SOMALILAND: Salaaddiin loo Xidh-xidhay Dilka Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil oo la Toogtay

0
Wednesday March 02, 2016 - 12:03:22 in Wararka by
  • Visits: 802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND: Salaaddiin loo Xidh-xidhay Dilka Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil oo la Toogtay

    Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen shalay Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen shalay Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan.
Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa Arrintan u xidhay Salaaddiin iyo Cuqaal Gobolka Saaxil ka soo jeeda, kuwaasoo laga xidh-xidhay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Afhayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle dhexe Faysal xiis ayaa sheegay in dilka taliyaha qaybta Gobolka Sool ay ku baxeen taliyihii ciidanka iyo Ciidammo uu Hoggaaminayo, isla markaana ay gacanta ku soo dhigayaan dableydii ka dambeysay.

"Taliyaha qaybta Col. Casar oo ku gudda jira hawlgal shaqo ayaa koox burcad ah dhexda u gashay kuwaasoo ku dilay Deegaanka Biyoole ee Gobolka Saaxil, Waxayna sidoo kalena u geysteen dhaawacay askarigii ilaalinayey, waxaana taliyaha ku wehelinayey Badhasaab ku xigeenka Gobolka Saaxil, Arrintaasna waxaa ku baxay Taliyihii Cidamada Fadal IImaan & ciidan uu hogaaminayoā€¯ayuu yidhi afhayeenka ciidanka Booliska Faysal Xiis.

Dilkaan ayaa lagu Xidhii-dhinayaa khilaaf ka dhashay dekad laga dhisayo deegaanka Ceel-Garde ee Bariga magaalada Berbera oo ay hore Koox hubaysani u weerareen, hase-yeeshee Heshiis qodobbo ah oo laga soo saaray Shir ay wada yeesheen Madax-dhaqameedka laba Beelood oo arrintu u dhaxaysay iyo dawladda oo goob-joog ka ahayd, heshiiskaasoo qodob ka mid ahi dhigayey in la joojiyo guud ahaan-ba dhismaha dekedaas, balse wararku waxay sheegayaan in dib loo billaabay.

Ugu dambeyn, Dekaddan la doonayo in laga dhiso Ceel-garde ayaa Dadka Deegaanku isku haystaan, iyagoo qaarna doonayaan inay dhistaan qaar kalena ka soo hor jeedaan taas oo ka dhalisay muran baryahan ka taagtaa gobolka Saaxil




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip