BAKHEYL IYO FULEY MIDNA MA IHI!!.=Sheeko Xiiso Badan.=

0
Thursday June 25, 2020 - 23:22:23 in Wararka by
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BAKHEYL IYO FULEY MIDNA MA IHI!!.=Sheeko Xiiso Badan.=

    Nin ayaa Safar dheer oo uu soo galey ku yimid Magaalo uu Boqor ka talinin jirey. Markiiba inta uu Suuqa dhex istaagey ayuu ku dhawaaqey kalmadahan "Bakhayl iyo Fuley Midna Ma Ihi!!. …. Bakhheyl iyo Fuley Midna Ma ihi&hel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ayaa Safar dheer oo uu soo galey ku yimid Magaalo uu Boqor ka talinin jirey. Markiiba inta uu Suuqa dhex istaagey ayuu ku dhawaaqey kalmadahan "Bakhayl iyo Fuley Midna Ma Ihi!!. …. Bakhheyl iyo Fuley Midna Ma ihi……..". Warkii ayaa loo geeyey boqarkii markaa ayuu yiri " ha la ii keeno ninka Deeqsinimada iyo Geesinimada isku darsadey, Waxa aan u guurin gabadheyda ee" Boqorkii ayaa loo geeyey waxaa uuna weydiiyey " Ma adiga ayaan Bakheyl iyo Fuley midna aheyn?!!" Waxa uuna ku jawaabey " Haa Boqor." Boqorkii ayaa u guuriyey gabadhiisii waxa uuna aroos qiimo badan uga dhigey Qasrigii boqortooyada.

             Maalintii dambe oo uu arooska kabaxay ayaa Boqorkii u yeerey Afar nin oo Fardooley ah Geesinimadoodana ay ahayd kuwo uu ku kalsoonyahay waxa uuna ku amrey wiilka gabadhiisa guursadey ee geesinimada Sheegtay Faras iyo Waran in la siiyo oo ay baxaan marka la joogo suryo Libaax oo ay ahayd meel ay fadhfadhiyaan Libaaxyo dad Qaad ah, ay dib uga soo laabtaan, haddii inta uu degto Libaaxa Jilibka u dhigtana ay ku noqdaan oo ay ka gaaraan Libaaxyada badan ee halkaa ku sugan si ayna u kala dafin Waa Geesi ee.
Haddii uu ka soo daba Cararana ay keenaan waa beentii oo waa Fuley ee.
              Balse markii ay ka soo carareen ayaa inta uu Faraskii ka degtey uu Jilibka u dhigey Libaaxyadii oo warankii isula baaciyey.
Markiiba waa ay ku soo noqdeen oo ay ka soo wadeen ayaga oo ogaadey in uu run Sheegayey oo uusan fuley ahayn.
             Boqorkii markiiba waxa uu wiilkii ku amrey in uu ka guuro oo Magaalo ka fog dego isaga oo toddoba Rati u rarey oo biyo iyo raashin isugu jirey, Magaalada markii uu saacado ka socdey ayaa waxaa ka horyimid reero dhibaato ay ka muuqato oo Oon iyo gaajo bastood la ah.
             Intii uu joojiyey awrtii ayuu raashin iyo biyo siiyey hal Ratina u qaley, hal saac markii ay socdaan ayaa hadana waxaa ka hor yimid dad badan oo ay dhibtii oo kale ka muuqato waxa uuna sidii oo kale u qaley Rati kale isaga oo raashin iyo biyo wixii uu hayey siiyey.
                   Dadka dhibaateysan waxa ay ahaayeen kuwo isdaba qulqulayey ee markii uu hal Rati u harey ayuu boqorkii amray in laga gaaro oo loo keeno.
Markii Boqorkii loo keeney ayuu weydiiyey ” Wiilkeygiiyoow Ma tihid Bakheyl iyo Fuley Midna ee Maxay ku dhacdey in aad noqon weydo?!!”.
Markaa ayuu sheekadan bilaabey in uu uga sheekeeyo Boqorkii
                Waxaan ahayn reero uu illaahey siiyey xoolo afar adduunyo oo si weyn u dhaqan, Geel, Lo, iyo Ariba waxaana jirey in reerkanaga ay qabiil kale col ahaayeen oo ay dagaalami jireen, habeen ayaa afar rag ah oo aan kamid ahaa loo direy ceelasha in ay ka soo arooraan maadama cabsi lagu jirey iyada oo ay saddexdii kale ceelka Shubayaan anigana aan Waardiye ahay ayaan halmar ku baraarugey Rasaas is qabsatey dhulka ayaan isku tuurey oo aan dhabacdey, madaxa haddaan kor u qaadeyna waxaan arkey saddexdii saaxiibadey aheyd oo meyd ah ceelkana dushiisa yaala kuwaas oo aan nafba dhulka kula dhicin, waan ordey waxa aana isku tuurey Ceel Mas weyn looga caagey oo aan laga dhaansan, meel dhexe oo ceelka jambiyadiisa ah ayaan lugta lahelay waxaana qabsadey Karkaar .
             Maskii oo ka yaabey waxa Ceelka gudihiisa ku soo dhacey ayaa isoo aadey, isaga oo xabadkeyga ku soo socdey illaa uu sankeyga dhegta iga saarey bal in aan ahay geed ceelka ku soo dhacay iyo inaan ahay wax nool.
              Intii aan neefta isku celinayey si uusan Masku ii cunin ayeey Raggii cadawgeyga ahaa ku soo ordeen ceelka waxa ayna dhaheen "wakaas..wakaas…” iyaga oo toosh igu soo ifinaya bahal xabad ahna igu soo rideen Markaa ayaa Maskii Sankeyga neefta ka dhegeysanayey inta ay madaxa uga dhacdey Ceelka gudaha ugu tuurtey, baf..baf…baftii Maska markey maqleen ayey dhaheen "War inaga keena wakaas waa dhintey ee”
Marka waxaan fuley u noqon waayey illaaheygii labadaas cadow ee Maskii rabey in uu i cuno iyo xabadii rabtey in ay i disho isu bixiyey ayaan ogaadey in markuu rabo uu nafta iga qaadi karo oo cid kale oo wax i yeeli karta ayna jirin Sidaas ayaan FULEY u noqon Waayey.
                Markaa ayaa iyana la weydiiyey "Maxaad Bakheyl u noqon Weydey”.
Sheekadii ayuuna halkii ka sii wadey.
              Subixii ayaan Ceelkii ka soo baxay reerkii ayaan soo aadey Mise habeenimadii ayaa la mirey oo xoolihiina la dhacey gurigeygii oo waxaan dul imid ay meyd yihiin Afadeydii iyo Wiil yar oo aan dhaley.
Waan soo lugeeyey reerka Walaalkey oo deganaa meel lix saac loo socdo ayaan soo aadey markii aan u imidna waxaan u sheegey dhibaatadii na soo gaartey iyo in reerihii la baabiyey.
                Waxaan ka codsadey in uu xoolo i siiyo balse waxa uu ogolaadey Lax caato ah oo uu duuf ka daadanayey taas oo raaci kari weydey xoolihii kale oo ceelasha loo arooriyey.
Waxa uuna i yiri ” jidka ku sii mar”.
             Iyadii ayaan soo watey ee markii aan saacado badan socdey ayaa intaan meel fadhistey aan Madag dab ka baxsadey oo intaan qashey laxdii Caatada ahayd aan dubasho ugu dhaqaaqey.
                Aniga oo hilibkii cunaya ayaa waxaa iga daba yimid walaalkey oo reerkoodii intii la weerarey Xoolihii laga dhacey ileen dadka aan Cadowga ahayn kuwo dagaal qabiil naga dhaxeeyo oo isku mid ayaan u aheyn waxa uuna yiri "Walaal laxdii xumeyd ee aan saaka ku soo siinayey ayaa maanta wax inoo wada ah”.
              Waxaan BAKHEYL u noqon waayey illaaheygii xoolihii uu walaalkey iga lexa jeclaystey ee badey in aan wado Cuno hilibka laxdii caatada aheyd ee diifka kasocdey ayaan ogaadey in aanan Ceshan karin wax uu iga qaadayo sidoo kalana aanan la ii diidi karin wax uu i siinayo.
            Boqorkii waxa uu u magacaabey lataliyaha Qasriga Madaxtooyada isaga oo ka dhigtey Hawl wadeenkiisa gaarka ah kadib markii uu ogaadey in uu runta sheegey.
W.Q. Mohamed Farah Duurgal.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip