Barakac ka bilowdaymagaalada Dhuusamareb iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalada halkaas ka socda

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:52:29 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barakac ka bilowdaymagaalada Dhuusamareb iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalada halkaas ka socda

    Boqolaal qoys ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyagoo cararaya dagaalka xalay illaa saaka ka socda halkaas ee u dhexeeya ciidamada ahlu sunna iyo ciidamo uu horkacayo sarkaal horey uga goostay ciidanka dow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qoys ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyagoo cararaya dagaalka xalay illaa saaka ka socda halkaas ee u dhexeeya ciidamada ahlu sunna iyo ciidamo uu horkacayo sarkaal horey uga goostay ciidanka dowlada oo la yiraahdo Liibaan Madaxweyne.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo daryanka rasaas iyo madaafiicda laga maqlayo gudaha magaalada oo saaka jawi colaadeed ku waabariisatay.

Dadka faraha badan ee ka cararaya magaalada ayaa u baxsanaya dhinaca degaanada miyiga ah ee ku dhow Dhuusamareeb, iyadoo wararku sheegayaan in dad fara badan ay ku go’doonsan yihiin guryahooda ka dib markii ay waayeen meel ay ka baxaan dagaalka oo hareerahooda ka socda awgeed.

Dagaalkan ayaa bilowday saqdii dhexe ee xalay, ayaa ka dambeeyay markii Ciidamada Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen hoyga uu Magaalada Dhuusamareeb ka degan yahay Liibaan Madaxweyne, oo halkaasi maalmo ka hor ka sameystay dhufeysyo ciidan.

 

Odayaasha iyo waxgaradka Dhuusamareeb ayaa dadaal u galay sidii dagaalka lagu joojin lahaa, arrintana waan-waan loogu dhammeen lahaa, hase ahaatee waxaa taasi ku gacan-seyray Taliyaha Ciidamada Ahlu Sunna, Saadaq Sheekh Yuusuf.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip