SOMALILAND oo shaacisay natiijada dad kale oo looga shakisanaa Coronavirus

0
Sunday April 05, 2020 - 21:28:21 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND oo shaacisay natiijada dad kale oo looga shakisanaa Coronavirus

    Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay Natiijada ka soo baxday dad looga shakisanaa cudurka Coronavirus oo dhowaan loo diray dheecaanadooda dalka dibadiisa, kuwaasi oo qaarkood ay la kulmeen Dad laga helay cudurkaasi gudaha Somaliland. Somaliland aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay Natiijada ka soo baxday dad looga shakisanaa cudurka Coronavirus oo dhowaan loo diray dheecaanadooda dalka dibadiisa, kuwaasi oo qaarkood ay la kulmeen Dad laga helay cudurkaasi gudaha Somaliland. Somaliland ayaa sheegtay in dhamaan dadkii ay direen dheecaanadooda ay ka bad-qabaan cudurkaasi, gaar ahaan dadkii la kulmay Labadii qof ee deegaanadeeda laga helay cudurkaasi oo ay dhowaan shaacisay xukuumada Muuse Biixi. Maxamed Cabdi Xergeeye, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan Somaliland ka jiran Kiisas cusub oo Coronavirus ah, marka laga reebo Labadii Kiis ee ay hore u shaacisay. Agaasime Xergeeye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha Somaliland laga hirgeliyay goobo loogu talo-galay in lagula tacaalo cudurkaasi, kuwaasi oo ka furan dhamaan gobolada ay maamuulan, sida uu sheegay Agaasimuhu. Maxamed Xergeeye ayaa waxa kale oo uu ka warbixiyey xaalada Labadii qof ee hore looga helay cudurkaasi, isagoona xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay oo uusan si xun u soo ridan cudurku. Xukuumada Somaliland ee uu Muuse Biixi ayaa iyadu wada dadaalo ay ku dooneyso inuusan cudurku si weyn ugu faafin deegaanadeeda, iyadoona soo saartay go'aamo kala duwan oo looga hortagayo cudurka Coronavirus ee dunida ku faafay. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip