Turkiga iyo Midowga Yurub oo heshiis ka gaaray ka hor-taga qul qulka qaxootiga

0
Tuesday March 08, 2016 - 10:47:10 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga iyo Midowga Yurub oo heshiis ka gaaray ka hor-taga qul qulka qaxootiga

    Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in dib loo celiyo kumanaanka qaxooti ee ku sugan dalka Giriiga, iyadoo wadamada Yurub ay la daala-dhacayaan qul qulka qaxootiga faraha badan ee sida daadkii oo kale ugu soo fatahaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in dib loo celiyo kumanaanka qaxooti ee ku sugan dalka Giriiga, iyadoo wadamada Yurub ay la daala-dhacayaan qul qulka qaxootiga faraha badan ee sida daadkii oo kale ugu soo fatahaya.

Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa sheegay in heshiiskan uu noqonayo mid Turkiga iyo Midowga Yurub iska kaashadaan qaxootiga faraha badan.

Mr Tusk ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya dib loo celin doono qaxootiga ku sugan Giriiga, isla markaana ciidamo ilaaliya xeebaha Turkiga la geyn doono, si looga hortago qul qulka qaxootiga.

Qaxootiga faraha badan ee ka imaanaya Suuriya iyo dalalka kale ee colaadaha ka jiraan ayaa marin u ah Turkiga, iyagoo doomo ka soo raaca xeebaha Yurub, isla markaana taga Jasiiradaha Giriiga.

Heshiiska Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa waxaa qeyb ka ah in la fasaxo lacagaha faraha badan ee horay Turkiga loogu deeqay inuu ku maareeyo qaxootiga.

Sidoo kale Turkiga ayaa doonaya inuu ka mid noqdo Midowga Yurub, inkastoo shuruudo adag ay hor-yaalaan ka mid noqoshadiisa, waxaana lagu eedeeyay la wareegidii xarun Wargeys ah madax banaan.

Midowga Yurub ayaa wajahaya qalalaasihii ugu weynaa ee qul qulka dhinaca qaxootiga ah, tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip