WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 8 MAARSO 2016KA

0
Tuesday March 08, 2016 - 10:14:53 in Wararka by
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA TALAADO 8 MAARSO 2016KA

    MADAXWEYNAHA OO BAARLAMAANKA KULA DARDAARMAY ADKEYNTA MIDNIMADA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmey Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay midnimada adkeeyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO BAARLAMAANKA KULA DARDAARMAY ADKEYNTA MIDNIMADA Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmey Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay midnimada adkeeyaan.

Waxaa uu Madaxweynaha hadalkan ka jeediyay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maam uusayay xiritaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamey in Baarlamaanka Federaalka uu guulo waaweyn ku tallaabsa dey, taasna ay ugu wacan tahay doodaha dhaxalgalka ah ee xubnaha baarlamaanka ay is weydaars anayeen, kuwaas oo dhammaantood ujeedka uu ahaa in wax lagu saxo, laguna dhiso dowladnimo Soomaaliyeed oo hufan.

"Waxaan Baarlamaanka Federaalka ugu hambalyeynayaa hawsha wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan. Horumarka lagu tallaabsadey waa mid muuqda, oo weliba aan muddo koo ban ku gaarney. Muddo saddex sanno iyo bar ah oo uu baarlamaankan jiray waxaa u qabtey hawlo badan oo muhiim ah. Sideedaba dal marka uu ka soo baxo nidaamka ku meel gaarka ah, waxay ku qaadataa ilaa labaatan sanno in dib u soo kabasho buuxda la gaaro, laakiin xawliga aan ku socono wa xay muujineysaa inaan muddo intaa ka gaaban aan dib u soo kabasho buuxda ku gaari karno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hay’adaha dowliga ee dalka ay hor umar wanaagsan sameeyeen, isla markaana hay’ado caalami ah ay taasi ka marag kaceen. Waxaa uu sheegay in weli caqabado amni ay jiraan, balse dhibaatada ugu weyn ay tahay sidii loo beddeli la haa fikirka khaldan ee caalamku ka haysto Soomaaliya.

"Amniga waxaan uga guul gaari karnaa inagoo si wadajir ah u wajahna, tallaabooyin adadagna qaadna. Waxaa iyana jirta dhibaato aan is leeyahay taa way ka weyn tahay oo ah fikirka nalaga qabo oo ah inaan nahay dal burburey weli dib u dhac sameynaya. Sidii taasi loo beddeli lahaa waxay u taa lla Soomaali oo dhan. Waxaan dhanka kale idin ku bishaareynayaa in dhowaan shirkii Madaxda Mido wga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa, warbixin laga hor akhriyey shirka lagu xusay in Soomaaliya ay tahay meesha keliya ee horumar la taaban karo uu ka jiro qaaradda, marka loo eego dalalka kale ee Afrika ee xasaradaha ay ka jiraan’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in si hore loogu si dhaqaaqo, loona xajiyo guulaha la gaa ray loo baahan yahay in la joogteeyo ku dhaqanka nidaamka dowliga iyo habraaca.

"Dowlad hufan inaan dhisano waxaa sal u ah inaan oggolaano ku dhaqanka nidaamka sharciga iyo habraaca dowladnimo. Waa in uu jiraa xisaabtan dhameystiran oo lagula xisaabtamo madaxda, xil dhibaanada iyo dhammaan hawlwadeenada ummadeena u adeegeysa. Haddaan sida sameyno ina goo gacmaha is haysana, waxaa hubaal ah inaan hormar dhinac kasta gaari doono, shacabkana aan si wanaagsan ugu adeegi doonno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh waxaa sidoo kale uu she egay in jaangooynta siyaasad hufan ay muhiim u tahay mustaqbalka iyo horumarka Soomaaliya.

"Dalkeena waxaa uu u baahan yahay in dhanka siyaasadda wax badan laga qabto oo la helo qorshe siyaasadeed dhameystiran oo ujeedooyin cad cad ah leh. Haddii aan siyaasad wanaagsan la helin marnaba lama heli karo amni buuxa iyo horumar. Waxaa kale oo nalaga rabaa inaan shacabk eena gaarsiino doorashooyin xor ah oo qof iyo cod ah, marka la gaaro sannadka 2020ka, ha wshaasina hadda ayaa loo baahan yahay inaan ka shaqeyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha waxaa u tacsi u diray qoysaskii, eheladii iyo shacabka Soo maaliyeed ee ay ka baxeen geesiyaashii u istaagay inay Soomaaliya ka soo saaraaan dhibaatooyinkii kala duwanaa ee dalka ka jiray.

Munaasabaddaasi waxaa kale oo ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxam ed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

DOONI HOOBIYAYAAL IYO QORYO FUDUD U SOO WADAY SOMALIA OO LA QABTAY.

Sida aynu Wararkeenna daraad ku shaacinay, Markab Dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxay gacanta ku dhigeen Dooni Kalluumeysi oo waday in ku dhow 2kun oo qoryaha AK 47.

Koox ka tirsan Ciiddanka la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia ee lagu magacaa bo HMAS Darwin waxay Doonidaasi ku qabteen meel 300KM ka baxsan Xeebaha dalka Cumaan.

Taliyaha Hawlgalladda Iskudhafka ee Australia, Admiral David Johnston ayaa sheegay in lagu guuleystay in la qabto doonidaasi, iyadoo baaritaan kadib laga helay 1989 qoryaha AK 47, 100 Gant aalladda laga tuuro Baasuukaha, 49 qoryaha Boobaha iyo Hoobiyayaal.

MUSTAF DHUXULOW "DHALINYARADA SHABAAB EE LA MARIN HABAABIYAY WADA HADAL DHAB HA LALA GALO OO LA FAHAMSIIYO SOMALINIMADA”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, hadana ah mudane ka tirsan Baa rlamaanka Somaliya ayaa soo jeediyay in wada hadal dhab ah lala galo Dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab ee sida uu sheegay Mustaqbalkooda laga marin habaabiyay.

Mustaf Dhuxolow, wuxuu sheegay Shabaabka inaan looga adkaan karin kaliya dagaal, balse muhiimada ay tahay iyadoo ay jirto arimo Millateri in xooga la saaro wada hadal dhab ah oo Shab aabka lala galo.

"Dowladda marar badan ayay cafis u fidisay, waxaa shaki ku jirin inaan Milateri ahaan wax lagu xalin karin, waa in fikir loo isticmaalaa, in dhalinyarada lala hadlo oo la dhiira geliyo la fahamsiiyo culey syada dalka ka jira, dhibaatooyinka ay ku hayaan, inay la dagaalamayaan dad Somali muslimiin ah, in la fahamsiiyo, waxaa qabaa dhalinyarada la marin habaabiyay wada hadal dhab lala galo la faham siiyo Somalinimada iyo Wadaniyada, kuwooda madaxda sare lala hadlo oo dowladda dhankeeda yima adaan waa muhiim, sida Sheekh Atam oo kale muddo badan lala waday wada hadal, waana laga mira dhaliyay wada hadalkaas.”Ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Sheekh Calu Dhuxulow.

Mustaf Dhuxulow, wuxuu kaloo ka hadlay sababaha ku aadan in qaar ka tirsan Shabaabka la cafiyo, halka qaar kalena la xukumo.

"Kii isagoo miino dhigaya ama dagaalamaya la qabto iyo midka si mutadawacnimada isku soo dhiibaya waa kala duwan tahay, sababaha cafiska loo dhiibaya waa inay dhalinyarada ka faa’ideys taan, maxaa yeelay kuwa go’aansaday inay Shabaabka ka soo tagaan, ee Dowladda iyo shacabk ooda ku soo biiraan oo dambiyadooda qirtaan waa in la soo dhaweeyaa, waxay dhiira gelineysaa inay kuwa kale soo raacaan, waana mid aad iyo aad loogu baahan yahay in la sii xoojiyo, waa in mar wal ba Shabaabka loogu baaqo in falka xun ee joogtada ay ku jiraan ka soo baxaan” Ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Dowladda Somaliya ayaa inta badan waxa ay cafisaa Madaxda sare ee ka tirsan Shabaab ee Isku soo dhiiba Dowladda Federalka Somaliya, sida Sheekh Atam, Madaxii Sirdoonka Shabaab Zaka riye iyo Masuuliyiin kale oo horay ay Dowladda u cafisay, halka dhalinyarada yar yar ee Shabaabka ka tirsan Dowladda xukuno kala duwan ay ku rido.

MAREYKANKA OO SHEEGAY INAY DUQEYN AY SOMALIA KA FULIYEEN KU DILEEN XUBNO KA TIRSAN ALSHABAAB

Ku dhawaad 100 Xubnood oo ka Ttirsanaa Alshabaab, ayay sheegtay Xukuumadda Mareyka nka inay ku dishay Duqeyn Cirka ah oo ay ka fulisay Xalay gudaha Soomaaliya.

Saraakiil ka Tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa u sheegay shalay oo Isniin ah Warbaahinta NBC ee saldhiggeedu yahay Mareykanka in xubnaha lagu dilay duqeynta ee Alshabaab ka tirsan ay kulan lahaayeen.

"Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa Duqeyntaan fuliyay Weerarkaan, Waxaana xubnaha Alshabaab ka tirsan lagu duqeeyay meel ay munaasabad ku lahaayeen,” ayay saraakiishan hadalkooda ku dareen.

Sidoo kale, Saraakiishan ayaa intaas ku dareen. "Waxaa muuqata in kulankan uu ahaa mid ay isugu yimaadeen Hogaamiyeyaasha iyo Mas’uuliyiinta Alshabaab, kaas oo ka mid ahaa kulankan ku wa ugu waaweyn ee ay Alshabaab isugu yimaadaan.”

Ma cadda in Saraakiil sare oo Alshabaab ka tirsan lagu dilay duqeynta iyo in kale, iyadoo aysan jirin warbixinno intaas ka badan oo laga helay duqeyntaan uu Mareykanku sheegay inay ku dileen xoogag Alshabaab ka tirsanaa.

Inkastoo, Saraakiisha saraakiisha u hadlay Mareykanka aysan sheegin goob ay duqeyntaan ka fuliyeen, ayaa waxaa haddana Wararkii shalay la helayay ka mid ahaa in Duqeyn Culus loo geystay habeen hore saldhig ay Alshabaab ku lahayd Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Alshabaab ayaan weli ka hadlin duqeyntan uu Mareykanku sheegay in ay ku dile en 100 xubnood oo Alshabaab ka tirsan, kuwaasoo ku sugnaa xaflad ay Alshabaab ku lahayd Gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu horreysay oo Duqeymo noocaan ah ay la beegsadeen diy aaradaha duuliye laa'anta ah ee Mareykanka Madaxda iyo Dagaalyahanada Alshabaab, waxaana Mareykanka uu duqeyn ku dilay Bishii September ee 2014kii Hoggaamiyihii Alshabaab, Axmed Cabdi Godane iyo laba ka mid ah Abaanduulayaasha Alshabaab.

WASAARADDA AMNIGA OO SOO SAARTAY AWAAMIIR KU SAABSAN SUGIDA AMNIGA MUQDISHO

Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir ku aad an sugida amniga magaalada Muqdisho, kaasoo qeyb ka ah qorshayaal la doonayo in wax looga bed elo habka loo sugayo amniga magaalada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shugri oo warbaahinta u aqriyay awaamiirta ka soo baxday Wasaaradda ayuu ku sheegay in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida loo kala qeybiyay amniga Sugida wadooyinka Caasimada.

Waxaa uu sheegay in Ilaalada Madaxda Mas’uuliyiinta dowladda inay yareeyaan dhaq dhaqaa qooda iyo socodka ay ku sameeyaan wadooyinka, isla markaana degmo walba lala soconayo dhaq dhaqaaqeeda.

Mr C/kaamil ayaa sheegay in howl galo lagu xaqiijinayo ammaanka ay ka socdaan magaalada Muqdisho, isla markaana guri guri loo baarayo.

"Wasaaradda Amniga waxay soo dhoweyneysaa habka farsamo ee loo qeybsaday Amniga Muqdisho, Ciidamada Booliska waxaa la siiyay Wadada Liido illaa Ex Koontarool, Nabadsugida waxay sugayaan amniga Jidadka waa weyn, sida Wadada 30ka, Wadnaha iyo Warshadaha”ayuu yiri Afhaye enka Wasaaradda Amniga.

Ciidamada Nabadsugida ee horay ugu sugnaa Wadada muhiimka ah ee Maka AlMukarama ay aa laga wareejiyay, waxaana wadadaas amnigeeda loo xil saaray Ciidamada Booliska.

Golaha Wasiirada ayaa dhowaan soo saaray qorshayaal wax looga qabanayo amniga magaal ada Muqdisho, iyadoo Amniga magaalada lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo la hooskeenayo Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska.

KUURIYADA WAQOOYI OO KA DIGTAY DHOOLATUSKA CIIDAN EE MAREYKANKA IYO K/KUURIYA

Dhoola tuskan waxa ka qayb qaadanaya in ka badan 30,000 oo askari waana mid sannad le ah oo had iyo goor kiciya xiisad.

Warbixin ay soo saartay Pyongyang ayaa lagu sheegay in "ay qaadi doonto weerar xaq ah oo Nukliyeer ah”.

Hadallada noocan ahi ma aha kuwo cusub, khubarada arimahan la socdana waxay shaki galiyeen awoodda ay Woqooyiga Kuuriya u leedahay in ay gantaaladeeda ku rakibi karto madaxyo Nukliyeer ah.

Woqooyiga Kuuriya waxay u aragtaa dhoola tuskan sannadlaha ah ee ay qabtaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inuu yahay mid la isugu diyaarinayo weerar lagu qaado.

Sannadkii horena waxay ku hanjabtay inay ‘ololin doonto’ Washington.

Wasaaradda gaashaan dhigga ee Koonfur Kuuriya ayaa uga digtay Pyongyang in ay qaado fal bur bur u horseeda. "Haddii ay Kuuriyada Woqooyi iska dhego tirto digniintanada oo ay na daandaansato, ciidamadanada ayaa si bilaa naxariis ah oo adag ugu jawaabi doona” ayuu yidhi Moon Sanggyun oo ah afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga.

YUUSUF DABAGEED "SHAN QOF OO UU KU JIRO NINKII QARAXA COMPUTER SAARAY BAABUURKA AYAA LA QABTAY”

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ka hadlay qarax sha lay barqadii ka dhacay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyn, kaasoo sab abay dhaawaca illaa shan ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan Ciidamada Jabuuti.

Yuusuf Dabageed oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in qara xaas ay fashiliyeen Ciidamada Amniga, isla markaana aanu geystay dhibaato aad u weyn, marka laga reebo dhaawacyo kooban.

"Qaraxaas waxaa soo maleegay kooxihii dhagar qabayaasha ahaa Alle ayaa fashiliyay, ciida mada amnigana waa ka hortageen, shan qof ayaa ku dhaawacantay wax kale oo dhibaato ah ma jiro” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxaa uu sheegay in qaraxaas ay u qabteen illaa shan ruux oo lagu tuhunsan yahay inay wax ka ogaayeen boorsada Laptopka qaraxa ku jiray.

"Illaa shan qof oo uu ka mid yahay ninkii Computer qarxay soo saaray baabuurka shirkadda diyaaradaha rakaabka ku qaadeysay, waxaana wali socda baaritaan”ayuu mar kale yiri Guddoomiy aha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar.

Waxaa uu sheegay in aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin duulimaadka garoonka diyaara daha Ugaas Khaliif iyo howlihiisa, waxaana uu tilmaamay in lagu dadaali doono sidii amniga loo xoojin lahaa.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli la baarayay boorsooyin iyo ala abo ay wateen dadkii ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Beledweyn, waxaana la rumeysan yahay in qaraxa Laptop ku jiray lala rabay in lala raaco diyaarad ku sugneyd garoonka oo rakaabka u qaadi laheyd Muqdisho.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii sidan oo kale qarax loo adeegsaday Laptop uu ka dhex dhacay diyaarada Daallo Airlines, xilli ay hawada ku jirtay, taasoo keentay in diyaarada deg deg ugu soo laabato garoonka, iyadoo dhinac ka duleeshay, waxaana weerarkaas sheegtay AlShabaab.

GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO OO SHALAY LAGA SOO DAJIYAY CABDI WAAL OO AY DABAJOOGTAY DFS

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa Shalay laga soo dajiyay Diyaarad sidda, Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaanno Cabdi Waal, iyadoo Wararku ay sheegayaan in laga soo qabtay gudaha wad danka Kenya oo xilliyadii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Wararka intaas ku daraya, in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Somalia ay kasoo kexeeyeen Cab di Nuurre Kenya, ayna ku xireen Saldhig ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasoo aan si dhab ah loo ogeyn halka uu ku yaallo.

Inkastoo Hay’adaha Amniga Dowladda aysan weli ka hadlin Gacan kusoo dhigidda Cabdi Waal ayaa hadana waxay wararka hoose sheegayaan in ciidanka nabadsugidda Somalia ay kusoo qabteen warqad ruqsad ah oo lagu soo xirayo, taasoo ay bixisay xukuumadda Kenya.

Sidoo kale, Cabdi Nuurre oo ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho ayaa 2014kii sidhuumaaleysi ah kaga baxay Muqdisho, isagoo tagay gobolka Galguduud, halkaasoo uu muddo ku noolaa.

Wixii Xilligaas ka dambeeyay, Waxaa baadigoob ku hayay Hay'daha Amniga Dowladda Fede raalka Somalia, waxaana horay ciidammo ka tirsan Sirdoonka Somalia oo isku dayay inay qabtaan ay ku dagaallameen agagaarka garoonka diyaaradaha, isagoo ka baxsaday.

Dhanka kale, Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Cabdi Waal in uu ku lug lahaa falal ammaandarro ah oo ka dhacay Muqdisho, inkastoo uu beeniyay in eedahaas uu ku lug leeyahay.

Ugu dambeyn, Cabdi Nuurre Siyaad [Cabdi Waal], ayaa Xiriir la lahaa Ururka Ahlusunna Walj amaaca ee Gobollada Dhexe, isagoo ka Qaybqaatay Dagaallo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

AHLU SUNNA OO ISKA WAREEJISAY LIIBAAN MADAXWEYNE, MARKII AY XAALADIISU 

CUSLAATAY

Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa iska wareejiyay Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne) oo ku dhaawacmay dagaalkii qaraaraa ee Arbacadii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, waxayna ku wareejiyeen Odayaal Dhaqameedyo ku heyb ah.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in xaaladda Liibaan Madaxweyne ay cuslaatay, taasoo keentay in Ahlu Sunna laga codsado in Odayaasha Dhaqanka ku soo wareejiso, si ay xaaladiisa wax kaga qabtaan.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsan Saraakiisha Maamulka Ahlu Sunna, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in Insiintii ay Liibaan Madaxweyne ku wareejiyeen Odayaasha Dhaqanka, sababo ku aadan xabad kaga taagan meel laf ah.

"Waxaan go’aansanay in Odayaasha Beeshiisa aan ku wareejino, ka dib markii ay xaaladiisa noqotay mid adag. Ninkan wuxuu dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Dhuusamareeb, bowdada ayay xabadda kaga dhacday, laakiin sinta ayay dhex fariisatay. Meel laf ah ayayna ku taagan tahay.” Ayuu yiri Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow.

Ina Xeefow oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa yiri "Odayaasha iyagaa naga damiintay inaan ku wareejino, maadaama Madaxtooyada Somaliya ay diiday in dhaawaciisa loo qaado Magaalada Addis Ababa, iyagaana inoo sheegay inay meel uun ku soo daawayn doonaan.”

Liibaan Madaxweyne, ayaa bishii September shaaciyay inuu ka soo goystay Dowladda Som aliya, islamarkaana uu isu soo dhiibay Maamulka Gobolada Dhexe.xigasho.dhacdo.com

 

BURCADBADDEED SOOMAALI OO LAGU MAXKAMADAYNAYO SISHILIS

Kooxdii ugu dambeysay Soomaali ku eedeysan Burcadbaddeednimo oo xiran Jasaa’irka Si shilis ayaa la filayaa in dabayaaqadda bishan la soo taago Maxkamad, iyagoo ku eedeysan inay wat een dooni ay u adeegsan jireen inay ku afduubtaan Marakiibta isticmaala Badda Somalia.

Eedeysanayaashaasi oo tiradoodu dhan tahay 5 qof ayaa waxaa go’aan ka gaari doona Max kamadda Sare ee Jasaa’irka Sishilis.

Dhallinyaradaasi oo Arbacaddii hore la soo taagay Maxkamadda ayaa beeniyey inay yihiin Burc adbaddeed, waxayna tilmaameen in la soo qabtay iyagoo Doonidooda Kalluun kaga jilaabanayey Bad da Somalia.

Garsoore Gustafe Doodin waxa uu ku gacansayray hadal uu Garyaqaanka Eedeysanayaasha ku sheegay inuusan Kiiskooda wax jawaab ah lahayn.

Garyaqaanka waxa kaloo uu tilmaamay inaanla haynin wax caddaymo oo muujinayo inay rag aasi yihiin Burcadbaddeed.

Ciiddamo Faransiis oo la socday Markabka Dagaalka ee FS SIROCO ayaa la sheegay inay Raggaasi ku wareejiyeen Hay’addaha Ammaanka ee Jesiiradda Sishilis bishii Janaayo 30dii ee sann adkii 2014kii.

Ciiddanka Fraansiiska waxay sheegeen inay Raggaasi soo qabteen xilli ay Dooni ku weerari lahaayeen Markab Booyadle Shidaal (An Oil Tanker).

Dhinaca kale, Xabsiga lagu magacaabo "The Montagne Posée prison” oo ku yaalla Jasaa’irka Sishilis waxaa haatan ku xiran 22 Soomaali ah, oo 17 ka mid ah sugayaan inay dhamaystaan Xukun kooda, si loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

BOGGA CIYAARAHA

MAQAAL: MAXAAD KALA SOCOTAA TIRADDA GOOLASHA AY XILLI CIYAAREEDKAN DHALIYEEN XIDDIGAHA MSN IYO BBC LA ISKU YIRAAHDO EE U KALA CIYAARA KOOXAHA BARCELONA IYO REAL MADRID, YAASE GOOLAL BADAN MSN IYO BBC.?

Akhristayaasheena sharafta leh ee ku xiran shabakadan ciyaaraha ka faaloota ee shaba qa.com, waxa aan shalay idiin soo gudbineynsaa dhamaan goolashii ay dhaliyeen ciyaaryaahnada kawada dheela horyaalka La ligaha dalka Spain una kala ciyaara kooxaha kala ah Real Madrid iyo Bar celona magacyadoodana loo soo gaabiyo BBC iyo MSN.

Haddaba xiddigahan ayaa dhaliyay xilli ciyaareedkan goolal badan, dhamaan marka la isku dar daro goolasha ay dhaliyeen xilli ciyaareedkan ciyaaryahanadda BBC waxa ay gaarayaan goolal dhan 76 gool.

Siddoo kale xiddigaha BBC ee Los Blancos u ciyaara ayaa dhamaan kulamadda ay ciyaaraha ay dheeleen, waxa ay caawiyeen 26 gool, iyagoona ciyaaray 78 kulan.

Horyaalka La liga Waxa ay dhaliyeen BBC 60 Gool Waxa ay caawiyeen 19 Gool.

Koobka CHAMPIONS LEAGUE Waxa ay kadhaliyeen BBC 16 Gool 4 Goolna Waa Caawiyeen.

Koobabka kale sida (Copa Del Rey, Spanish Super Cup, UEFA Super Cup iyo Club World Cup) midna goolal ma aysan dhalin.

Dhanka kale marka aan u nimaano ciyaaryahanada MSN ee Barcelona u dheela waxa ay dhal iyeen xilli ciyaareedkan 100 gool, waxa ayna caawiyeen 47 gool dhamaan kulamdii ay dheeleen xilli ciyaareedkan.

Geesta kale horyaalka La Ligaha Spain goolasha ay dhaliyeen xiddigaha MSN, waxa ay gaaray aan 65 Gool 29 goolna waa ay caawiyeen.Maqa

Koobka CHAMPIONS LEAGUE waxa ay dhaliyeen 12 gool 7 goolna waa ay caawiyeen.

Koobabka kale Sida Copa Del Rey, Spanish Super Cup, UEFA Super Cup, Club World Cup) waxa ay ka dhaliyeen 23 gool 7 goolna waa ay caawiyeen.

Mid mid hadaan idinkugu soo bandhigno Goolasha ay dhaliyeen Kuna hor marno BBC.

Ronaldo Waxa uu kaligii dhaliyey xiligaan 39 Gool 27 La Liga 12 Champions League.

Benzema 23 Gool 19 La Liga 4 Champions League

Bale 14 Gool dhamaantoodna Waa Horyaalka oo keliya koobabka kale Waxba Madhalin.

Aan aadno Xidigaha MSN ee Barcelona

Messi Waxa uu dhaliyey Xiligaan 35 Gool.21 La Liga 5 Champions League iyo 9 Koobabka kale ah.

Suarez Waxa uu dhaliyey Xiligaan 42 Gool 26 Gool La Liga 5 Gool Champions League iyo 11 Gool koobabka kale ah.

Neymar Waxa uu dhaliyey Xiligaan 23 Gool 18 Gool La Liga 2 Gool Champions League iyo 3 Gool Koobabka kale ah.

Haddaba akhristow bal fikirkaaga ka dhiibo MSN iyo BBC xiddigahee kula fiican, dhanka goolashana kuwee ku guulaysan kara.?

by: Abdikani Mohamed Hussien (Caaqil)

WARBIXIN: DHAN U BAXA OZIL, SANCHEZ, COSTA & AGUERO FIRMINO AYAA AH XIDDIGA UGU HALISTA BADAN SANNADKAN 2016.

Markii ay Liverpool ku qarashgareysay 29 milyan ginni Roberto Firmino xagaagii hore, kooxda Anfield ka dhisan waxa ay rajo weyn ka qabeen xiddigooda cusub ee reer Brazil.

Waxa ay ka bixiyeen ku dhawaad 72 jibaarka inta ay Leicester ka soo bixisay Riyad Mahrez, markastana waxa laga filanayay waxa ay aheyd mid aad u sareysa xiddigii hore ee Hoffenheim.

Sidaasi darteed, marka Firmino uusan durbadiiba noqonin Lionel Messi, Pele iyo Jamie Car ragher oo la isku daray oo hal ciyaaryahan laga dhigay, waxaa jiray taageerayaal Liverpool ah oo durbadiiba naqdiyay xiddiga reer Brazil.

Waxaase soo baxday in waxa kaliya ee uu Firmino u baahnaa inay aheyd waqti uu ku saldhigto kooxdiisa cusub. Ka dib markii uu bilihii ugu horeysay ku bixiyay inuu la qabsado nolosha England, waxa uu jaanta lugta la helay sannadkan 2016. Xaqiiqdiina xiddiga Liverpool waxa uu ka qeyb qaatay goolal ka badan inta uu ka qeyb qaatay ciyaaryahan kale oo Premier League ka ciyaara sannadkan.

Ka qeyb qaashada goolasha waxaan kala jeednaa isku darka goolasha uu dhaliyay iyo goolasha uu caawiyaha ka noqday, tusaale ahaa wadar guud ee goolasha uu ciyaaryahan dhaliyaya ama caawiyay. Firmino (7 gool iyo 4 caawin) waxa uu ka sareeyaa Sergio Aguero (9 gool iyo 1 caa win) iyo Diego Costa (4 gool iyo afar caawin”.

Waxaa liiskaan ku xiga Jermain Defoe (7 goolal iyo hal caawin) iyo Wayne Rooney (5 gool, sed dex caawin). Waxaa iyagana ka danbeeya oo todoba leh Dimitri Payet (3 gool iyo 4 caawin) iyo James Milner.

MACALIN LUIS ENRIQUE "LIONEL MESSI KUBADA WUXUU SII CAYAARI KARAA ILAA UU 40SANO KA GAARO”

Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa ku qasbanaaday inuu saxaafada kaga jawaab celiyo hadal ku aadan in Lionel Messi uu Barca u saxiixi rabo heshiis gaarayo ilaa xagaaga 2022.

Hadii Messi uu qalinka ku duugo heshiiskan cusub waxay ka dhignaan doontaa inuu Barcelona lasii joogi doono ilaa uu 35sano ka gaari doono.

Macalin Luis Enrique wuxuu yiri "Messi laacibka aduunka ugu wanaagsan waqti dheer ayuu sii ahaan doonaa balse da’da qof walbo ayay saameyn ku yeelan kartaa”

"Waxaan u maleynaa inuu bandhigiisa wacan sameyn karo xitaa hadii uu 40sano gaaro, laakiin cadeyn seynis uma hayo arinkaas balse waa fikirkeyga gaarka ah aragti ku saleesan”

"Waxaan ku faraxsanahay la shaqeynta Messi sidoo kalena guulo intaan ka badan ayuu Barcel ona gaarsiin kara”

"Shaqsi ahaantiisa kalsooni weyn ayaan ku qabaa inuu xili cayaareedkan gool dhalinta La Lig aha iyo kabaha dahabka Yurub inuu ku guuleesan karo”

OGEYSIIS OGEYSIIS       OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

 

INVITATION to (BID)

 

 

LRPS-2016-9122429                                                  17February. 2016

 



UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

 

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

 

Or

 

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

 

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

 

The Reference LRPS- 2016-9122429 must be shown on the envelope containing the the offer.

 

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

enclose your own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

 

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

 

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

 

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-

 

Prepared by Giogio Figus






PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE

OFFICES INDICATED ABOCE

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip