Puntland iyo shirkadda DP- World oo meel adag kala taagan iyo madaxweyne Deni oo bisha August ku wajahan Dubai

0
Wednesday July 29, 2020 - 21:29:26 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland iyo shirkadda DP- World oo meel adag kala taagan iyo madaxweyne Deni oo bisha August ku wajahan Dubai

    Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa maanta shaaciyay in shirkadda DP-world aysan wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekeda Bosaso sanadkii 2017. Wasiirka oo hortagay barlamaanka Pu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka dekedaha Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa maanta shaaciyay in shirkadda DP-world aysan wax shaqo ah ka qabanin tan iyo markii ay la wareegtay maamulka dekeda Bosaso sanadkii 2017. Wasiirka oo hortagay barlamaanka Puntland ayaa u sheegay in shirkadda DP-world la qaadanayaan kulankii ugu dambeeyay oo lagu kala baxayo, kaasoo ah in shirkaddu billowdo balaarinta dekeda ama inay kusoo celiso gacanta maamulka Puntland. Wasiirku wuxuu sheegay in madaxweyne Deni bisha August uu ku wajahan yahay dalka Imaaraatka, halkaas oo lagu qabanayo shir garnaqsi ah oo u dhexeeya Puntland iyo madaxda DP-world. Ballantii ugu dambeeyay ee ahayd in dhismaha dekeda la billaabayo waxay ahayd bishii march ee lasoo dhaafay, hase yeeshee, shirkadda DP-world, waxay ku cudur daaratay cudurka Covid19 oo kala xiray dunidii. Wasiir Majiino ayaa xusay Puntland in aysan si fudud uga bixi karin heshiiskaan oo ah heshiis caalami ah, isagoo sheegay haddii ay ku degdegaan inay caqabado badan kaga imaan karaan. Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa dib u dhigay dib u eegista heshiiskaan, iyagoo ka war sugaya kulanka Dubai iyo wixii kasoo baxa.    .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip