Xukuumadda oo ka tacsiyadeysay geerida ku timid halyeeygii weynaa ee Cabdulqaadir Cali Boolaay

0
Saturday April 04, 2020 - 20:15:19 in Wararka by
  • Visits: 279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo ka tacsiyadeysay geerida ku timid halyeeygii weynaa ee Cabdulqaadir Cali Boolaay

    Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir " Maareeye" ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir " Maareeye" ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee marxuum Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay.

              Sidoo kale, Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta XFS, Aadan Isaaq Cali ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid marxuum Cabdulqaadir Cali Boolaay.

      "Alle ha u naxariisto halgamaa Dr. Cabdulqaadir Cali Boolaay oo saakay ku geeriyooday London, waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanaynaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyska reer Cali Boolaay. Waxaan ku booqday isbitaal ku yaala London isagoo xanuunsan, waxaa uu ila wadaagay talooyin dhaxal gal ah, talooyin u badnaa wadaniyadda.” ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Warfaafinta.

Dr. Boolaay waxa uu ahaa shakhsi kaalin muuqata ka galay warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna wax kasoo saari jiray wargeysyadii Corriera Della Somalo, New Era, Uninone, Stella di October, Xidigta Oktoobar & "Waarimeysid” oo ka soo kala bixi jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Rotterdam.

Janatul fardowsa Alle hooy alle ha uga dhigo, Aamiin Aamiin aamiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip