WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 2-DA MAARSO 2016-KA

0
Wednesday March 02, 2016 - 10:36:14 in Wararka by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 2-DA MAARSO 2016-KA

    GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO BANNAANKA SOO DHIGAY KHILAAF .. Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay bannaanka soo dhigay sababaha loo ansixin waayay sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inuu j

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO BANNAANKA SOO DHIGAY KHILAAF .. Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay bannaanka soo dhigay sababaha loo ansixin waayay sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inuu jiro khilaaf arrintaasi ku saabsan oo u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Ra'iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Guddoomiye K/Xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cabdalla Cawad ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay Baarlamaanka hor keentay laba sharci oo wa da ah la dagaalanka argagixisada.

"Xukuumadda laba sharci ooargagixisadaah ayay keentay Baarlamaanka, waxaana jira qolooyin shisheeye oo daneynaya sharcigaas” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cabdalla Cawad oo sheegay inay xukuumadda dib ugu celiyeen.

Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay mid xas aasi ah, isagoona sheegay in guddiga arrimaha gudaha oo ka shaqeynaya ay xukuumadu keento mid kale.

"Waxaan xukuumadda u soo jeedinay in sharcigaan asal ahaan magaciisa la bedelo” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad oo sheegay in sharcigaan ay xasaasiyad badan ka qabto Soomaa lida, isagoona tilmaamay in dalalka Muslimka ay sidoo kale isku khilaafsan yihiin waxa la yir aahdo argagixiso.

WASIIRKA MACDANTA OO LA KULMAYCIYAAR YAHANNADII KALA DUWANAA EE U CIYAARI JIRAY WAKAALADDII BADROOLKA UMMADDA SOOMAALIYEED.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Badroolka xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Ciyaar yahannadii kala duwanaa ee u ciyaari jiray Wakaaladdii Badroolka Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ahaa mid kala warqaadasho ah isla markaana looga tashanayay sidii loo soo celin lahaa Ciyaar yahannadii Wakaaladda Badroolka oo iminka la qorsheynayo inay ku ciya araan magaca Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka.

Waiirka Macdanta iyo Badroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Muq taar Ibraahim ayaa bogaadiyay Hanaanka Ciyaar Toydaan ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan Ciyaarihii looga Bartay iyo sida ay u doonayaan in loo gacan siiyo.

Dhanka kale Wasiirka Macdanta Maxamed Muqtaar ayaa ka dalbaday Ciyaar yahanna daan inay iska soo dhex xulaan guddi ka shaqeeya dardar gelinta sidii ay markale u soo laaban lahayd kaalintii ciyaar yahannada Wakaaladdii Badroolka Soomaaliya.p

MARWADA MADAXWEYNAHA DALKA OO SHALAY BOOQATAY ISBITAALKA ORDEGAN ..

Marwada Madaxweynaha dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ay wehliyaan Xil dhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay booqatay isbita alka Ordegan ee Exdigfeer, halkaasi oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku soo waxyeeloobay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaasi oo ay gaarsiisay deeq lacageed.

Marwada Madaxweynaha dalka ayaa markii ay gaartay isbitaalka waxa ay mid mid u bo oqatay qolalka ay ku jiraan dhaawacyada, iyadoo warbixinno ka dhageysatay howlwadeenada caafimaadka iyo qaar ka mid ah ehelada isbitaalka ku sugan, kuwaasi oo ka hadlay xaaladda ay ku suganyihiin.

Xildhibaan Xabiibo Deyroow oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ay aa marwada Madaxweynaha dalka uga mahadcelisay booqashada ay ku tegtay dadkii ku dhaaw acmay qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

Marwo Sahro Cumar Xasan Marwada Madapxweynaha Dalka ayaa sheegtay in booq ashadeedu uu la xiriio sidii ay xanuunka ula qeybsan lahayd ehelada dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo, waxaana ay Alle uga bariday in uu siiyo caafimaad deg deg ah.

Booqashada Marwada Madaxweynaha dalka ay ku tegtay isbitaalka digfeer ayaa ah mid ay ugu kuurgaleysay xaaladaha ay ku suganyihiin dhawaacyadii dhawan laga keenay magalaa Baydhabo, taasi o muujineysa sida ay xanuunka ula qeybsaneyso bulshada Soomaaliyeed.

DADKII KU DHAAWACMAY QARAXYADII BAYDHABO OO DALKA DIBADIISA LOO QAADAYO

Iyadoo ay jiraan dhaawacyo badan oo ka dhashay qaraxyadii ruxay maalin ka hor Magaal ada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Somal iya, waxa ay sheegtay inay socdaan dadaalo kala duwan oo lagu doonaayo dadka dhaawacya dooda liito in dalka dibadiisa loo qaado.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Somaliya Xaawo Xasan Maxamed, ayaa sheegtay in Dowladda Turkiga ay u direen codsi ku aadan sidii dadka xaaladooda liita oo dalka gudihiisa wax ba looga qaban karin in dalkaasi loo qaado oo halkaasi lagu soo daaweeyo.

Waxa ay sheegtay inay jiraan dadaalo kale oo Dowladda ay wado si dadkaan loogu helo daryeel caafimaad oo lagu dabiibaayo, maadaama dhaawacyadooda qaar ay si adag u liitaan.

"Dadaalo kala duwan ayaan wadnaa oo ku aadan dadkii dhibaatada xun ay ka soo gaar tay Qaraxyadii Magaalada Baydhabo si dadkaasi dalka dibadiisa loogu qaado, ilaa hada waxaan Codsi u dirnay Dowladda Turkiga, meel fiican ayeeyna noo marayaa dadaalka.” Ayeey tiri Wasiir Xaawo.

16-ruux oo dhaawacyadooda liitaan ayaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Magaalada Baydhabo wax looga qaban waayay.

Isbitaalka Magaalada Baydhabo waxaa jiifa dhaawacyo kor u dhaafaya 40 ruux, iyadoo dhimashada ka dhalatay Qaraxyadii Baydhabo ay gaarayso ilaa 32 ruux oo intooda badan ah dad shacab ah.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo, wax aana ay ku faaneyn Shabaabka inay dileen xubno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

AXMED FIQI "ALSHABAAB WAX CULEYS AH LAMA SAARIN LABADII SANO, WAANA FURSAD AY HELEEN”

Agaasimihii hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay weeraradii u dambeeyay ee AlShabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho, isagoo faah faahin ka bixiyay waxyaabaha sababta u ah inay kordhiyaan weerarada.

Axmed Fiqi oo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOAda ayaa sheegay in AlShabaab ay bartilmaameedsanayaan meelaha nugul, isla markaana ay darsayaan gaabiska xaga amniga ee ka jira meelaha qaar.

"Meelaha nugu ayay bartilmaameedsanayaan, waxay darsayaan goobaha gaabiska xaga amniga ka jiray, Shabaab waxay fursad u heleen dagaalkii tooska ahaa ayaa laga joojiyay, ma rkaas ayay bilaabeen in maskaxdooda, xoogooda iyo cududooda ay isu keenaan, ayna ku firkiy aan inay howlo gaar ah ka fuliyaan meelo aad xasaasi u ah”ayuu yiri Amb. Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa uu sheegay in AlShabaab ay aad isu diyaariyeen, ayna xog fiican ka hayaan meelaha ay bartilmaameedsanayaan, waxaana uu tilmaamay in aan waxba laga baran waxyaabihii horay u dhacay, isla markaana marba marka ka dmabeysa ay weerarada sii xoogeys anayaan.

"AlShabaab fursad ayay heleen, labadii sano ee la soo dhaafay wax dagaal ah laguma qaadin, iyaga markii hore difaac ahaa, hadana ayaga weeraro soo qaadaya, waxay sanadkii u dambeeyay bilaabeen inay weeraraan xarumihii AMISOM”ayuu yiri Axmed Fiqi.

Mar wax laga weydiiyay kulankii Madaxda dalalka Ciidamada ka joogana Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti ayuu tilmaamay in loo baahan yahay in la habeeyo Ciidamada AMISOM, isku xir fiican ay sameeyaan, si AlShabaab deegaanada gacanta ay ku hayana looga saaro, isla mar kaana ay la yimaadana Ciidamada AMISOM qorshayaal looga hortagi karo weerarada, lana abuu ro ciidamo u abaabulan sida AlShabaab ee koox koox ah ee duurka ku jira.

Weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 50ruux, waxaana Mas’uuliyada weeraradaas sheegatay Xarakada AlShabaab.

SHEEKH MAXAMED IDIRIS MAXAA KA YAABIYAY MARKII UU MAREYKANKA TEGAY?!

Adduunka intaad mareyso wax badan oo aad la yaabto waad arkeysaa! Waxaa ka mid ahaa markii iigu horreysey oo aan arko (Hoteelka Meydku Deganyahay) ee ku yaal Qubuuraha magaalada San Diego, Gobolka California ee dalka Maraykanka.

Daarta dabaqyada ah ee sawirkeeda aad aragto waa Hotel, mase aha hoteelada aad taq aaney ee qolalka la kireysto leh, dad noolina degganyihiin.

Kani waa hoteel khaanado qaboojiyayaal ah, oo ay ku jiraan, meydad dad gaala ah oo lac ag lahaa, oo ka dar daarmay lacagtooda in loogu adeego, halkaasna la jiifiyo, lagu hayo!

Waxaa qoray: Sheekh Maxamed Idiris

AFAR ASKARI OO KA TIRSAN CIIDAMADA DOWLADDA OO KU GEERIYOODAY QARAX MIINO

Wararka ka imaanaya deegaanka Carbiska oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in gaadiid dagaal ay saarnaayeen ciidanka dowladda qarax miino lala eegtay.

Afar askari ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen qaraxaas oo ahaa miino kuwa dhulka hoostiisa lagu aaso, lagana hago meelaha fog fog.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaadiidka qaraxa lala eegtay uu ka mid ahaa saddex gaari dagaal oo ku sii jeeday degmada Afgooye ee Sh/Hoose.

Askar kale oo ku dhaawacantay qaraxa ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, waxaana goobtii qaraxa ka dhacay ee deegaanka Carbiska gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxa.

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa horay qaraxyo lagula eegtay gaadii dka ay saaran yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

 

GANACSATO IYO MUKHALLASIINby Yuusuf Garaad.

Ganacsato waxaa jira mar haddii waxa ay damceen ay helayaan aan dan ka lahayn dadka iyo dalka. Dan aan ka lahayn meesha ay ka helayaan iyo cidda ay heshiiska la gelayaan.

Waxaa indho tiray damaca. Iftiinka keliya ee ay wax ku arkaan waa toosh ku shaqeeya bateri magaciisa la yiraahdo.

Wax deeqaa ma jiraan dhimashada ka hor. Maba dareensana meesha ay Soomaaliya mareyso. Ma arkaan inta boos, guri ama dhul weyn oo bannaan ay caasimadda ku leeyihiin iyo weliba Gobollada qaar. Kuma filna oo waxay weli u oon qabaan dhul. Kamana dhergi doonaan baahida dhulka ilaa marka ay toodu gasho markaas oo ay heli doonaan dhulka dhabta ah ee ku filan – kaas oo ah 2 miitir.

Waxay qeyb ka yihiin dhibka dalka haysta. Raadkoodu ma qarsoona oo dad badan ayuu u muuqdaa oo iska wareystay.

Waxay wada shaqeystaan mukhallasiin ka ganacsada siyaasadda. Kuwaas oo aan Dowladda xil ka hayn, haddana aan marnaba laga waayin xafiisyada waaweyn ee Madaxda iyo weliba guryahooda siiba xilliyada dambe habeenkii. Sidoo kale waxaan laga ag waayin Madaxda Dowladaha Gobollada.

Ganacsatada xalaasha ah Allah ha u barakeeyo shaqadoodee, ayaguna ha fahmeen, han tidoodu haddii aanay u shaqeyn karin maslaxadda shacabka iyo xal u helidda mushkiladda Soom aaliya ugu yaraan in aanay ka hor imaan oo caqabad ku noqon.

Imaan Allah ayaa uur buuxiya. Allow Soomaali nabadeynteeda sahal, horumarna u hors eed.

JUBBALAND OO SHEEGTAY IN 7 DAGAALYAHAN KA TIRSAN ALSHABAAB KU DILEEN DULEEDKA KISMAAYO

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in 7 ka tirsan AlShabaab ku dileen weerar kedis ah oo ay ku qaadeen deegaanka Cabdalla Biroole oo 40KM dhanka galbeed kaga beegan magaala da Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Jubbaland oo lagu magacaabo Axmed Maxamuud Maxa med ayaa u sheegay VOA in weerarka ay ku qaadeen deegaankaas Cabdalla Biroole uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan AlShabaab.

"Xalay ayaa ciidamada ammaanka Jubbaland weerar ay ku qaadeen Cabdalla Biroole wax aa ku dilnay 7 dagaalyahan, dhowr qori gacanta ku dhignay, waxaa la wareegnay deegaankaas, waxaa bilownay sida ay u howl galaan oo kale oo jabhadeynta ah, ciidankeena waxay si kedis ah u weerareen meelihii ay joogeen”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada amniga Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galada ay sii wadayaan, isla markaana ay dhowaan Al-Shabaab ka saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AlShabaab oo ku aadan warkan ka soo yeeray Maa mulka Jubbaland, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen inay arkeen ciidamo ka tirsan Jubba land oo ku sii jeeday deegaanada galbeedka kaga beegan magaalada Kismaayo

ALSHABAAB OO LA WAREEGTAY LAANTABUURO KADDIB DAGAAL AY LA GALEEN CIIDAMADA DOWLADDA

Xaaladda degaanka Laantabuuro oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa shalayy aad u kac san kaddib markii xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal kooban oo dhex maray ciidamada Dowla dda iyo maleeshiyada AlShabaab daqiiqado kaddibna lagu kala baxay.

Xoogagga AlShabaab ayaa la wareegay xero ciidamada Dowladda ay halkaasi ku lahaa yeen degaanka Laantabuuro, iyadoo halkaasina ay ka jirto cabsi soo food saartay dadka degaa nka, bacdamaa ay socdaan dhaqdhaqaaqyada AlShabaab oo isku diyaarinaya dagaal rogaal cel is ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda ee laga qabsaday xeradii ay ka degenaayeen degaanka LaantaBuuro ay u baxsadeen dhinaca degmada Afgooye iyagoo wata ilaa toddobo ga adiidka dagaalka ah.

Sida ay sheegayaan dad socoto ah ayaa arkay xoogagga AlShabaab oo dhaqdhaqaaqyo ka wada wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhex maro ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka AlShabaab.Dhinaca kale iska hor imaadka dhex maray labada dhinac ma jiro qasaare halkaasi ka dhashay, waana markii ugu horeysay oo AlShabaab ay ka awood badiyaan ciidamada Dowladda, iyadoo arrintaan ku soo beegmeyso xilli ciidamada Dowladda ay gobolka Sh/hoose ka wadeen howlgallo Shabaabka lagu baacsanayo.

HAWEENEY DHAHEYSA "ALLAHU AKBAR” OO FARANSIISKA LAGU…

Haweeney lagu magacaabo Nastya M da’deeduna tahay 38jir isla markaana u dhalatay dalka Uzbekistan ayaa lagu xiray magaalada Moscow ee wadanka Faransiiska, kaddib markii ay gacanta ku dhigeen Booliska dalkaasi.

Xariga haweeneydaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay markii ay dishay gabar afar sano jir ah isla markaana ka soo tuurtay dhisme dhowr dabaq ka koobnaa, hase yeeshee markii dad goob joogayaal ah ay Booliska ku wargeliyeen.

Nastya M ayaa markii ay Booliska Faransiiska qabanayeen waxay isku dayday inay bax sato, hase yeeshee gacanta ayaa laga dhaawacay kaddibna katiinad ayaa gacmaha looga xir ay.Arrintaan oo ka dhacday Waqooyiga bari ee wadanka Faransiiska goob ku dhow saldhig Bo olis oo lagu magacaabo lagu magacaabo Metro Police Station.

"Waan necbahay Dimoqoraadiyadda, adiga waxaad dooneysaa inaad i disho” ayay tiri hawee neydaan markii ay qabanayeen ciidamada Booliska.

QALALAASO HOR LEH OO SHALAY KA SOCDA DEKADDA DALKA FARANSIISKA

Ciidamada Booliska dalkaas gaar ahaan kuwa rabshadaha ka hor taggaayaa sunta dadka ka ilmeysiisa waxa ay u adeegsadeendadka rabshadaha wada si ay u kala eryaan dadka oo dhagaxyo ku tuuraya kooxaha burburinayay guryaha cooshadaha ka sameysan oo ah halka ay daganyihiin muhaajiriin magan galyo doon ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya in muhaajiriinta ay tahay in ay tagaan goob kale oo ka tirsan dalkaasi basle muhaajiriinta ayaa ka cabsi qaba arrintaasiin ay sababi karto in lagu qasbo inay magan gelyo weydiistaan Faransiiska oo ay u suurtagali weydo in ay Britain galaan.

Xiisadahaan oo ka taagan bannaanka hore ee dekadda Calais ee dalka Faransiiskaayaa u dhexeysa kooxo doonaya inay burburiyaan guryo ka sameysan cooshado oo ay dhisteen muhaajiriin doonaya inay magan gelyo weydiistaan Dowladda Britain.

WARARKII UGU DAMBEEYAY BOOLISKA MAREYKANKA OO DHAAWACAY WIIL SOMALIYED

Dadka ku nool magaalada Salt Lake, ee dalka Mareykanka ayaa dhigay dibadbaxyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor joodaan togashada ciidanka Booliska ay ku dhaawaceen Cabdi Maxamed oo 17 sano jir ah, kaas oo uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Wakaaladda wararka ee AP, ayaa sheegtay in saraakiisha Booliska ay labo jeer toogteen Cabdi, ka dib markii bartamaha magaalada Salt Lake, ay Cabdi iyo qof la socday ay weerareen qof kale, habeenkii Sabtida.

Qoyskiisa ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in Cabdi Maxamed uu hadda ka soo baxay xaalad miirdabool ahayd.

Habeenkii isniinta, dibad baxayaal isu soo baxay ayaa booliska ka dalbanaayay in ay shee gaan sababta ay awooddooda ugu adeegsanayaan ilmo yar.

Dadka dibad baxayaasha ayaa ku dhawaaqayey" joojiyo dilka aad waddaan” waxaa ay codsadeen in la sameeyo baaritaan adag.

Dhankooda Booliska ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan arrinkaas la xiriira, iyagoo dib u hubiyay Camerooyin goobta ku dhegenaa.

Qosyka Cabdi waxaa ay ka tageen Somaliya iyagoo Mareykanka ka galay dalka Kenya, waxaa ay dalkaasi galeen 2004tii, waxaa arrantan aad uga naxay dadka deegaanka.

BOOLISKA DUBAI OO DALKEEDA KU CELIYAY HAWEENEY SOOMAALIYEED

Ciidamada Booliska magaalada Dubai ee wadanka isku taga imaaraadka carabta ayaa gabar Soomaaliyeed ku xiray magaaladaasi xili ay wadatay baasaboor aan jirin oo ay damac saneyd inay ku tagto wadanka Ingiriiska.

Gabadha Soomaaliyeed ayaa lagu xayiray magaalada Dubai, markii booliska ay xireen hooyadeed bishii lasoo dhaafay, kadib markii laga waayay Baasaboorka ay laheyd.

Taliyaha Booliska Rashidiya Sareeye Guuto Saciid Xamad Bin Suleymaan ayaa sheegay in haweeneyda iyo canug ay wadatay la sii daayay halka hooyadeed lagu xiray saldhiga dhexe ee xaafada Rashiidiya.Gabadha ayaa isku dayday sidii hooyadeed lagu sii deyn lahaa, waxaana la sheegay iney kadib dacwo dheeri ah ay gashay.

Booliska ayaa xiriir lasoo sameeyay qaraabada gabadha oo Soomaaliya ku sugan, wax aana lala xiriiriyay Qunsuliyada Soomaalida ee Dubai iyadoo dib loogu soo celiyay wadanka Soomaaliya.

Gabadha Soomaaliyeed iyo hooyadeed ayaa doonayay iney ka gudbaan garoonka diyaar adaha ee magaalada Dubai waxayna doonayeen iney kaga gudbaan dalalka Bahrain iyo UK.

Dhinaca kale ciidamada booliska garoonka diyaaradaha ayaa waxay ka shakiyeen baa saboorka ay wadatay gabadha oo mid qaldan ahaa, sida booliska ay sheegeen, iyadoona hawe eneydaan dib loogu celiyay dalkeeda.

HOGAAMIYAHA ALSHABAAB EE KENY OO SHEEGAY IN AY BARTILAAMEYSAN DOONAAN XARUUMO WAAWEYN OO AY KU JIRTO MADAXTOOYADA KENYA..

Axmed Iimaan Hogaamiyaha AlShabaab ugu magacaaban wadanka Kenya ayaasoo saaray muuqal la soo dhigay baraha Internetka oo uu ku sheegayo inay bartilmaamaysan doonan xarumo waa weyn oo ay ku jirtomadaxtooyaddaKenya.

Hogaamiyaha AlShabaab ee Kenya oo ah injineer ka soo jeeeda degaanka Majengo ayaa madaxiisa la dul dhigay 300shilinka Kenyanka ah, wuxuuna ku hanjabay in Kenya ay arki doonto wixii ka dhacay xerooyinkii ciidamada AMISOM ee Uganda iyo kuwa Burundi kuwo la mid ah.

Sarkaalkaas Shabaabka ah ayaa sheegay in dagaalyahanada AlHijra ay u diyaar garoobeen inay weeraraan xarumo muhiim u ah dowladda Kenya.

"Kenya waa ay ku waano qaadan wayday wixii lagu gaarsiyay ElCade, balse waxaan ku beegsan doonaa xarumahooda muhiimka ah ee Kenya ku yaala” ayuu yiri Hogaamiyaha AlShabaab ee Kenya.

Dhanka kale hadalka ka soo yeeray Hogaamiyaha AlShabaab ee Kenya ayaa walwal iyo cabsi ku abuuray dadka reer Kenya iyo madaxdooda.

38RUUX OO KU GEERIYOOTAY QARAXQARAX KA DHACAY DALKA CIRAAQ,

Qarax ka dhacay dalka Ciraaq, ayaa wuxuu dilay dad badan oo gaaraya 38 ruux, iyadoo tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Nooca Qaraxan ayaa wuxuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo lagu qaaday goob ay ka socotay tacsi Magaalada Muqdadiyah oo 90 KM dhanka Waqooyi ka xigta Magaalada Baghdad ee dalkaasi Ciraaq.

Saraakiisha Dalka Ciraaq, waxa ay sheegeen Qaraxaasi inuu ahaa mid Ismiidaamin ah oo lagu qaaday goobtaasi tacsida ay ka socotay dad badana ay ku dhinteen.

Qaraxa ayaa yimid maalin kadib markii kooxda Daacish ay degmada shiicada ku badan tahay ee Sadr ee magaalada Baghdad ay ka fulisay qarax ay ku geeriyoodeen 33 qof.

Qaraxan ka dhacay Magaalada Muqdadiyah, ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliya deeda, laakiin waxaa loo badinayaa inay ka dambeeyaan Kooxda Daacish.

Dalka Ciraaq waxaa ku badan Qaraxyada dadka badan ay ku dhimanayaan ee masuuli yadooda ku faanaya Kooxda Daacish ee dalalka Ciraaq iyo Syria ka dhisan.

XIL KA QAADIS LAGU SAMEEYAY GUDDOOMIYIHII DEGMADA AFGOOYE IYO KU XIGEENKIISA DHANKA AMNIGA

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay xil ka qaadis ku sameeyeen Guddoomiyihii Degmada Afgooye C/qani Yuusuf iyo Ku xigeenkiisii dhanka ammaanka.

Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii maalmahan ay soo taagneyd muran ku aadan Hogaanka Maamulka, taasi oo ugu dambeyn keentay in xil ka qaadis rasmi ah lagu sameeyo Guddoomiyihii Afgooye iyo ku xigeenkiisi.

C/qani Yuusuf oo ah Guddoomiyihii Afgooye ayaa xaqiijiyay xil ka qaadista lagu sameeyay isaga iyo Guddoomiyihii dhanka amniga, wuxuuna sheegay shaqsi magaciisa uu ku soo koobay Ca alimow in loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Degmada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye, ayaa waxaa loo magac aabay Mahdi Axmed Xasan oo mar xilkaasi kasoo qabtay isla Degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay Mr. Cabdi Qani in sababta xilkaan looga qaaday ay tahay culeys maal mihii ugu dambeeyay uu kala kulmaayay Maamulka Koonfur Galbeed iyo khilaaf maamulka dhex diisa ah oo jiray.

Dhankiisa Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan, ayaa soo dhaweeyay tallaabada xilkaan loogu magacaabay.

Isbedelkan lagu sameeyay Maamulka Degmada Afgooye ayaa ku soo aadaya, xilli mu ddooyinkii dambe ay jirtay Khilaaf ka dhex taagnaa Maamulka Degmada Afgooye.

BOGGA CAYAARAHA

ARSENAL OO KOOXDA BARCELONA OO AY ISKU HAAYAAN SAXIIXA WIILKA DAHABIGA AH EE KOOXDA LEICESTER CITY RIYAD MAHREZ.

Kooxda Arsenal ayaa la soo sheegayaa inay doonayso inay loolan adag lagasho kooxda Barcelona oo ay isku haayaan saxiixa wiilka dahabiga ah ee kooxda Leicester City Riyad Mahrez.

Laacib kaan ayaa ku hogaamiyay kooxdiisa xiliciyaareed kaan guulo wax ku ool ah isaga oo ka caawiyay kooxda inay hogaanka u qabato horyaalka kadib markii uu dhaliyay 14 gool 10-kalena uu caawiyay.

Daily Star ayaa daaha ka qaaday in kooxda Arsenal ay doonayso inay ka dul qaado Barce lona saxiixa Riyad Mahrez kaas oo ay isku dayeen habeenkii ugu danbeeyay ee suuqii janaayo.

WAAN ISKA ILOOWNAY WIXII HORE HORE KA DIB MARKII AY SOO MARTAY LABO GUULDARO OO XANUUN BADAN

Kooxda Arsenal ayaa qaadanaysa tababar ka kulul kuwii hore ka dib markii ay soo martay labo guuldaro oo xanuun badan kuwaas oo kasoo kala gaaray labo tartan oo muhiim ah.

Ukumaha Wener ayaa marka hore guuldaro ka qaabilay kooxda Aduunka ee Barcelona, markaas oo saaxir Messi inta uu Emirates ugu yimid labo gool hoosta yu geliyey afar maalin ka dib Mucjisoole Rashford ayaa markale labo gool uga inkaarsaday Petr Chezh iyadoo Arsenal ka sii rajo dhigayso horyaalka.

MARADONA OO DHULKA LA GALAYMADAXWAYNAHA CUSUB EE FIFA GIANNI INFANTINO

Halyeeygii hore ee xulka Argentina Diego Armando Maradona ayaa dhulka la galay mad axwaynaha cusub ee FIFA Gianni Infantino dhulka ku jiiday.

Maradona ayaa hogaanka cusub ee FIFA ku tilmaamay khaa’in wayn oo aan biyo ismarin. Iyadoo hadalkaan dhamaan saxaafada aduunka si wayn u hadal hayso.

"Waan aqaan ninkaas, "Infantino waa khaa’in taasina way soo daahiri doontaa,” ayuu Maradona ku yiri Piuenne.

Isagoo aan waxba u reeban hogaanka cusub ee FIFA ayuu ninkaan reer Argentina sii raac iyey "Baarista Maraykanku ku wado FIFA weli ma dhamaanin. Ninkani waa midkii kaararka oo dhan u sidey [Michel] Platini, Blatter.

SUAREZ: WAXAAN JECLAAN LAHAA LUGTA BIDIX EE MESSI IYO XAWAARAHA NEYMAR

Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday sifooyinka uu ka dalban lahaa labadda laacib ay iskala xamaashtaan horyaalka Spain, waxaana uu weeraryahankan dalbaday inuu jeclaan lahaa hadii uu heli lahaa cagta bidix ee Lionel Messi‘ iyo xawaaraha Neymar.

Weeraryahanka kooxda ka dhisan Catalania ayaa sameeyay xagaagan waxbadan oo ay ku qanci karaan dhamaan taageerayaasha kooxda, waxaana uu dhaliyay 59 gool dhamaan tart amadda marki laga isku geeyo xagaagan oo koobabka uu goolashaasi ka dhaliyay ayaa kala ah La Liga,Champions League iyo Copa del Rey.

Suarez ayaa qirtay in awooda lugta biddix ee Messi iyo xawaaraha Neymar uu aad ugu far xi lahaa hadii uu heli lahaa.

"Waan jeclaan lahaa hadii aan heli lahaa lugta biddix ee Messi, tas oo ah midda ugu fiican dunidda, Sidaasi ayuu yiri wargeyska Marca, ka hor inta uusan dalbanin xawaaraha Neymar’.

"Dhamaan ciyaaryahanadda waxaa ka dhaxeeya awood saaxibtinimo oo la arki karo, waxaan heysanaa dadkii ugu fiicnaa abid ee soo mara kubbadda cagta aduunka, ma ahan kaliya seddaxdeena.

"Wax inoo qorsheesan ma jiraan; dhamaan waxkasta waa heer dhexe. Waxaan ku heysa naa halkan raaxo, hadii aan faraxsanahay waxaan sameyn karnaa waxkasta oo aan awoodno.”

Barcelona, ayaa sideed dhibic oo nadiif ah waxaa ay ka sareysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid, waxaana khamiista ay qaabili doonaan kooxda Rayo Vallecano

NATIIJOOYINKA KULAMADII XALAY EE ENGLANDPREMIER LEAGUE

AFC Bournemouth 20 Southampton

Aston Villa 13 Everton

Leicester City 22 WBromwich Albion

Norwich City 12 Chelsea

Sunderland 22 Crystal Palace

OGEYSIISOGEYSIISOGEYSIIS

OGEYSIISMUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA

UNICEF

INVITATION TO BID (ITB)

LITBS-2016 912351617 February,2016

 

UNITED NATIONS CHILDREN'S FUND (UNICEF)

Wishesto Purchase:

Construction of Classrooms under Educate-a-Child (EAC) Project for {UNICEF-

Somali,South Central,Somalia

[SEALED] offers should be sent to physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central,Somalia

LITBS-2016 9123516

Attention:Gerard Magbilty (Supply and Logistics Speciailst CSZ)

Please call Office No. +252 201215181 Ext 893 or Mobile no. +252 615549867 to arrange

security clearance and access to the UNICEF compound.

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145.00100.Nairobi.Kenya

LITBS-2016 9123516

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

Please coll +254 207628497 to arrange security clearance and access to the UN compound

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

the referenceLITBS- 2016 9123516must be shown on the envelope containing the offer.

Bid form and schedule (s)must be used when replying to this invitation.you are welcome to enclose

your own [specifications / terms of references] etc. if necessary.

offers must be received by latest 14:00 pm on 22 March, 2016 and will be publicly opened at 14:30

pm on 22 March, 2016 at both the two addresses indicated above. Bids received after the stipulated

date and time will be invalidated.

It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure thatyouunderstand

UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them. Note that failure to

provide compllant offers may result in invalidation of your bid.

PLEASE PICK UP THE COMPLETESETOF BIDDING DOUMENTS FROM THEOFFICES INDICATED

ABOVE

(GIORGIO FIGUS)

(To be contact for additional invormation, NOT FOR SENDING OFFERS

E-mail:gfigus@unicef.org Telephone: +254 719 192 945

NB: This Invitation to Bid covers the construction of new or rehabilitation of existing schools in Central South, Somalia.

There are a total of twenty (20) locations in this construction bid. These locations have been divided into four (4) separate and distinct LOTS spread across three regions in Central South, Somalia. Each lot contains a number of schools.

Bidders can select and bid on as many of the four LOTS as they have the capacity and resources to manage. Bidders should note that only complete submissions for a single LOTS will be considered. Bids for partial LOTS will be disqualified outright.

LOT 1 - BELET WEYNE

LOT 2 - MARKA

LOT 3 – WARSHEIKH

LOT 4 - JOWHAR

 

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip