Guuxa dadweynaha reer Warsheekh iyo booqashada Rw, Nuur Cade (Warbixin).

0
Sunday August 23, 2015 - 09:43:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guuxa dadweynaha reer Warsheekh iyo booqashada Rw, Nuur Cade (Warbixin).

    Xili lagu wado in dhawaan uu gaaro degmada Warsheekh ra'isul wasaarihi hore ee dowlada Soomaaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa waxa jiro dareen xoogan oo ka imaanayo qaar kamid ah aqoonyahanada kasoo jeeda deegaanka kuwaasi oo saluu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili lagu wado in dhawaan uu gaaro degmada Warsheekh ra'isul wasaarihi hore ee dowlada Soomaaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa waxa jiro dareen xoogan oo ka imaanayo qaar kamid ah aqoonyahanada kasoo jeeda deegaanka kuwaasi oo saluug ka muujiyay soo dhaweynta ra'isul wasaarihi hore.
Aqoonyahanada oo lasoo xiriiray shabakada Warsheekh ayaa waxa ee tusaaleeyeen qodobo dhowr ah oo ee kudhaliileen siyaasadi ra'isul wasaare Nuur Cade iyo xukuumadiisaba ee ku wajahneed gobolka gaar ahaan degmada warsheekh oo Nuur deegaan ahaan kasoo jeedo, hasa yeeshe uu Ra'isul wasaarihi hore dhagaha ka fureestay talooyin wax ku ool ah oo ee usoo jeediyeen aqoonyahanadaasi.
Nuur Cade Waa nin Ceynkee ah?.

- Dhowr iyo labatanka sano ee dhibaatada ka jirtay Soomaaliya waligii ma soo hadal qaday degmada Warsheekh?


- Intii uu madaxda ka ahaay ICRC ama bisha cas hal xarun oo hooyada iyo dhalan ka ah, (MCH) maka fuliyay degmada warsheekh?

Mudane nur cade darajada ugu sareyso ee uu ka garay dalka Somalia waxey aheyd ra'isul wasaare, dadkii la kulmay ama aqoonta durugsan u lahaay waxey ku tilmameen nin iska fogeya bushada uu
ka soo jeedo iyo degaanada uu u dhashay.

Saraakiil iyo aqoonyahano qurbaha ka yimid xiliggi loo magacabay ra'isul wasarihi dowlada Kumeelgaarka ayaa waxey ugu tageen magalada baydhabo, ayaa darasad ay sameeyeen waxey ku ogadeen in Nuur cade yahay shaqsi aan hogaamiye u ahaynin bushadiisa
albaabadana ka xirta .

Dhacdooyinka sida gaarka ah loogu xasuusto ra'isul wasaare Nuur Cade ayaa waxa kamid ahaa, inuu shaqada ka ruqseeyay saraakiil katirsaneed wasaarada arimaha dibada kuwaasi oo dhamaan kasoo jeeda degmada Warsheekh, hasa yeeshe katirsanaa shaqaalihi xukuumadi isaga ka horeesay ee Prof: Cali Maxamed Geedi.
Waxaa is weydiin mudan, maanta Nuur Cade wax xil ah uu hayo majirto, booqashadiisana degmada Warsheekh waxba kuma soo kor dhineyso .

Waxey arintu tahay:

"SHALAY MARKAAN WAX GALAY AMA AAN GUDAY WAX MATARIN REER WARSHEEKH", "MANTA OONAN WAXBA GALIN WAXNA TARIN WAXBAAN TARAYA RER WARSHEEKH".

Ugu dambeenti baqa aqoonayanada ayaa lagu soo gunaanaday fariin guud oo kusocoto dadka reer Warsheekh.
Maamulka iyo shacabka reer Warsheekh, wakhtiga lagu bixin lahaay Nuur Cade waxaad ku bixisaan howlaha kale ee idin hor yaalo.

Tariikhda iyadaa is qorta, cidna ma doonto, cidna ma diido, mas'uul kastaa tariikhda ayaa wax ka qoreyso.

Dhamaad

W/D: Aqoonyahanada reer Warsheekh 
E-mail: warsheekh.aqoonyahan@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip