Ciidamada Dowladda oo duleedka Diinsoor ka soo qabtay rag Shabaab iyo hubkooda

0
Wednesday March 02, 2016 - 11:54:58 in Wararka by
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda oo duleedka Diinsoor ka soo qabtay rag Shabaab iyo hubkooda

    Howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor, ayaa waxaa u suuragashay ciidamada inay soo qabtaan rag ka tirsan Ururka Shabaab iyo hubkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor, ayaa waxaa u suuragashay ciidamada inay soo qabtaan rag ka tirsan Ururka Shabaab iyo hubkooda.

Maamulka Degmada Diinsoor, ayaa sheegay ciidamada inay gacanta ku hayaan hubka iyo ragga ka tirsan Ururka Al Shabaab ee lagu soo qabtay howlgalka ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor.

Ibraahin Maxamed Nuur Shigshigow, Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa sheegay howlgalka inuu ka dhacay deegaan 40-KM u jira Degmada Diinsoor, kadib markii ciidanka ay heleen macluumaad ku saabsan Shabaab halkaasi isku aruursanaya.

Wuxuu sheegay ciidamada inay halkaasi ku duuleen oo iska hor imaad kooban kadib ay u suuragashay inay soo qabtaan saddex nin oo Shabaab ka tirsan iyo saddex Qori oo nooca Ak47 ah.

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor, ayaa cadeeyay inay ku beegsan doonaan Shabaab meel kasta oo ay ka joogaan aaga Diinsoor si loo xaqiijiyo ammaanka Degmadaasi.

Saddexda nin ee la soo qabtay ayuu sheegay in ciidamada ay su’aalo weydiinayaan, hubkoodana ay gacanta ku hayaan Saraakiisha ciidamada.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayuu sheegay inay dhawaan qaadi doonaan, howlgal la isugu furaayo wadada xiriirisa Magaalada Baydhabo iyo Degmada Diinsoor oo meelaha qaar ay Shabaab ku jiraan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip