Akhriso: Khudbadihii laga jeediyay furitaanka Shirweynaha Beesha Mudullood

1
Monday August 03, 2020 - 17:26:09 in Wararka by
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Khudbadihii laga jeediyay furitaanka Shirweynaha Beesha Mudullood

    Waxaa Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ka furmay Shirweynaha wadatashiga Beelaha Mudullood, kaasoo qaban qaabadiisa soo socday tan iyo dhamaadkii sanadkii hore. Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Xarunta Mowlaca Macalin Nuur ka furmay Shirweynaha wadatashiga Beelaha Mudullood, kaasoo qaban qaabadiisa soo socday tan iyo dhamaadkii sanadkii hore. Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Ra'iisul Wasaarihii hore, Madaxweynaha Hirshabeelle, siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaano, duubabka dhaqanka Beesha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Shirka ayaa ku furmay si degan iyo khudbado, waxaana hab maamuuska ahaa mid aad u heersareeyay, isla markaana hadalada loo siinayay sida ay Madaxda isugu xigaan xilal ahaan. Imaamka Beesha Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf ayaa shirka furay, waxaana uu soo dhoweeyay gogoshan, isagoo ugu baaqay Soomaalida kale in haddii ay gogol u baahdaan Mowlaca Macalin Nuur ay imaan karaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka jeediyay shirka khudbad dhinacyo badan taabaneysa, isagoo xusay loo baahan yahay Muduloodka xilka haya iyo midka ka degay ay jirtaa waxa ay wada dhowrayaan. " Waa in ay jirtaa wax ay wada dhowraan siyaasiga xilka haya iyo midka xilka ka dagay oo ay beeshu leedahay, Umad waxa ay ku horumartaa talo mideysan iyo mabaa'dii, waxaan u baahanahay masaaliix joogto ah oo aan marnaba raacin is bedelka siyaasadeed ee dalka"ayuu yiri Cumar Filish. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo lagu martiqaaday shirweynaha Beesha Mudullood ayaa hadalo duurxul ah oo boggaadin iyo dhiiragelin u jeediyay beelweynta Mudullood, isagoo soo dhoweeyay furitaanka shirka beesha isugu timid. "Qofku marku uu gurigiisa ka soo baxayo muraayad ayuu isku fiiriyaa, si uu quruxdiisa u arko, quruxda rasmiga ah waa in laga arkaa deegaanada ay beeshu degto" Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ka hadlay shirweynaha ayaa sheegay inDhibku marka uu bato bulshadu xiskooda ay kulmiyaan si ay uga arrinsadaan dhibaatada taagan,waxaana uu soo jeediyay in shirka ajandihiisa iyo natiijada laga rabay waa inay ka soo baxaan Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu saxiixo 13 kursi ee Aqalka Sare laga siiyay Gobolka Banaadir. "Golaha Shacabka waxaa ay ansixiyeen in 13 kursi laga siiyo Gobolka banaadir, waxaa leenahay Madaxweyne Farmaajo weli agtada ayay yaallaan, ee saxiix si bulshada Banaadir xaqooda u helaan" Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa shirka ka hadlay, isagoo arrimo ay u badneyd siyaasadda iyo isu imaatinka Beesha ka jeediyay shirka "Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, maalinna laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay"ayuu yiri Wasiir Islow. Ra'iisul Wasaarihi hore Cali Maxamed Geeddi oo shirka ka hadlay ayaa yiri "Mudullood waa Maktabad Qaran laga soo bilaabo AUN Madaxweyne Aadan Cadde ayaa lagu soo aaminay hoggaanka Ummadda Soomaaliyeed, illaa iyo haddana waxa ay ka talinayaan Maslaxada Ummadda" Cali Maxamed Geeddi oo sii hadlayay ayaa yiri "Dowladda maanta jirta meel fog ayay ka timid, beeshana wiilal iyo hanti badan ayaa uga baxday, waa in aan wada ilaalinaa Dowladnimada" Iyadoo shirka uu si habsami leh iyo hab maamuus ku socday, ayna dhamaatay khudbadii Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi ayaa Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu shirka ka kiciyay fowdo iyo buuq, isagoo dalbaday in xoog lagu Cod baahiyaha, taasoo wax yar hakisay khdubadihii shirka. Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in haddii shirka khudbadaha laga jeediyay aysan ku jiri laheyn arrinta doorashada uusan soo kici laheyn, isagoo yiri"Shirka hadduu shir mudullood yahay, sooma kaceen, laakiin doorasha laga hadlay, sidaas u soo kacay, doorasho dadban la rabaa in nagula qasbo oo doorasho qof iyo cod aheyn oo shacabkaan raba inay codeeyaan" Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo fadhiga ka soo kacay ayaa markii buuq ka dhashay khudbadii Salaad Cali Jeelle iyo fowdada uu geliyay habsami u socodkii khdubadaha ayaa ayaa sheegay in shirku yahay shir mudullood oo aan mucaarad iyo muxaafad aheyn nin aan mudul laheyn uusan goobta joogin, balse waxaa uu yiri in qof walba uu cod leeyahay "Nin la dhihi karo hadal la siinayo ma jirto, nin walba cod leeyahay, nin walba akhtiyaar leeyahay, waa la dhageysanayaa waa loo sacbinaya wuxuu dhaho asiga yiri, sidaas shir ku noqonayaa, sidaas shirka guul ku gaari karaa, fowdada hala dhaafo"

         


La soco wixii ku soo kordha shirka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip