Puntland oo ka warbixisay xaalada Covid19 & Safarada dibadda ee la furay

0
Wednesday August 05, 2020 - 21:12:17 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo ka warbixisay xaalada Covid19 & Safarada dibadda ee la furay

    Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga waramay xaalada xanuunkanka safmareenka ah ee Covid19. Wasiirka ayaa sheegay in kiisaska la helayo ay wali jiraan balse ay koobantahay ama ay yartahay sidoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa maanta warbaahinta uga waramay xaalada xanuunkanka safmareenka ah ee Covid19. Wasiirka ayaa sheegay in kiisaska la helayo ay wali jiraan balse ay koobantahay ama ay yartahay sidoo kalena dadka laga helayo ay si dhakhso ah uga soo caafimaadayaan, balse aan meesha laga saari karin in wali xanuunku uu jiro oo maalin walba kiisas cusub la helayo. Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay furitaanka safarka dibada ah ee la furay waxaana uu xusay in ka wasaaradd ahaan ay wasaaradda duulista ka wada shaqayn doonaan sidii loogu fududayn lahaa dadka dalka dibadiisa aadaya loo siin lahaa Shahaado cadaynaysa in laga baaray lagana waayay xanuunka Covid19, taasi oo ah mid aan la foorjargarayn karin laguna hubin doono garoomada diyaaradaha si loo ogaado in qofkii saxda ahaa uu shahaahada ku dhoofayo. Si lamid ah waxaa la hubin doonaa dadka imaanaya inay wataan shahaado cadaynaysa in qofkaasi uu baaritaanka soo maray 3 maalomood gudahood ayuu yiri" Wasiirka. Wasiirka ayaa ugu danbeyn xusay kaliya inaan shuruucdaasi ku xiranaan doonin dadka ku imaanaya hawada kaliya ee ay sidoo kale hubin doonaan kuwa xuduudaha ka soo galaya ama dhulka ama badda. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip