Madaxweynaha Puntland oo dalab u diray Dowladda jabuuti

0
Monday August 10, 2020 - 19:29:30 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo dalab u diray Dowladda jabuuti

    Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu ka codsaday Dowladda jabuuti inay soo gaarsiiyaan qalab lagu nadiifiyo Dekedaha, gaar ahaana Ciida ka saara aaga ay kusoo xirtaan maraakiibta iyo Doonyaha. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maamulka Puntland uu ka codsaday Dowladda jabuuti inay soo gaarsiiyaan qalab lagu nadiifiyo Dekedaha, gaar ahaana Ciida ka saara aaga ay kusoo xirtaan maraakiibta iyo Doonyaha. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xiriir dhinaca taleefoonka ah uu la sameeyay Maareyaha Dekedaha Jabuuti, isaga oo ka codsaday in maalmo kooban ay ka caawiyaan sidii loo nadiifin lahaa Aaga ay Maraakibta iyo doomaha kusoo xirtaan ee dekadda Magaalada Boosaaso. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dowladda Jabuuti ay Puntland u sheegtay inay dib u eegis ku sameynayaan codsigooda,isla markaana wada-hadal dheer,kadib ay Dowladda Jabuuti Puntland u soo direyso taag iyo ciid saar si looga howlgeliyo Dekadda Boosaaso. Dhawaan ayay aheyd markii Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Markab siday Ganacsi kala duwan ay Ciid qabsatay,taas oo keentay in maalmo kooban ay hakad gashay Shaqada dekadda. Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa Gacanta ku haya Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta,waxaana shirkadda lagu dhaliilay inaysan waxba kusoo kordhin dekadda tan iyo markii lagu wareejiyay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip