Haween ka badbaaday bambooyinkii atoomigga ee lagu dhuftay Hiroshima iyo Nagasaki

0
Wednesday August 05, 2020 - 21:36:38 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween ka badbaaday bambooyinkii atoomigga ee lagu dhuftay Hiroshima iyo Nagasaki

    Bishan August waxaa la xusayaa sanad guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay markii bamkii Atoomigga 1945-kii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan. Tirada dadka bamkaasi ku dhintay waa qiyaas, hase yeeshee waxaa lagu sheegaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishan August waxaa la xusayaa sanad guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay markii bamkii Atoomigga 1945-kii lagu dhuftay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki ee dalka Japan. Tirada dadka bamkaasi ku dhintay waa qiyaas, hase yeeshee waxaa lagu sheegaa 140,000 oo qof oo ka mid ahaa 350,000 oo qof oo Hirooshima ku noolaa markaas, halka magaalada Nagaasakina ay ku dhinteen 74,000 oo ruux. Bamkaasi ayaa wuxuu sababay inuu istaago dagaalkii ka socday qaaradda Aasiya, iyada oo ay Japan isu dhiibtay xulafadii uu hoggaaminayay Mareykanka, taariikhdu markii ay ahayd 14-kii bishii August ee sanadkii 1945-kii. Balse dhinacyada dhaleeceeya Japan ayaa sheegaya iney marki horeba Japan qarka u saarneyd iney isa soo dhiibto. Dadkii bamkaasi ka badbaaday ayaa dalka Japan looga yaqaannaa hibakusha. Haddaba dadkaas waxaa soo wajahday xaalad adag kaddib marki ay dhibaato kala kulmeen waxyeellada ka dhalatay shucaaca bamka iyo waxyeella kale oo maskaxeed intaba. Wariye sawir qaade ah oo u dhashay dalka Britain oo lagu magacaabo Lee Karen Stow oo ku takhasusay sheegidda sheekooyinka ayaa soo arkay haweenka bambaaksi ka badbaaday, wuxuuna kala kulmay dhacdooyin cajiib ah oo taariikhi ah. Stow wuxuu sawirro ka qaaday isla-markaana uu wareysi la yeeshay seddex ka mid ah haweenkaasi oo uga warramay xusuustooda dareenka leh ee ay maskaxda ku hayeen 75 sano. Qoraalka sheekadan ayaa waxaa laga yaabaa akhristayaasha qaar iney kala kulmaan waxyaabo ay ka naxaan.

Teruko Ueno

Teruko 15 jir ayey ahayd markii ay ka badbaadday bamkii Hiroshima lagu dhuftay 6-dii August 1945-kii.

Labada sawir ee sare waxay muujinayaan Teruko Ueno markay yareyd iyo hadda oo ay da' tahay
Qoraalka sawirka,

Teruko Ueno markii ay ay dhowr sano ka soo wareegtay xilliga Hiroshima bamka lagu dhuftay waxay noqotay kalkaaliso ka howlgasha Isbitaalka Laanqeyrta cas ee Hiroshima

Xilliga duqeynta qunbuladda Atoomigga magaalada Hiroshima lagu dhufanayey waxaa sanadka labaad u marayey waxbarashada kalkaalisanimada oo ay ku qaadaneysay Isbitaalka laanqeyrta cas ee Hiroshima.

Marki bamka magaalada lagu dhuftay guriyihii ay ardayda seexanayeen dab ayaa qabsaday. Teruko waxay qayb ka ahayd dadki dabka daminayey, balse qaar badan oo ka mid ah saaxibbadii ay wax wada baranayeen ayaa qaraaxaasi ku dhintay.

Waxyaabaha ay weli sii xusuusato oo aan maskaxdeeda ka bixin ayaa waxaa ka mid ah iney habeen iyo maalinba shaqeyn jirtay si ay u dabiibto dadka ay dhaawacyada aadka u culus qaraxaasi ka soo gaareen, iyaga oo aan wax cunna ah helin, biyo aad u yar mooyaane.

Markii ay qalin jabisay kaddib, Teruko waxay ka shaqa gashay isla isbitaalka ay wax ka baraneysay, iyada oo gacan ka geysaneysay daweynta maqaarka ku lug leh.

Waxaa inta badan bukaannada loo sameynayey qofka jirkiisa meesha fayoow in maqaarka qayb laga jaray qaybaha jirka ee gubtayna lagu beero.

Kaddib waxay guursatay nin sideeda oo kale bamka atoomigga ka badbaaday.

Teruko ilmaheedii ugu horreeyey oo gabar ahayd markay uurkeeda yeelatay, waxay aad uga welweleysay ilmaha caloosheeda ku jiro inuu caafimaad qab ku dhalanayo iyo inuu xitaa noolaanayo.

Gabdha ay Teruko ku curatay, Tomoko oo isbitaalka Hiroshima lagu dabiibayo
Qoraalka sawirka,

Gabdha ay Teruko ku curatay, Tomoko oo isbitaalka Hiroshima lagu dabiibayo

Gabadheeda Tomoko wey dhalatay waxayna ku kortay barwaaqo, taasoo Teruko qoyskeeda geesinimo dheeraad ah gelisay.

Tatsuyuki Tomoko iyo gabadheeda Teruko (bidix) iyo Tamoko iyo aabbaheed Tatsuyuki (midig)
Qoraalka sawirka,

Tatsuyuki Tomoko iyo gabadheeda Teruko (bidix) iyo Tamoko iyo aabbaheed Tatsuyuki (midig)

"Cadaab kuma aanan jirin, oo magaranayo cadaab waxa uu yahay, balse waxa aan soo marnay cadaab wax u eg ayey ahayd. Waana inaan mar kale la oggolaan iney waxaasi oo kale dhacaan," ayey tiri Teruko.

"Waxaan arkaa dad badan oo dadaal adag ugu jira, in hubka nuclear-ka la baabi'iyo. Balse waxay ila tahay iney taa ka horreyso dowladaha hoose iney iyagu qaadaan tallaabooyin wax u ool ah."

"Kaddib waxaan gaareynaa madaxda dalalka, kaddibna caalamka oo dhan."

Teruko, gabadheeda Tomoko iyo Kuniko oo ay ayeeyo u tahay
Qoraalka sawirka,

Teruko, gabadheeda Tomoko iyo Kuniko oo ay ayeeyo u tahay

Transparent line

"Dadku waxay sheegaan in dhulkan uusan caws iyo geed midna kasoo bixin muddo 75 sana ah, balse Hiroshima waa ay ka soo kabatay oo waa magaalo cagaaran oo uu wabi maro" ayey tiri Tomoko oo ah gabadha ay dhashay Teruko.

"Balse dadki ka badbaaday bamkaasi ayaa weli la kulmaya shucaac muddo badan ka taagnaa magaalooyinkaasi bamka lagu dhuftay 75 sano ka hor."

"Inkasta oo ay xusuusta Hiroshima iyo Nagasaaki ka sii baxeyso maskaxda dadka, annagu waxaan hadda taagannahay isgoys."

"Mustaqbalka gacanteenna ayuu ku jiraa. Nabadda waxay suuragaleysaa oo keli ah markaan mala awaalno, ka fikir dadka kale, isku day waxa aan sameyn karno, ficil samee oo sii wad dadaal aan kala joogsi laheyn si nabad loo helo."

Kuniko oo ah gabadh Teruko ayeeyada u tahay waxay intaasi ku dartay: "Aniga lama kulmin dagaal ama bam toona, anigu waxaan aqaannaa oo keli ah magalada Hiroshima ee dib loo dhisay. Wixii dhacay waan malaawaali karnaa oo keli ah."

"Dadka bamkaasi ka badbaaday ayaan wax badan ka maqlaa. Xaqiiqada wixii dhacay iyo bamka dhibka uu geystayna cashar ahaan ayaan ku bartay iyada oo caddeymo sax ahna la i tusay."

"Maalintaasi magaalada iyo wixi ku dhex sugnaaba wey gubteen. Dadkii, Shimbirihii, Cawskii, Geedihii iyo wax walba."

Hiroshima marka bamka lagu dhuftay kaddib sida ay u ekeyd
Qoraalka sawirka,

Hiroshima marka bamka lagu dhuftay kaddib sida ay u ekeyd

line

Emiko Okada

Emiko Okada, waxay ka badbaadday bamkii lagu dhuftay magaalada Hiroshima
Qoraalka sawirka,

Emiko Okada, waxay ka badbaadday bamkii lagu dhuftay magaalada Hiroshima

Emiko 8 jir ayey ahayd marki bamka lala dhacay magaalada Hiroshima. Walaasheed iyo afar qof oo ehelkeeda ka mid ahaa ayaa bamkaasi ku dhintay.

Sawirro badan oo ay lahaayeen Emiko iyo qoyskeeda ayaa gubtay, waxaana u badbaaday oo keli ah sawirro kooban oo ay gurigeeda ku haysatay, oo ay ku jiraan sawirrada walaasheed.

Emiko oo ay hooyadeed Fuku Nakasako dhabta ku hayso iyo walaasheed Mieko
Qoraalka sawirka,

Emiko oo ay hooyadeed Fuku Nakasako dhabta ku hayso iyo walaasheed Mieko

Transparent line

"Walaasheey maalintaasi ayey guriga ka baxday, ayey tiri. Waxay igu tiri 'mar dhaw ayaan kuu soo laabanayaa!' Da'deedu markaasi waxay ahayd 12 jir ay nolasha isugu toosan tahay," ayey tiri Emiko.

"Balse dib uma soo noqon. Cid garaneysana malahan waxa walaasheey ku dhacay."

"Waaliddiinteyda in badan ayey baadi goobeen. Xataa meydkeeda meysan helin, in muddo ah waxay islahaayeen waxaa dhici karto#a iney nooshahay oo meel uun ku nooshahay."

"Hooyadey xilligaasi uur ayey ahayd balse ilmaha ay caloosha ku sidday wey soo ridday."

"Waxaan cunno maanan haysan. Mana garaneyn shucaaca waxa uu yahay, wax kasta oo naga hor yimaaddo waan cuneynay innaga oo aan u kala eegin iney sumeysan yihiin iyo inkale."

"Sababta oo ah wax la cuno ma jirin, dadku waxay ku dhaqaaqeen iney wax xadaan. Cuntada ayaa helitaankeeda aad u dhib badnaa. Biyuhu aad ayey u macaanaayeen! Waa tan keentay iney dad badan noolaadaan, balse waxaasoo dhan waa la illaaway."

Ilma yar oo dharka dhaqanka Japan ku labbisan
Qoraalka sawirka,

Ilma yar oo dharka dhaqanka Japan ku labbisan

Transparent line

"Timaha ayaa iga daatay, cirridkana wuu i dhiigay. Markasta oo aan jiifsadana waa daalayey."

"Qof xilligaasi shucaaca bamka ka dhashay aqoon u lahaa ma jirin. 12 sano kaddib, baaritaan caafimaad oo aan maray waxaa la iga helay 'dhiig yari'."

"Dhawr sano oo waxaa jirtay cirka oo haawanaya oo aan wax daruuro ah lahayn inuu casaan noqdo. Dadka wajiyadooduna ay casaan noqdaan iyada oo aan la garaneyn xilligaasi waxa sababay."

"Anigu maalintaasi waan yaraa oo wax badan ma qaban karin, balse waxaan xusuustaa oo xususteyda ka bixi la' seddex maalmood iyo seddexdooda habeen iney magaalada gubaneysay.

"Ilaa iyo hadda ileyska qorraxda waan necebahay, waxay qorraxda ilaa iyo haddaba i xusuusisaa magaalada sida ay u gubaneysay."

Magaalada Hiroshima ee bamka lala dhacay 1945-kii

"Dad badan oo bamkaasi ka badbaaday oo loo yaqaanno 'hibakusha' waxay dhinteen iyaga oo aan arrimo badan ka warramin, iyo wixi ay u soo joogeen ee bamkaasi la xidhiidha. Meysan helin fursad ay ku hadlaan balse aniga ayaa ka hadlaya."

"Dad badan oo dunida ku nool waxay ka hadlaan nabadda, balse waxaa loo baahan yahay ficil nabad suuragelin kara. Waxaanna doonaya qof waliba inuu ka soo baxo kaalinta kaga aaddan oo uu qaban karo."

"Aniga lafteyda waxaan doonayaa inaan qabto wax ay u aayaan carruurteenna iyo carruurta aan ayeyda u ahay mustaqbalkooda, una suurageliya iney ku noolaadaan nolol farxad leh maalin walba."

line

Reiko Hada

Reiko Hada waxay ahayd 9 jir marki bamka lagu dhufanayay magaaladeeda Nagaasaaki 9-kii August 1945-kii.

Reiko oo Shan jir ah iyo hadda oo ay 79 jir tahay
Qoraalka sawirka,

Reiko oo Shan jir ah iyo hadda oo ay 79 jir tahay

Transparent line

Maalinta bamka lagu dhufan doono magaalada maalinti ka horreysay, shacabka magaalada waxaa la gaarsiiyey digniin ah duqeyn diyaraadeed iney dhici karto, marka Reiko gurigeeda kama aysan bixin maalintaas.

Kaddib waxay aadday goob macbad ah oo ay carruurta wax ku baranayeen, maadaamaa ay goobaha waxbarashada xirnaayeen digniinaha duqeynta diyaaradaha ee la bixinayey awgood.

Ku dhawaad 40 daqiiqo markay casharradu socdeen oo ay weli macbadka ku sugan yihiin, macallinki casharka bixinayey ayaa casharka joojiyey, kaddibna Reiko waxay ku soo laabatay gurigeeda.

"Waxaan gaaray albaabka hore ee gurigeyga, oo weli guriga gudaha uma gelin" ayey tiri Reiko, oo sharraxeysa waxa dhacay.

"Wax lama filaan ah ayaa dhacay. Holac iyo iftiin xoog badan ayaan wax la arki waayey. Iftiinka indhaha iga qabtayna midabkiisu wuxuu ahaa jaalle, kaaki, casaan iyo midabbo isku jira.

"Xataa ma helin wakhti aan ku ogaado waxa dhacay, wakhtiba ma helin, wax waliba caddaan ayey noqdeen.

"Waxaan dareemay cidlo aad u daran sida inaan keligey ahay. Dhacdadi xigtayna waxaan maqlay dhawaaq aad u weyn, kaddibna waan miyir daboolmay."

Dhisma Nagasaki ku yaallay uu bamka atoomigga burburiyey
Qoraalka sawirka,

Dhisma Nagasaki ku yaallay uu bamka atoomigga burburiyey

"Aniga nasiib wanaag bamkaasi xagtin xataa igama soo gaarin, balse shacabka daanta kale ee magaalada xaaladdooda waxay ahayd mid daran."

"Dadku waxay u firxadeen buurta Koonpira oo ay beesheyada deggan tahay. Dadka indhaha ayaa ka soo dhacay intooda badanna wey qaawanaayeen, si aad ahna wey u gubnaayeen oo hilibkooda ayaa daadanayay."

"Dadku waxay na weydiinayeen biyo ay cabbaan intoodi aan biyo siinnayna wey wada dhinteen."

"Xataa wey adkeyd in la ogaado dadkaasi dhimanaya waxa ay yihiin. Sidi dadka uma eysan dhimaneyn balse saxariir ayey u dhimanayeen."

Reiko iyo aabbaheed Keizo Ura (lbidix) iyo walaasheed ka yar Shizue Ura
Qoraalka sawirka,

Reiko iyo aabbaheed Keizo Ura (lbidix) iyo walaasheed ka yar Shizue Ura

"Waxaan rajeeynayaa jiilka soo socda ineysan arrin noocaasi ah la kulmin. Waa inaan marnaba u oggolaanin hubka nuclear-ka in la isticmaalo."

"Dadka ayaa nabadda abuuri kara. Waloow aan waddamo kala duwan ku kala nool nahay afaf kala duwanna aan ku hadalno, haddana rabitaanka aan nabadda u qabno ayaan isku mid ka nahay."

Reiko Hada poses for a portrait
Qoraalka sawirka,

Reiko Hada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip