Mid ka mid ah wasiiradda la hadal haayo in Farmaajo u xulan doono ra'iisul wasaaraha.

0
Thursday July 30, 2020 - 22:07:43 in Wararka by
  • Visits: 1477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah wasiiradda la hadal haayo in Farmaajo u xulan doono ra'iisul wasaaraha.

    Eng. Abdullahi Ali Hassan, wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumaddii codka kalsoonida lagala noqday ayaa si weyn loo hadal hayaa in uu noqon doono shaqsiga madaxweyne Farmaajo u xulan doono ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eng. Abdullahi Ali Hassan, wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumaddii codka kalsoonida lagala noqday ayaa si weyn loo hadal hayaa in uu noqon doono shaqsiga madaxweyne Farmaajo u xulan doono ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Somalia. Warar lagu kalasoon yahay ayaa xaqiijinaaya in shaqsiyaadka ugu cad cad ee la hadal haayo uu kow ka yahay Eng. Abdullahi Ali Hassan, oo mudo sanad ah hayay xilka wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. Mudadaasi uu wasiirka ahaa Engineerka ayaa qabtay howllo aad u fara badan oo lagu horumariyay dhinacyada shuruucda ganacsiga , siyaasadaha iyo dedaalada lagu horumarinaayo maal-gashiga iyo warshadeynta Soomaaliya. Sidoo kale, Eng. Abdullahi ayaa mudadii uu xilkaasi hayay waxay wasaaraddu ku guuleysatay inay hirgeliso hindise sharciyeedyada wasaaradda. dadaaladaasi ayay wasaaradda ganacsiga dhinac walba ka sameysay horumar dhan walba leh.

  Hadaba Waa Kuma Eng. Abdullahi Ali Hassan?

Eng Abdullahi A Hassan oo aan dalka meelna ugu bixin, ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii wax-galka ah ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomalia 1991 u istaagay dhinacyada horumarinta bulshada rayidka, u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta,fatahaadaha, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 30-kii sano ee la soo dhaafay.

           Eng. Abdullahi Ali Hassan wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, isagoo Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho, Jaamacadda Ummadda ayuu shahaadada koowaad ee cilmiga dhismaha Engineerinka ka qaatay sidoo kale wuxuu ka qalin jabiyay jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuu shahaadada master-ka ka heystaa maamulka iyo ganacsiga, isagoona macallin kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed isaga iyo aabihiis allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.

           Laga soo bilaabo sanadkii 1990 waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen. wuxuu soo noqday agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada, wuxuu horay u ahaaMadaxii Barnaamijyada iyo Mashaariicda isla markaana ka mid ahaa xubnihii maamulka sare ee hay’adda DBG sanadkii 1996-kii.

       Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada, isagoona wax la taaban karo ka qabtay dhibaatooyinkii abaareed oo saameysay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah.

               Enjineer Abdullahi ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah, oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday kasoo bixi kara. Waa aqoonyahan qunyar socod ah dalkana meelna ugu bixin, qorox joog, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican.

                Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas.

Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah.

Maxaa laga filan karaa?

            Eng. Abdullahi oo ka mid ahaa musharaxiintii madaxweynaha ee sanadkii 2017 ayaa ah aqoonyahan khibrad siyaasadeed leh waxaana laga filan karaa inuu bulshada ku hoggaamiyo Caddaalad, iyo Sinnaan bulshada dhexdeeda ah iyo inuu dalka ka samabixiyo marxaladaha adag ee xiligaan taagan, maadaama uu yahay waaya arag waxbadan ka og yahay xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo inuu maareyn doono hannaanka dowladnimo iyo xiriirka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe.

             Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama lagu jiray xili kala guur ah.

             Bishii May 1-2019 ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha DFS, markii loo arkay inuu kasoo bixi karo xilka loo igmaday, waxaana uu mudadii sanadka ee uu magacownaa wax badan uu ka qabtay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip