Wasaaradda Ganacsiga oo soo xirtay wajiga labaad ee mashruuca Horumarinta Ganacsiga.

0
Sunday August 09, 2020 - 17:46:38 in Wararka by
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Ganacsiga oo soo xirtay wajiga labaad ee mashruuca Horumarinta Ganacsiga.

    Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS , ayaa soo xidhay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta ganacsatada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo socday muddo Afar toddobaad ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS , ayaa soo xidhay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta ganacsatada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo socday muddo Afar toddobaad ah.

   Kulanka xidhitaanka oo lagu qabtay qeybtiisa Muqdisho, ayaa ka qabsoontay xarunta rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya waxaana ganacsatada loogu tobabarayey dhinacyada maamulka iyo maareynta ganacsiga iyo sidoo kale barnaamijyo la talin ah oo la siinaayey ganacsatada si loo kobciyo heerkooda ganacsi dalka.

     Dhanka kale Mashruucan, waxa iska kaashaday wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha dowladda federaalka Somaaliya, Rugta ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliyeed, iyo hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysay hay’adda dhinaca horumarinta iyo iskaashiga u qaabilsan Talyaaniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip