Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo Cadaalad helay

1
Wednesday August 05, 2020 - 12:30:26 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Maxamed Cabduwahaab Abuuja oo Cadaalad helay

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta ugu dambeyn waxaa ay go'aan ku gaartay in la siidaayo Wariye Maxamed Cabduwahaan Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah si sharci darro ah ugu xirnaa dowladda Soomaaliya. Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta ugu dambeyn waxaa ay go'aan ku gaartay in la siidaayo Wariye Maxamed Cabduwahaan Nuur Abuuja oo muddo dhowr bilood ah si sharci darro ah ugu xirnaa dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay Go'aanka Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer kadib Wariye Abuuja lagu waayay dambi,isaga oo amray in Xabsiga laga sii daayo. Qaar kamid ah Madaxda Urrurada Saxaafadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan SOMA & SJS ayaa goobjoog ka ahaa Maxkamadda, kuwaas oo mudada uu xirnaa Wariye abuuja u doodayay,isla markaana sheegayay in uu si sharci darro ah ku xiran yahay. Madaxda Urrurada Saxaafadda Soomaaliya iyo Aabaha Wariye Abuuja ayaa soo dhaweeyay Go'aanka Maxkamadda ay ku amartay in lagu siidaayo Wariyaha, iyaga oo sheegay in Maxkamadda Ciidamada ay xukun Cadaalad ah gooysay. Xoghayaha Urrurka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin go'aanka Cadaaladda ah oo ay Maxkamadda Ciidamada gaartay,isla markaana ay aaminsan yihiin in Maxkamadda Ciidamada ay tahay mid dadka Soomaaliyed si cadaalad ah ugu adeegta,waxaana uu u mahad celiyay qareenadii u doodayay Wariyaha. Xoghayaha Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cabduwahaab Cabdullaahi ayaa sheegay dhankiisa in markii ay u doodayeen Wariye Abuuja ay dad badan cabsi muujinayeen,hayeeshee dhabar adeeg ay sameeyeen kadib ay ku guuleysteen in uu Wariye Abuuja Cadaalad helo. Waxaa uu ugu baaqay Wariyeyaasha Soomaaliyeed inay dhabar adeegaan,sidoo kalena aysan qaadan hanjabadaha mararka qaar soo gaara,waxaana uu ugu baaqay Maxkamadaha kale ee dalka inay dadka Soomaaliyeed si cadaalad ah ugu Shaqeeyaan. Wariye Maxamed Cabduwahaab Nuur Abuuja oo ah Tifaftiraha Idaacadda Hiigsi ee Magaalada Muqdisho ayaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya War kasoo baxay 22-kii Bishii April ee Sanadkan waxaa ay ku sheegtay in loo heysto kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab kana qeyb qaatay dil ka dhacay Muqdisho,hayeeshee ugu dambeyn Maanta ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada in dambi lagu waayay Wariyaha sidaasina Xabsiga looga siidaayay.

      


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip