo sanadooyin kale oo xabsi ah. Sidoo kale waxaa ku jira askar ka tirsanaa kuwa dowladda oo xukuno kala duwan ku xukuman. Waa markii ugu horeysay oo maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ka dhex dagaalanto Xabsiga Dhexe ee Xamar, labaatankii sano ee ugu dambeysay dib u yegleelidda Dowladda Somaliya.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip