Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe

0
Monday August 10, 2020 - 19:51:57 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaas laga dhex maqlay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay inay aheyd rasaastaas mid u dhaxeysay qaar mid kamid ah Maxaabiista oou u hub Gacanta u galay iyo ilaalada Xabsiga. Maxaabiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaas laga dhex maqlay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay inay aheyd rasaastaas mid u dhaxeysay qaar mid kamid ah Maxaabiista oou u hub Gacanta u galay iyo ilaalada Xabsiga. Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Illaa hadda ma cadda tirada maxaabiista ku lugta leh weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalada xabsiga. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal ka wada xabsiga. Ilaa haatan rasmi ahaan uma soo bixin khasaaraha ka dhashay rasaastan la isku weydaarsaday xabsiga dhexdiisa, waxaase wararku sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdadan. Saraakiisha xabsiga dhexe iyo taliska Ciidanka Asluubta Somaaliyeed weli wax faah faahin ah kama bixin dhacadada Galabta ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe oo ay ku xiran yihiin dad loo heysto dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha sida weyn loo ilaaliyo ee dowladda Soomaaliya,waxaana ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip