Howlgallo laga sameeyay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

1
Wednesday August 05, 2020 - 12:35:12 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgallo laga sameeyay degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud

    Ciidamada Booliska Galmudug ee ku sugan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Saacadiii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysa ka sameeyeen Xaafadaha iyo wadooyinka degmadaasi. Howlgalka ayaa badankiis waxaa uu ahaa mid lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Galmudug ee ku sugan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa Saacadiii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo qorsheysa ka sameeyeen Xaafadaha iyo wadooyinka degmadaasi. Howlgalka ayaa badankiis waxaa uu ahaa mid lagu baarayay laguna hubinayay Gaadiidka yar yar ee mara wadooyinka degmada Cabudwaq iyo dadka saaran,waxaana Gawaarida qaarkood ay ka fiiqayeen muraayadaha madow. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Galgaduud Maxamuud Dhagahoor ayaa sheegay in howlgalka sidoo kale uu ahaa mid ay uga hortagayaan waxyaabaha maanka dooriya oo mararka qaar ay dadka isticmaalaan kana Ganacsadaan. Waxaa uu sheegay in waxyaabaha maanka dooriya ay keeni karaan amni darro, waxaana uu u digay dadka isticmaala maandooriyaha, isaga oo sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan. Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanagsan deegaannada Galmudug,waxaana ku sugan Ciidamo isugu jira Boollis iyo Millateri, kuwaas oo Amniga xaqiijinaya.

        



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip