Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gacan ka geysatay duqeyntii diyaaradaha Mareykanka

0
Tuesday March 08, 2016 - 17:16:12 in Wararka by
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay gacan ka geysatay duqeyntii diyaaradaha Mareykanka

    Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay gacan ka geysteen duqeyntii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay inay gacan ka geysteen duqeyntii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Mr Hadliye oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay kaalin ku lahaayeen duqeynta Mareykanka ee lagu dilay 150 dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

"Waxaa jiray warbixin sirdoonkeena ah oo dhanka dhulka ah, taas ayaana suura gelisay in duqeynta ay dhacdo, Sirdoonka qaranka ayaa ka caawiyay Mareykanka weerarkaasā€¯ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Sirdoonada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inuu Mareykanka xogo ku siiyay weeraro cirka ah oo lagu dilay Hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka Mareykanka Jeff Davis ayaa sheegay in duqeynta ay ku dileen 150 dagaalyahan, isla markaana goobta ay bartilmaameedsadeen ay aheyd meel ay xogteeda hayeen.

Mareykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayeen weerar weyn oo halis ah inay ku qaadaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip