Mid kamid ah wadamada Afrika oo u gefay Soomaaliya

0
Sunday July 12, 2020 - 21:56:26 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid kamid ah wadamada Afrika oo u gefay Soomaaliya

    Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Algeria, Sabri Boukadoum, oo ka hadlay qalalaasaha xilligaan ka jira dalka Liibya, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka isugu keenta dadka ku hardamaya dalkaasi. Shir jaraa'id u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Algeria, Sabri Boukadoum, oo ka hadlay qalalaasaha xilligaan ka jira dalka Liibya, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka isugu keenta dadka ku hardamaya dalkaasi. Shir jaraa'id uu ku qabtay gudaha dalkaas ayuu sheegay in amniga iyo xasiloonida libya ay tahay mid dan u ah qaranimada iyo amniga dalka libya,isla markaana labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah. Wasiir Sabri Boukadoum ayaa dadka ku nool dalka Liibiya uga digey in dalka libya uu isku bedelo sida soomaaliya oo kale,isla markaana arrintaasi uu walaac ka qabo. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Algeria ayaa ku soo aadaya xilli dhawaanna madaxweynaha dalkaas Algeria, uu Liibiyiinta uga digey in ay noqdaan sida Soomaalida oo kale. Dalal badan oo Caalamka ah ayaa mararka ay dhacdooyin kacdoon iyo dagaalo ka bilaawdaan waxaa ay tusaalo u soo qaataan dalka Soomaaliya,waxaana dhawaan Madaxweynaha Mareykanka donald Trump uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip