Milliteriga Aljeria oo ka digay inuu dalka Libiya isku rogo "Soomaaliya cusub"

0
Sunday August 09, 2020 - 20:00:43 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milliteriga Aljeria oo ka digay inuu dalka Libiya isku rogo "Soomaaliya cusub"

    Milliteriga dalka Algeria ayaa waxay Digniintaasi ku sheegeen Qoraal lagu soo daabacay Majaladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalkaasi, waxaya tilmaameen haddii Qaba'illadda Libiya la hubeeyo xilligan inay taasi Libiya u rogi doonto waxa loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milliteriga dalka Algeria ayaa waxay Digniintaasi ku sheegeen Qoraal lagu soo daabacay Majaladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalkaasi, waxaya tilmaameen haddii Qaba'illadda Libiya la hubeeyo xilligan inay taasi Libiya u rogi doonto waxa loogu yeeray Soomaalida Cusub "New Somalia" ama "صومال جديد" Maqaalka waxaa Cinwaan looga dhigay:Algeria oo ka digtay "Soomaaliya Cusub" haddii la hubeeyo Qabaa'ilka Libiya الجزائر تحذر من "صومال جديد" في حال تسليح قبائل ليبية "Xaalladda cusub ee haatan ka jirta dhulka Libiya waxay khatar badan tahay sida uu qof kasta qiyaasi karo, iyadoo waxyeelladda ka dhalan karta dagaal u qorsheysan dhinacyada ku lugta leh Colaadda Libiya saamayn xooggan ku yeelan karto dalalka Mandiqadda" ayaa lagu yiri Qoraal lagu soo daabacay Majalladda Milliteriga Algeria ee Cadadkii soo baxay bishan aynu ku jirno ee August. Majaalladda waxay kaloo hoosta ka xariiqday Muhiimadda ay leedahay inay Xal Siyaasadeed gaaraan Dhinacyada ku dagaalamayo dalkaasi, iyagoo u maraya dariiqa Wada-xaajoodka. Dalka Algeria waxay Libiya la wadaagaan Xuduud dhererkiisu dhan yahay Kun Kiilomitir, isla markaana waxaa labada dal ka dhexeya Xiriir Taariikhi ah, inkastoo haatan laga cabsi qabaa inuu dagaalka Libiya waxyeello gaarsiiyo dalkaasi. Dhinaca kale, Majalladda ku hadasha Codka Milliteriga ee dalka Algeria waxay mar kale ku celisay Digniintii uu Madaxweynaha dalkaasi, C/majiid Teboone ku sheegay indalka Libiya la mid noqon doono Soomaalidda Cusub, isagoo xaalladda haatan ee Libiya barbar dhigay Colaadihii sokeeye ee Somalia ka dhacay sanadkii 1991-kii. Bartamihii bishii la soo dhaafay ee July, waxa uu Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Alsisi waxa uu la kumay Hoggaamiyayaal Dhaqameed ka socda qaar ka mid ah Qabaa'illada ku nool Bariga dalka Libiya, isagoo ku booriyey inay Dhallinyarada hubka qaataan, kuna biiraan Ciiddanka Khaliifa Xaftar ee dagaalka kula jira Dowladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay. Sidoo kale, Odayaasha Qabaa'illadda ee la kulmay Madaxweyne Alsisi waxay codsadeen inay Milliteriga Masar faragelin ku sameeyaan Libiya, si ay u badbaadiyaan Madax-bannanida dalkaasi
     


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip