Warkooda iyo waaya aragnimadaada.No. 5=Faallo=

0
Monday July 20, 2020 - 19:57:12 in Wararka by
  • Visits: 1532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warkooda iyo waaya aragnimadaada.No. 5=Faallo=

    Addoonsigu ma ahan in jir ahaan laguu addoonsado oo kaliya, Addoonsiga ugu xun waa in Maskaxda lagaa Addoonsado.Waxaa jiro Dad badan oo isku heysto in ey xur yihiin laakin Addoon Maskaxeed ah, qaarkood waa Dad aan u naqaan Aqoonyahan, qaar waa hoggaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Addoonsigu ma ahan in jir ahaan laguu addoonsado oo kaliya, Addoonsiga ugu xun waa in Maskaxda lagaa Addoonsado.Waxaa jiro Dad badan oo isku heysto in ey xur yihiin laakin Addoon Maskaxeed ah, qaarkood waa Dad aan u naqaan Aqoonyahan, qaar waa hoggaamiyayaal Bulsho, qaar waa Hantiilayaal. waxaan Aqaan kuwa badan oo kuwaa ka mid ah.      
1.Siyid Cumar Bin khidaab RC, ayaa yiri: ( Goormeed Addoonsateen Dadka, Hooyooyinkooda waxa ey dhasheen iyaga oo xur ah).
Sayid Cumar waxa uu la hadlayay kuwa wax addoonsado, Laakin maanta waxaan arkaa kuwo in la addoonsado ku tar-tamayo, waqti galinayo, dadaal badanna ku bixinayo sidii loo addoonsan lahaa. Allah ayaan ka magan galnay, Hoggaan Duub, Aqoon-yahan, Ganacsade, Culumo iyo Siyaasi Maskaxda Gun ka ah.
3. Madaxweynihii Mareykanka Abraham Lincoln, ayaa markii uu xureeynayay Addoonta Mareykanka yiri: ( Sida aanan u jecleeyn in aan Addoon noqdo, ayaana u jecleeyn inaan noqdo Milkiile Addoon leh).
      weli, waxaa hadda jiro kuwa rabo in ey Addoon noqdaan, kii xureeyn lahaayna Xag-xaganaayo, Dakooda iyo Deeqdoodana lagu hor duleeysto.
     3. John Mason ayaa yiri: ( waxa aad dhalatay adiga oo Original ah, Ha dhimman Adiga oo Copy ah). ( F.S: 1aad)
     Anigu waxaan dhal-dhay Aniga oo Beni aadam xura ah, Somali Originaala ah, Allaah ayaa igu hanuuniyay in aan Islaam noqdo, Marna ha iga sugin in aan Noqdo Addoon Maskaxeed ama aan dhinto Aniga oo Copynimo Jidkeed ku joogo.
a) waxaa jiro Qof Original ku dhashay Original ku dhintay.
b) waxaa jiro Qof Original ku dhashay Copy ku dhintay.
c) waxaa jiro Qof Copy ku dhashay Original ku dhintay.
d) waxaa jiro Qof Copy ku dhashay Copy ku dhintay.
Adigu midkeed Jecalaan lahayd?
Qore: Yahay Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip