Ahlu Sunna oo dib ula wareegtay gacan ku haynta Dhuusamareeb iyo Liibaan Madaxweyne oo laga saaray

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:39:36 in Wararka by
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ahlu Sunna oo dib ula wareegtay gacan ku haynta Dhuusamareeb iyo Liibaan Madaxweyne oo laga saaray

    Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna, ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii dagaal muddo saacado ah qaatay ay kula galeen Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna, ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii dagaal muddo saacado ah qaatay ay kula galeen Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka ku yaala Bartamaha Magaalada Dhuusamareeb iyo Xarumaha Magaalada ugu muhiimsan, waxayna xabadda u muuqataa mid hadda ka dhaceysa daafaha Magaaladaasi.

Liibaan Maxamuud Yuusuf oo saacadihii dambe ee xalay Ahlu Sunna ka saaray Magaalada, ayaa waxay taasi meesha ka baxday, markii Ahlu Sunna ay gurmad ka kala heshay Guriceel iyo Xeraale.

Taliyaha Ciidamada Ahlu Sunna, Saadaq Sheekh Yuusuf oo diiday in waan-waan lala galo Yuusuf Madaxweyne, ayaa sheegay in bilaa baryo ninkaasi looga saaray Magaalada Dhuusamareeb.

Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow, ayaa sheegay in dagaal saacado xiriir ah qaatay ka dib, ay Dhuusamareeb dib ugu soo noqotay gacanta Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna).

Dagaalkan, ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid maaliyadeedba, waxaana la soo sheegayaa inay dhinteen ugu yaraan 12 ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhaxeeyay.

Waxaa la soo sheegayaa inay jiraan dad rayid ah oo ku waxyeeloobay dagaalka, ka dib markii ay rasaasta ugu tagtey guryahooda. Inkastoo dad fara-badani ay ka barakaceen Magaalada, ayaa waxaa hadana jira aanay u saamixin inay barakacaan.

Sidoo kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ahlu Sunna ay gacanta ku dhigtay tiro ka mid ah maleeshiyadii ka barbar dagaalameysay Liibaan Madaxweyne. Mursal Xeefow oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa sheegay inay hayaan in ka badan 10 nin oo maxaabiis ah.

Dhuusamareeb waxay saakay ku waaberiisatay jewi aan qurux badnayn, waxaana Magaalada laga dareemayaa saamaynta uu ku yeeshay dagaalkii tan iyo xalay ka soconaayay.

Dagaalkan, ayaa noqonaayo mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee ka dhaca Xarunta Gobolka Galgaduud, tan iyo markii ay dhacday Dowladdii Dhexe Somaliya.

Dhuusamareeb, ayaa waxaa afartii maalmood ee la soo dhaafay laga dareemaayay dhiilo colaadeed, inkastoo ay soo xoogeysatay gelinkii dambe ee shalay, taasoo ugu dambeen dhabaha u xaartay dagaalkii qaraaraa ee xalay ka qarxay.

Ugu dambeen labada dhinac, ayaa waxay hadda ku dagaalamayaan dhinaca wadada ka timaada Deegaanka Mareergur ee soo gasha Magaalada Dhuusamareeb.

Xigash;-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip