HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 25-MARSO-2020

0
Wednesday March 25, 2020 - 10:01:38 in Wararka by
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE SAAKAY 25-MARSO-2020

    Rug Caddaa Cali Ugaas Cabdulle iyo Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor oo Muqdisho looga yeeray M/Muqdisho oo maalmahaan ay ka jirtay dhiillo colaadeed taasi oo ku saabsan ciida mo laga wareejinayo madaxweynayaashii ho re Shariif Sh. Axm ed iyo Xasan Sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rug Caddaa Cali Ugaas Cabdulle iyo Boqor C/llaahi Geeddi Shadoor oo Muqdisho looga yeeray M/Muqdisho oo maalmahaan ay ka jirtay dhiillo colaadeed taasi oo ku saabsan ciida mo laga wareejinayo madaxweynayaashii ho re Shariif Sh. Axm ed iyo Xasan Sh. Maxamuud oo iya gu hormuud u ah ko oxaha mucaarad ah ee ku kacsan DFS. Nabaddoon C/raxmaan Maxamuud Cilmi (Nabadoon Dacay) oo u waramayay idaac adda Kulmiye ayaa ka hadlay howlgallo cii damada Booliska sida gaarka ah u tabab aran ka fuliyeen degmada Wadajir ee G/Ban aadir kuna dhow guri uu degenaa madaxwe yne hore Shariif Sheekh Axmed. Ujeedka howlggalada ciidamada Haram Cadka loo yaqaano ee howlgallada ka sam eynayay ayaa yimid xilli garoonka diyaarada ha Muqdisho madaafiic looga tuuray xaafad da uu degan yahay, isla markaana Dowlad da federaalka ay qaadday tallaabooyin ay dib ugu yeereyso ciidamadeeda eregta ugu qoran iyo kuwa shaqada leexsan. Nabaddoon Dacay ayaa sheegay in halk aasi aanu wax dagaal ah ka dhicin, balse ay jirto dhiilo coleed iyo cabsi ay dadku ka qab aan in M/Muqdisho ka dhaco 30-sano ka dib dagaal sokeeye. "Dowladda federaalka dalka iyadaa mas 'uul ka ah, waxaana ugu baaqayaa inay ka shaqeyso nabad iyo inay gogol u dhigto dad ka uu mugdiga ku kala jiro" ayuu yiri Nabadd oon C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradka beesha Muddulood. Mar uu ka hadlayay halka ay ku dambeey een shirarkii ay beeshu maalmahaan ka wa dday Muqdisho, waxa uu sheegay inay so cdaan dhowaanna ay Muqdisho soo gaaray aan Rug caddaa Cali Ugaas Cabdulle iyo Bo qor C/llaahi Geeddi Shadoor oo dalka diba diisa ku maqnaa isla markaana ka mid ah xubnaha ay go'do talada beesha Muddul ood. Dhinaca kale beesha Muddulood oo ku abtirsata beel weynta Hiraab ayaa kulamada ay Muqdisho ka waddo waxay shaki aad u weyn geliyeen shacabka ka dib markii dhow aan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Ax med ku dhaartay inuu Villa Somalia dagaal uga saarayo madaxda ugu sareysa DF. Xigasho: http://radiokumiye.net.net


Guddiga KMG ah diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka oo Guddoon doortay

Guddi-wadajirka KMG ah ee soo diyaarin ta xeerarka dhamaystirka sharciga doorash ooyinka Qaranka oo Sha lay yeeshay kulank oodii 2aad ayaa ku door tay guddoomiye, guddoomi ye ku xigeen iyo xogha yaha guddiga. Kulanka waxaa shir guddoom inaayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee G/Shacab ka Md. Cabdi-weli sh. Ibraahim Muudeey.

G/Guddi-wadajirka KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooy inka Qaranka ayaa loo doortay xildhibaan Ibraahim Yaroow Isaaq halka

Guddomiye ku xigeenka guddiga loo doortay senator jawaahir Axmed cilmi iyado oXoghayaha guddiga loo doortay xildhibaan lufti shariif maxamed. Guddigaan oo ay hor ay u magacaabeen guddoomiyaasha 2da aqal ee baarlamaanka dalka ayaa shaqadoo du tahay sida ay u soo dhamaystir lahaaye en xeerarka muhiimka u ah sharciga doora shooyinka qaranka oo ay haray u ansaxiye en 2da aqal ee baarlamaanka,isla markaana uu saxiixay madaxweynaha JFS.Md. Max amed C/hi Maxamed Farmaajo.

G/xigeenka 1aad ee G/Shacabka Md. Muuddeey ayaa kula dardaarmay Guddi-wa dajirka KMG ah ee diyaarinta xeerarka dham aystirka sharciga doorashooyinka Qaranka inay soo dadajiyaan xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka.

Xubno kasoo horjeeday doorashadii Gal mudug oo gaarey Dhuusamareeb

M/Dhuusamareeb ee Galmudug waxaa gaaray safiirkii hore ee Soomaaliya ee Itoo biya Axmed Cabdisalan Xaaji Aadan oo uu kamid yahay Siyaasiga Kamaal Guutaale oo kamid ahaa musharixiintii xilka madaxwayna ha Galmudug ee doorashadii dhawaan ka dhacday Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa Garoonka di yaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweey ey Xubno uu kamid yahay G/ Dhuusamare eb C/xman Geeda Qorow, gudoomiye kuxi geenka Amniga iyo siyaasada Cabdi Xaashi Aroole iyo Xubno kale.

S iyaasiga Kamaal Guutaale oo ka mid ah aa musharixiintii xilka madaxwaynaha Gal mudug ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn u diidanaa doorashadii ka dhacdey Dhuusam areeb walow markii dambe uu aqbaley.

Xubnaha wafdiga Dhuusamareeb gaarey ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo soc da ay wada-hadalo la yeeshaan Madaxwey naha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qo or Qoor),iyaga oo kala hadli doona arrimaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo wada-hada llo la galaya hoggaankii Ahlusunna

Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Ca bdi Kaariye (QoorQ oor) ayaa Shalay wax aa uu xafiiskiisa ku qa abilay Wasiirkii hore ee Arimaha Guddaha Soomaaliya C/Samad Macallin Maxamuud oo ah xubin si aad ah ugu dhow Ururkii Ahlusunna,isla markaana uu dhalay hoggaamiyaha Ahlusunna Mac allin Maxamuud Sheekh Xasan.

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Wasiir hore Cabdi Samad oo Shalay gaarey dhuusama reeb ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii hoggaanka Ahlusunna uga qyeb-geli lahaa yeen Munaasabada Caleema-saarka Qoor Qoor si loo dhameeyo tabashooyinka ay qab aan hoggaanka Ahlusunna. Md.(QoorQoor) ayaa markii la doortey wa xaa uu sheegay in cid walba oo tabasho qab ta uu guryahooda ugu tegi doona si loo yag leelo Galmudug ka badalan tii Afartii sano ee hore.

Wasiirka Amniga oo beeniyey in Sheekh Shariif Ciidamo la dul-dhigey

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle ayaa beeniyey wa rar ka sheegaya in DFS ay Ciidamo du l-dhigtey Hoyga Ma daxweynihii hore ee D/KMG aheyd ee Sh.Shariif Sh.Axm ed. Wasiir Amniga oo la kulmey Md Sh. Shariif ayaa sheegay inaysan jirin Ciid amo weerar ku ah Sh. Shariif,isla markaana ay war kaasi wadaan dad u jeedo gaar ah leh oo fid no iyo colaad abuurayo sida uu hadalka u dhigey.

"Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah madaxweynihii hore Sh.Sha riif oo naga wada mudan ixtiraam. Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay be en abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wad aan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur ayuu yiri” Wasiirka Amniga.

Sidoo kale wasiir Ducaale waxaa uu ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed gaar aha an dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiya an wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.

Hadalkaan beeninta ah ee kasoo yeeray Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa yimid, ka dib markii Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Ciid amo dul-dhigey Hoyga Sheekh Shariif,isla markaana ay tahay dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan.

Bangiga horumarinta Afrika oo Soomaa liya ka cafiyey deymihii uu ku lahaa

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaa liya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa shee gay in Bankiga horumarinta Afrika uu Sooma aliya ka cafiyey deyntii uu ku lahaa, kadib dada al dheer oo ay bixisay dowladda Soomaaliya.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan umadda Soomaaliy eed ugu hambalyeey nayaa dadaal dheer ka dib in Bangiga ho rumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soo maaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixin ta uu soo saaray ee AFDB waxa ay muujiney saa in Soomaaliya isbadalka muuqda ay ka sa meysay hagaajinta hanaanka dhaqaaleheeda” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soom aaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa si doo kale sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii dhamaan dalka looga cafin lahaa deymaha ay ku leeyihiin dalal badan iyo hey’ado caalami ah.

"Dowladda oo kaashaneysa shacabka So omaaliyeed waxaa ka go’an in ay sii wado dad aalka isbadal ee dhaqaalaha dalka. Waxaan u mahad celinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo garab buuxa nagu siiyey in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.

 

Shirkadda Hormuud oo ku guuleysatay Shahaadada Caalamiga ah ee Taya-Wanaagga

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ka ho wlgasha dhul ballaaran oo ku yaal So om aaliya ayaa noqotay shirkadii ugu horeys ay oo Soomaali ah oo la siiyo shahaada da caalamiga ee Taya-Wanaagga (ISO CERTIFI CATION).

Qoraal ay soo saartay Shirkad da Isgaarsii nta Hormuud ayaa ka hadashay qiimaha ay leedahay shahaadadan caalami ga ah iyo welib arrimihii ay ku muteysatay shirkadda.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafade ed ay soo saartay Shirkadda Hormuud;

press_Release_ISO_Somali_Version_v1

Maamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wadaago macaamiisha, saamilleyda iyo gu ud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shir kadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaad ada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO 9001:2015.

Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjum aya in adeegyada shirkadda, sida: Isgaarsiin ta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka, EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaam iisha, iyo hab-maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ah ee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan.

Aqoonsigan ayaa ah natiijadii ka dhalatay sideed sano oo dadaal ah oo ay maamulka shirkadda Hormuud iyo waaxyeheeda kala duwan u galeen ka mira-dhalinta guushan. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa hubin iyo kormeer joogto ah (Internal Audit) ay sama ynaysay Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale Hayadda Halbeegyada Add uunka (International Standard Organization) ISO ayaa u soo dirtay xafiisyada shirkadda khub aro sameeya kormeero kala duwan (Ex ternal Audit). Dhammaan Kormeeradaasi shi rkadda Hormuud way ku guulaystay, waxay na ku mutaysatay shahaadada Hab Maamul ka Tayaysan (Quality Management System Certificate) ee ISO 9001:2015.

Muddadii ay jirtay shirkadda Hormuud waxay in ka badan 35 kun oo shaqo ka abu urtay guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya. Marka laga reebo bixinta adee gyada isgaarsiineed, waxay shirkadda Horm uud mar waliba qayb ka tahay samafalka bul shada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada abaaraha, fatahaadaha, iyo u-gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto.

Ugu dambayn, Shirkadda Hormuud wa xay sii wadi doontaa xasilinta himilooyinkee da fog ee ku aadan iney noqoto isgaarsiinta ugu fiican geeska Afirca. Waxayna mar wal iba u taagan tahay daryeelidda macaamii sheeda iyo in ay ugu adeegto habka ugu fiican uguna tayada wanaagsan.

Dowladda oo Gubtey Jaad si qarsoodi ah loo keenay Muqdisho

Wasaaradda Gadiidka XFS ayaa maan ta gubtay Jaad la isku dayey in si qarsoodi la gu soo geliyo dalka , Jaadka la gubay ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amma anka garonka Aadan Cadde ee M.Muqdisho.

Md. Oomaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay in ay gube en Jaad si qaldan loo soo geliyey Dalka, Wasiirka ay aa xusay in jaadkan la isku dayey in lagu soo dhax qa riyo Fasixii dulimaadka lda maalin ahaa ee loo sameeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanibnaa qaar kamid ah garoomada Caalamka. Horay ayey DFS u xaqiijisay in fa saxa 2da maalin ah aan la ogoleyn in lasoo dajiyo Xamuul aan ahayn Raashin iyo Dawo, iyadoo sidoo kale xustay in la karantiili doo no Muwaadiniinta Somaliyed oo ka imanayo dalalka uu saameeyey Caabuqa Convi d19.

Jaad (Qaadka) Shalay lagu gubey Garo onka Aadan-Cadde ee M/Muqdisho ayaa do wladu sheegin halka laga keenay,haye shee Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in laga keenay dalka Itoobiya xigashoradiorisaala.com.

Meydadka muhaajiriin Itoobiyaan ah oo laga helay Mozambique

In ka badan 60 qof oo la tuhunsan yahay inay yihiin muhaajiriin aan sharci wadin oo ka yimid dalka Ito obiya ayaa meyda dkooda Shalay la ga helay konteen ar babuur xamuul, gobolka Tete ee W /galbeed ee dal ka Mozambique, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Isbital ku yaalla halkaas.

"Baabuur xamuul ah oo safrinayey muha ajiriin la tuhunsan yahay inay yihiin Itoobiya an, kana yimid dalka Malawi, ayaa lagu jooj iyey buundada lagu cabiro culeyska rarka ba abuurta ee Mussacana, waxaana laga helay meydadka 64 qof. Kaliya 14 ayaa ka bad-ba aday,” ayuu yiri sarkaalka oo la hadlay waka aladda wararka AFP, balse codsaday inaan la magacaabin.

"Sababta dhimashada dadkan ayaa loo malaynayaa inay tahay neefta oo ku xiran tay,” ayuu yiri. Dhibanayaasha ayaa wax ay ku jiraan konteenaro buluug ah oo uu jii dayey baabuur xamuul ah, sida ka muuqa ta sawirro ay heshay AFP.

Mozambique ayaa inta badan loo ar kaa xarunta dadka muhaajiriinta ah ee do onaya inay galaan dalka Koonfur Afrika.

Koonfur Arika, oo ah dalka ugu dhaq aalaha wanaagsan qaaradda, ayaa waxaa u soo haajira dadka saboolka ah ee dala lka deriska ah sida Lesotho iyo Zimbabwe, iyo si doo kale kuwa ka imanaya dalal fog, sida Ito obiya oo kale.

Abiy Axmed oo $150 bilyan u codsaday Afrika R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hogaamiyayaasha dalalka G20 ka dalba day inay Africa ka caawiyaan inay la tacaa sho Coronavirus, ayaga u sameynaya deyn-cafin, islamarkaana siinaya 150 bilyan oo dollar oo maal-gelin deg deg ah.

Cudurkan sida caalamiga ah u faafaya "wuxuu halis jiritaan ku yahay dhaqaalaha dalalka Africa,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed,isaga oo intaas ku daray in Itoobiya ay "dalalka kale ee Africa kala sha qeyneyso” diyaarinta cod sigan. Culeyska deynta ayaa dalal badan oo African ah ka dhigaya kuwa aan ka jawaabi karin dhibaat ooyinka dhaqaale ee cudurka Coronavirus uu horseedayo, ayada oo bix inta deymah aas qaarkood ay ka badan yihiin miisaaniy adda caafimaad ee dalal badan.

"Si la mid ah sida fayruska uusan xuduu do u lahayn, jawaabaheenu waa inay u noqd aan kuwa aan xuduudo lahayn,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Abiy Ahmed.

Saudi Arabia oo iminka madax ka ah urur ka G20, ayaa toddobaadkii tegay ku baaqd ay kulan madaxeed xagga online-ka ah, si la isugu xiro jawaabaha caalamiga ah ee ku aa dan xasaradaha ka dhashay Coronavirus.

Dalalka Africa ayaa waxaa illaa iyo had da laga diiwaan geliyey 1,654 kiis oo la xir iira cudurka Coronavirus iyo dhimashada 52 qof, sida ay sheegtay Xarunta Maareynta iyo ka Hor-tagga Cudurada ee Africa.

Khuburada ayaa ka digay in Coronavirus uu si deg deg ah uga tan badin karo nidaam yada caafimaad ee tabarata darran ee Africa. Dhaqaalaha Africa wuxuu sidoo kale u baylahnaan doonaa "hoos u dhaca dhoo finta wax soo saarka, joogsiga xiriirada caala miga ah iyo luminta safarrada iyo dalxiiska,” sida lagu sheegay bayaanka xafiiska Abiya

Taliska Ciidanka xooga oo sheegay inay ka hortageen weeraro kaga yimid Al-Shabaab

Taliyaha Ciidamada qeybta 60aad ee xoo gga dalka ee ka howlgalla deegaannada Ko onfur Galbeed Janeraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in Al-Shabaab de egaano badan oo ka tirsan G/Baay & Bakool ay dhowr jeer kula dagaalameen,isla marka ana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in Ciidama da Dowladda ay fashiliyeen weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaannada, Bu ureyle,Walag iyo Xawaal Barbaar deegaan nadaas oo uu sheegay inay horey dadka ku dhibaateyn jireen Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha waxaa hadalkiisa uu intaasi ku darey in tira ka dhowr jeer ay Al-Shabaab kasoo furteen Xoolo ay dad Sha cba ah si awood ah uga soo qaateen iyo hub farabadan,waxaana uu sheegay in howlga lka ka dhanka ah uu sii socon doono.

Si kastaba hadalka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 60aad ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli dhowr jeer ay Al-Shaba ab weeraro ku qaaden Saldhigyo Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.


Itoobiya oo soo saartey 7 Qodob oo looga hortagayo Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ay aa kulan gaar ah waxaa uu la qatey dhamaan Hay’adaha Amniga dalkaas,kaas oo looga hadlayay sidii loo xakameyn lahaa Cudurka Co ronavirus oo dhibaatooyin ba dan ku haaya Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saarey 7 Qodob oo looga hor tagayo Cudurka,kuwaas la far ey laamaha Amniga iyo Shac baka ku nool Itoobi ya,qodobadaas oo kala ah.

1: In Hay’adaha ammaanka Itoobiya joojiyaan Shirarka dadka badan ay ka qeyb-galayaan si dadka aysan usugu soo dhawaan.

2: In xisbiyada siyaasada, laamaha dawliga ah ay hirgaliyaan ineysan dadku isku soo dhaw aan hadii ay shirayaan.

3: In Shaqaalaha dowladda la socdaan xaal adooda,sidoo kalena qaarkood loo ogolaadey inay Guryahooda ku Shaqeeyaan.

4: In Gaadiidka dadweynaha aan loo raaci ka rin si ciriiri ah oo dadka ay ku badan yihiin aan loo raaci karin cidii lagu arkana ay tallaabo ka qaadaan booliiska taraafikada.

5.In Tallaabooyin laga qaado ganacsatada qii maha ku kordhiya maciishada

6. In Warbaahinta ay wacyi galin u sameeyaan bulshada si looga hortago Caabuqa Corona virus.

7.In Ciidamada Millateriga ay xiraan dhamaan Xaduudaha Itoobiya aysan soo gelin Gaadi idka marka laga reebo kuwa sida Maciishada iyo kuwa sida waxyaabaha daruuriga ah.

Roobka xilliga Guga oo ka curtey meelo kamid ah Soomaaliya

Roobka Xilliga Gu’ga ayaa ka curtay dee gaanno ka mid ah Gobolada Dalka, kaasi oo lagu diirsaday,waxaana uu ka da’ay M/gal kacyo iyo nawaaxigeeda tan iyo wixii ka danbe eyay 7:30 fiidnimo Habeen hore, sidoo kale wa xaa meelo ka durugsan Magaalada laga maql ayaa onkod aad u xoog badan.

Deegaanada kale ee laga soo sheegay Roobabka waxaa ka mid ah M/Beledweyne ee G/Hiiraan iyo nawaaxigeeda, kaasi oo ka da’a yay wixii ka dambeeyay 9:00 fiidnimo ee Habe en hore.

Meelaha kale ee laga soo sheegay Roobka waxaa ka mid ah Degmada Caabudwaa ee G/Galguduud, halkaasi oo uu ka da’ay Roob ay ku diirsadeen dadka iyo Duunyada iyo dee gaano hoostaga degmada Ceel-Baraf ee G/Shabeellaha Dhexe.

Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo ansixi yey Miisaaniyadda 2020

M/Jowhar ee Caasimadda Dowlad Gobo leedka Hir-Shabeelle waxaa Shalay Kulan ku yeeshay Baarlamaanka Hir-Shabeelle,iyaga oo ansixiyey miisaaniyadda Hir-Shabeelle ee sanadka 20202.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 51 mudane ayaa waxaa ay ku ansixiyeen miis aaniyadda Maamulka hir-Shabelle ee 2020 oo sanadkaan gaareysa toban iyo afar milyan, tob an kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us).

Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Baarla maanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi oo kulanka shir guddoominayey ayaa sheegay in ay ansax tahay miisaaniyada Hir-Shabeelle ee sanadka 2020 oo ay Baarlamaanka u code yeen. Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Gobol eedka Hir-Shabeelle ayaa horay u soo gudb isey Misaanadda Hir-Shabeelle ee sanadka 2020,waxaana soo ansixiyey Golaha Wasii rada Maamulkaas,kuwaas oo u soo gudbiyey Baarlamaanka.

Shir laga yeeshay caqabado amni oo ka jira Gaalkacyo

M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka, Cul imada iyo Maamulka degmada,kaas oo looga hadlayaya Amniga Magaalada iyo dhibaatoo yin kale ee ka jira.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyey sida la isaga kaashan karo waxka qabashada xaala da amni ee Magaalad oo dhowr jeer dilal ka dhaceen iyo maandooriyaha Khamriga & Xa shishka oo dhibaatooyin badan ku haaya Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Galmudug oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa waxaa ay sheegeen inay Cullimada iyo Odayaasha Dhaq anka looga baahan yahay inay Ciidamada ku garab istagaan sugida Amniga iyo wax ka qab ashada dhibaatooyinka ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Gal mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo Duqa degmada Xirsi Yuusuf Barre ayaa waxaa ay sheegeen in talla abo Sharci ah ka qa adi doonaan dadka isku daya inay khalqal geliya an Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Dood ka taagan sidii loo aasi lahaa dad ka u geeriyooda cudurka coronaha Sweden

Dorraad maalin madow bay u ahayd Soo maalida ku nool dalka sweden, 15 qof oo geer iyootay lix kamid ah baa Soomaali ahayd ,shan kamid ah marxuuminta waxaay ku geer iyoodeen degaanka Järvaområdet kan lixaa dna wuxuu ku geeriyooday degmada Järfälla.

Wargaysyada dalka Sweden kasoo baxa waxaay ku sababeeyeen dhimashada sida aadka ah u sareeysa ee qowmiyadda sooma aliyeed in aay ku qo tonto dhaqanka soo maalida oo ah in la soo booqdo qofka jir an iyo iyadoo Soom aalida aaynan si fiic an uga dhaadhicin fartiimihii digniinta ahaa oo loo dirayey dadweeynaha ku nool dalka Sweden.

Arinkale oo dood ahi waxaay ka taagan tahay sidii loo aasi lahaa dadka u geeriyooda cudurka coronaha iyadoo takhaatiirta qaarkood aay ku taliyeen in lagu sameeyo meeydka wax la yiraahdo ”cremation” oo ah in maydka la foo rneeyo lagana dhigo dambas, hasayeeshe wa xaa aakhirkii la isla qiray in aanay soojeedi ntaas marnaba yeelayn Muslimiinta iyo Yuhud da, waxaase beddelkedii la isku raacay in aas ka maydka la dedejiyo oo aan sidii dhici jirtay muddo dheer lagu hayn qaboojiyayaasha.

Jubbaland oo soo saartey go’aano loo ga hortagayo Caabuqa Coronavirus

Guddiga heer dowlad goboleed ee loo xilsa arey ka horataga Caabuqa Coronavirus ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay soo saar een go’aano dhowr ah oo looga hortagayo Cud urkaas oo dad badan ay u dhinteen.

Guddigaan oo Heer Wasiiro ah ayaa waxaa ay soo saareen Lix qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin in la fasaxay labada todob aad Goobaha Waxbaraashada, in la joojiyey isku imaatinka in la xiro Masaajida qeybta dad ka ay ku weesa qaataan, in la yareeyo dhaq dhaqaaqa xaduudaha deegaannada Dowlad Goboleeka Jubbaland iyo qodobo kale.

oo ay soo saareen guddiga ka horatag Cudur ka COVID 19 ee Maamulka Jubbaland.

Puntland oo ka laabatey Amar ay horey u soo saartey

M/Puntland ayaa shaaca ka qaadey in uu ka laabtey Amar ay horey u soo saareen oo ah aa in la xiro dhamaan masaaajidda iyo dugsiya da Qur’aanka, si looga fogaado faafidda Cudu rka Coronavirus. Tallaabadaan ayaa ka damb eysay,ka dib markii W/Cadaaladda Puntland Cawil Sh.Xaamud oo kulan xasaasi ahaa la qa atey Culimada Masaajida,isaga oo u sheegay inay qafiifiyeen go’aankii ahaa in la xiro Masaa jida.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadley ayaa wa xaa uu sheegay inay go’aan ku gaareen iyaga iyo culimadda in Masaajida ay furnaadaan, hay eeshee la xiro musqulaha iyo qeybta weesada ee Masaajidda lana ilaaliyo nadaafadda.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in go’aankaan aan wax iska bedeli doon in haddii aan kiis ku saabsan Cudurka coron avirus laga helin Gudaha deegaannada punt land,waxaana uu Culimada ugu baaqey inay kaalintooda ka qataan ka hortaga Cudurka Cor onavirus.

Madasha oo war ka soo saaray isku day Ciidamo hubeysan ku hareereeyeen Hoyga Sheekh Shariif

Warsaxaafadeed degdeg ah oo ay mad asha xisbiyada qaran ka soo saartay isku-daygii weerar ay sheegtay la doonayey In lagu beegsado xarunta madasha iyo hoyga mada xweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha madasha xisbiyada qaran.

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay habeenadii isku xigay ee taariikhda aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada. Sidoo kale Ma dasha ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya ku eedeysay inay weerar la qorsheysanayay ay gadaal ka taagneyd, waxaana ay sheegeen in aysan jirin sabab habeen madow Ciidamo ka tirsan dowladda loo dul-geeyo Guriga Sheekh Shariif.

 


 


KUMUU AHAA LAACIBKA SOOMAALIYA EE U DHINTAY CORONAVIRUS?


 


Alle ha u naxariistee waxaa Shalay magaalada London ku geeriyooday Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq oo kamid ahaa falanqeeyayaasha kubadda cagta ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC.

Cabiqaadir oo sidoo kale kamid ahaa laacibiintii kuba dda cagta ee Soomaaliya, una dheeli jiray naadigii bartoolka ayaa maalmahan la xanuunsanayay xanuun ka caalamka hareeyay ee Covid-19.

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka tacsi iyay geerida Biriq. Biriq wuxuu in muddo ahba ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tan iyo markii uu howlg abka ka noqday ciyaaraha, wuxuu ahaa nin aad ula socda arrimaha ku badda cagta.Wuxuu ka mid ahaa falaqeeyayaasha ciyaaraha ee sida joogtada ah ula shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da.

Maxaan ka naqaannaa rugcaddaagii kubadda Cagta ee u geeriyooday coronavirus?

Abdulkadir Mohamed Farah Biriq wuxuu ahaa rugcaddaa ku xeel dheer arrimaha kubadda cagta Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah ciyaartooydii ay kawada tirsanaayeen naadigii batr oolka ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka marxuum Biriq oo kooban.

Markii ugu horreysay wuxuu u ciyaari jiray gobolka Hiiraan, oo uu ku matali jiray ciyaarihii tartanka gobollada ee dalka Soomaaliya.

"Kooxda Batroolka ayaa markii ay xirfaddiisa sare aragtay kasoo qaa datay gobolka Hiiraan. Runtii waan isla ciyaarnay aniga iyo asaga, wax aana ka wada dheeli jirnay xagga weerarka," ayuu yiri Mukhtaar Cuti.

Biriq wuxuu inta badan ka ciyaari jiray garabka midig, isagoo isku dabooli jiray lambarrada 7, 8, ilaa 11.

Wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii kalsoonida badan lagu qabay ee usoo ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya.

Mar uu Cabduqaadir qudhiisa hadda ka hor BBC-da la hadlayay wuxuu u sheegay in sababtii loogu bixiyay magaca biriq ay ahayd maadaama uu aad u orod badnaa, marka uu kubadda wato.

Wuxuu Cuti sheegay in Biriq uu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo bulshadu ay si weyn u jecleyd.

"Hal isbuuc ka hor ayaan wada hadleynay, wixii ka dambeeyay lalama hadli karin, waayo aad buu u xanuunsanaa, Alle ha u naxariisto, haddaan nahay bahda ciyaaraha ee Soomaaliya Shalay waxaa naga baxay nin qaali ah, waana uga tacsiyeynayaa dhammaan umadda Soomaalida", ayuu yiri.

Wuxuu Mukhtaar sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo uusan ku illoobi doonin Biriq, uuna ahaa nin aad ugu dadaali jiray inay soo baxaan dhalinyaro Soomaali ah oo xirfad sare u leh kubadda Cagta .Maxaa ugu dambeeyay wararka la xiriira saameynta Coronavirus?

Caabuqa Corona, oo lagu magacaabay Covid-19, ayaa dunida ka soo ifbaxay bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay, wuxuuna markii ugu horeysay ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Kiisaska guud ahaan dunida laga xaqiijiyay ayaa gaaraya ilaa 400, 000 oo ruux oo uu ku dhacay xanuunkan.

Ku dhawaad 17,000 oo qof ayaa ilaa hadda u dhintay coronav irus.Inta la ogyahay 100,000 oo qof oo uu ku dhacay cudurkan ayaa ka caafimaaday.

DAGAALKA AAN MUUQAN EE U DHAXEEYA MAREYKANKA IYO SHIINAHA

Way iska caddahay in xilligan aysan wakhti wanaagsan u ahayn dunida iyo dalalka Mareykanka iyo Shiinaha.

Madaxweyne Trump ayaa marar badan ku celceliyay in cudurkan hadda dunida dhibataada ku haya uu yahay "fayraska Shiinaha, halka wasiirkiisa arrimaha dibaddana, Mr Pompeo uu ku tilmaamay "feyraska Wuhan", arrintaas oo ka careysiisay xukuumadda Beijing.

Madaxweynaha iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo ayaa Dowladda Shiinaha ku dhaleceeyay in ay ku guul dareysatay wax ka qabashada fayraskan, balse afhayeen u hadlay Shii naha ayaa ku gacan seyray eedeymaha kasoo yeeray Mareykanka.

Baraha bulshada ee dalka Shiinaha waxaa aad loogu dhex wadaa in fayraska corona ay dalkaas geeyeen militeriga Mareykanka, waana arrin aad u xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay. Seynisyahannada caalamkana waxay sheegeen in fayraska uu yahay mid dabiici ah oo iskii u bilowday.

Dagaalka labada dhinac ma ahan oo keliya mid ku eg dhanka afka ee waxaa jira waxyaab kale oo aad muhiim u ah oo socda.

Horaantii bishan markii Mareykanka uu ku dhawaaqay in uu xuduudadahiisa ka xirtay dadka ka imanaya dalalka Midowga Yurub, sida Talyaaniga; Shiinaha wuxuu ku dhawaaqay in gargaar caafimma ad iyo dhakhaatiir uu u diray Talyaaniga. Sidoo kale Shinaha wuxuu gargaar caafimmaad u diray dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Serbia.

Fayraska corona ayaa dalka Shiinaha ka dilaacay xilli xiriirka labada dal uusan wanaagsaneyn, waxaana dagaalka uu ka dhashay xiriirka ganac siga ee u dhaxeeya labada dhinac oo muddooyinkii dambe soo jiita mayay. Labada dal ee Mareykanka iyo Shiinaha ayaa u muuqda in ay dib u hubeynayaan ciidamada milateriga, lagana yaabo in mustaqbalka uu isku dhac ku dhexmaro badda Pacific-ga. Shiinaha ayaa hadda ah awood milateri oo ka jirta gobolka, wuxuuna hadda u xuub siibanayaa in uu nqodo dal saameyn ballaaran ku leh caalamka.

Xanuunka ayaa sidoo kale khatar geliyay xiriirka labada dal, balse had da Shiinaha waxaa muuqata in uu kasoo adkaaday xa nuunkaas, dhaqaal aha Shi inaha na uu dib usoo kabanayo, do or muh iim ahna uu ka qaadan doona sidii uu gac an uga geysan lahaa dhaqaalaha adduun ka ee sii liicaya.

Inkastoo sidaas ay jirto, haddana Shiinaha wuxuu ku hawlan yahay wax ka qabashada xanuunka corona, maadaama uu ka mid yahay dalalka soo saara dawooyinka iyo qalabka caafimmaad ee laga isticmaalo qey bo ka mid ah dunida.

Markii uu soo shaac baxay xanuunka corona, madaxweyne Trump wuu iska indha tiray dhibaatada caafimmaad ee xanuunka corona, bal se hadda waxay noqotay arrin iyaga oo keliya aanan gaarin balse u gudubtay caalamka oo dhan.

Dad badan oo wax ka qora arrimaha dalalka reer galbeed ah waxay Shiinaha u arkaan in uu yahay dal diktaatoori ah, haatanna ay wax iska badelayaan fikirka dalal badan oo reer galbeed ah ay ka heys taan. Xulafada Mareykanka waxay isha ku hayaan arrimo dhowr ah, la ga mana yaabo in ay dhaleeceeyaan xukuumadda Trump iyo sida ay ula dhaqatay xilligan oo uu dunida aafeeyay fayraska corona, maada ama uu albabaada ka xirtay, balse kuwa badan waxaa usoo baxay fikir ka ka duwan midkii ay ka heysteen dalka Shiinaha.

WERIYE CAAN AH OO U DHINTAY XANUUNKA CORONA

Dalka Zimbabwe oo kamid ah dalalka Afrika ee lagu arkay xanu unka corona ayaa waxaa ugu dhintay weriye caan ka ahaa dalkaas.

Zororo Makamba oo da’diisu ay ahayd 30 sano jir ayaa dhimashadiisa waxaa ay meesha ka saartay fikir ay aaminsanaayeen dad badan oo u dhashay dalka Zimbabwe oo ahayd in dadka da’da ah oo keliya ay u dhintaan xanuunka corona.

Makamba wuxuu ahaa weriye aad looga yaqaano dalkaas, wuxuuna ka dhashay qoys hanti leh.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii la geey ay isbitaalka, xilligaas oo xaaladiisa caafimmaad ay kasii dartay, waxaana sidoo kale lagu kara ntiilay isbitaalka guud ee magaalada Harare.

Dhanka kale qofkii ugu horeeyay ee uu xanuunka ku dhaco dalka Zimbabwe ayaa lagu soo warramayaa in xaaladiisa caafimmaad ay kasoo reyneyso, haatanna uu ku ku jiro goob lagu karantiilay.

Zimbabwe waxaa ka taagan walaac ah in dowladda dalkaas ay xamili weydo wax ka qabashada xanuunka, inkastoo kiisas aan sidaas u badneyn laga soo sheegay.

Waa dal ay adag tahay in la helo waxyaab aha asaasiga ah sida xanuun baabi’yaha, cinjirka gacmaha la gashto, afuufka sanka lagu xirto, qalabka lagu xiro dadka uu naqaska ku dhago iyo agabyada caaf imaadka ee asaasiga ah.

Dowladda waxa aay mamnuucday in dadku ay isugu yimaadaan

Goobaha dadweynaha, wax aana maalmihii lasoo dhaafay marnaa kaniisad aha, bangiyada iyo suuqyada, dadkuna waxay inta badan ku sugnaayeen guryahooda.XIGASHO:BBCSOMALI

SOMALILAND OO LOOGA DIGAY IN ‘FICILTANKA’ DF DARTEED AY HALIS U GALISO SHACABKEEDA

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta duulimaadyada ay diyaarada Itoobiyaan Airlines ku tagto M/Hargeysa, maadama ay ka timaado dalal uu cudurkaasi faro ba’an ku hayo Guddoomiye Faysal ayaa xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inaysan la fogaan ‘ficiltanka siyaasadeed’ ee kala dhaxeysa DFS, midaasi oo horseeday in xukuumadu ku adkeysato in garoonkeedu u furan yahay, walow ay xayiraad ku soo rogeen dalalka qaar.

Faysal ayaa ka dhawaajiyey in bad-qabka Bulshada uu ka horeeyo xiisada siyaasadeeda, isla markaana gebi ahaanba la joojiyo duulimaadyada ay diyaa rada Itoobiya ku timaado M/ Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Ing.Faysal ayaa ka digay in aafooyinka Somaliland uga yimaada dalka Ito obiya uu ugu darsamo cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo uu sheegay in uu noqon karo ‘Hooga reer Somaliland’.

"2arrimood waa in la qaada, mid waa in la karantiila dadka ka yimaada dhul ka lagu sheegay cudurkaasi sida ay yeeshay Itoobiya ee welibana Aduunkana yeelay, ama in duulimaadyadaa la joojiyo, hadeynu joojino ciyaalka Xamar joo ga may joojine Coronavirus baa joojiyey” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Wuxuuna intaas sii raaciyey "Ficilku yuusan nasii eryin oo uu noo soo xamb aarin cudurka, waxaana jeclahay arrintani waa aafo qaran ee waa in Mucaarid, muxaafid iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadaba aynu gacmaha is-qabsanaa, oo waxa kale oo dhan hareeraha iska dhigna”.

X/Somaliland ee uu hogaamiyo Md.Biixi ayaa iyadu weli kusii adkeysaneysa in sidoodii hore u socdaan duulimaadyada ka imanaya Itoobiya, midaasi oo halis caafimaad ku ah bulshadeeda.

Somaliland ayaa u aragta duulimaadyada Ethiopian Airlines guul ay ka gaar tay DFS, maadama ay hareermartay go’aanadii ay ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, iyadoo ku doodeysa inay tahay dal ka madax-banaantahay Soo maaliya.


 


OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAY in sumadda ganacsiga ee kor ku xusan (AIBM 8-bar logo) ay tahay hanti ay leedahay Shirkadda Caalamiga ah ee Mashiinnada Mashiinnada, Shirkadda a New York Corporation of New Orchard Road- Armonk, New York, USA isla markaana isla sumadda ganacsiga loo adeegsado waxyaabaha soo socda:

 

Fasalka 09: cilmiga, cilmi baarista, duulista, sahaminta, sawirrada, shaneemo, maqal, muuqaal, miisaan, cabir, calaamad, baaritaan, kormeer, badbaadin iyo qalab wax lagu baro; aaladda iyo aaladda loo adeegsado qabashada, wareejinta, beddelashada, aruurinta, nidaaminta ama xakameynta qeybinta ama isticmaalka korantada; qalab iyo qalab loogu talagalay duubista, gudbinta, dib-u-habeynta ama ka baaraandegga codka, sawirrada ama xogta; warbaahinta la duubay iyo la soo dejisan karo, kumbuyuutar kumbuyuutar, madal madhan ama duubis analoog ah iyo warbaahinta kaydinta; habab loogu talagalay aaladda qadaadiicda ku shaqeeya; diiwaangelinta lacagta, qalabka xisaabinta; kumbuyuutarrada iyo aaladaha kombiyuutarka ee wareega; quusitaannada qubeyska, daboollada noocyo kala duwan ah, dhejisyo dhejis ah oo loogu talagalay noocyo kala duwan, sanka oo sanka loogu talagalay dadka dabbaasha ah iyo kuwa dabbaasha, gacmo gashiyo kala duwan, qalabka neefsashada ee dabaasha; Qalabka dab-bakhtiinta.

 

Fasalka 35: Xayeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; howlaha xafiiska.

 

Fasalka 42: Adeegyada sayniska iyo teknolojiyadda iyo cilmi baarista iyo naqshadeynta laxiriirta; falanqaynta warshadaha, cilmi baarista warshadaha iyo adeegyada naqshadeynta warshadaha; xakamaynta tayada iyo adeegyada xaqiijinta; naqshadeynta iyo horumarinta qalabka kombiyuutarka iyo softiweer.


OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAinInternational Business MachinCorporationGanacsiga ay sheegato dhammaan xuquuqaha ay leedahay sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu adeegsanayo sumadda ganacsi ama astaan ​​ganacsi kasta oo kale oo si khiyaano ah ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda

 




OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

IBM

OGEYSIISKA HALKAN AYAA SIIYAAN in calaamada ganacsiga ee kor ku xusan (IBM) ay iska leedahay Shirkadda Caalamiga ah ee Mashiinnada Mashiinnada Ganacsi, Shirkad ku taal Magaalada New Orchard Road- Armonk, New York, USA isla markaana sumadda ganacsi ee la mid ah loo isticmaalo alaabada soo socota:

 

Fasalka 09: cilmiga, cilmi baarista, duulista, sahaminta, sawirrada, shaneemo, maqal, muuqaal, miisaan, cabir, calaamad, baaritaan, kormeer, badbaadin iyo qalab wax lagu baro; aaladda iyo aaladda loo adeegsado qabashada, wareejinta, beddelashada, aruurinta, nidaaminta ama xakameynta qeybinta ama isticmaalka korantada; qalab iyo qalab loogu talagalay duubista, gudbinta, dib-u-habeynta ama ka baaraandegga codka, sawirrada ama xogta; warbaahinta la duubay iyo la soo dejisan karo, kumbuyuutar kumbuyuutar, madal madhan ama duubis analoog ah iyo warbaahinta kaydinta; habab loogu talagalay aaladda qadaadiicda ku shaqeeya; diiwaangelinta lacagta, qalabka xisaabinta; kumbuyuutarrada iyo aaladaha kombiyuutarka ee wareega; quusitaannada qubeyska, daboollada noocyo kala duwan ah, dhejisyo dhejis ah oo loogu talagalay noocyo kala duwan, sanka oo sanka loogu talagalay dadka dabbaasha ah iyo kuwa dabbaasha, gacmo gashiyo kala duwan, qalabka neefsashada ee dabaasha; Qalabka dab-bakhtiinta.

 

Fasalka 35: Xayeysiinta; maamulka ganacsiga; maamulka ganacsiga; howlaha xafiiska.

 

Fasalka 42: Adeegyada sayniska iyo teknolojiyadda iyo cilmi baarista iyo naqshadeynta laxiriirta; falanqaynta warshadaha, cilmi baarista warshadaha iyo adeegyada naqshadeynta warshadaha; xakamaynta tayada iyo adeegyada xaqiijinta; naqshadeynta iyo horumarinta qalabka kombiyuutarka iyo softiweer.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA in International Business MachinCorporation Ganacsiga ay sheegato dhammaan xuquuqaha ay leedahay sumcadda ganacsi ee Soomaaliya waxayna bilaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama shakhsiyaad lagu helo inuu adeegsanayo sumadda ganacsi ama astaan ​​ganacsi kasta oo kale oo si khiyaano ah ama jahwareer la mid ah, ama haddii kale ku xadgudbay xuquuqdeeda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip