Barcelona Oo Qaaday Talaabo Ay Ciyaartoyda Kooxdeeda Kaga Ilaalinayso Xanuunka Aduunka Ka Yaabinaya Ee Corona Virus

0
Friday February 28, 2020 - 22:02:13 in Wararka by
  • Visits: 2187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Qaaday Talaabo Ay Ciyaartoyda Kooxdeeda Kaga Ilaalinayso Xanuunka Aduunka Ka Yaabinaya Ee Corona Virus

    Cudurka sida layaabka leh aduunka oo dhan ugu faafaya ee Corona Virus ayaa saamayn xoogan ku yeelanaya kubbada cagta iyada oo haddaba ay jiraan kulamo sababta xanuunkan awgii loo badalay ama loo go'aamiyay in garoomo madhan lagu ciyaari doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurka sida layaabka leh aduunka oo dhan ugu faafaya ee Corona Virus ayaa saamayn xoogan ku yeelanaya kubbada cagta iyada oo haddaba ay jiraan kulamo sababta xanuunkan awgii loo badalay ama loo go'aamiyay in garoomo madhan lagu ciyaari doono. Dalka China ayuu markii hore ka soo bilawday xanuunka Corona Virus laakiin waxa uu noqday xanuun caalami ah oo saamayn ku yeeshay wadamo badan oo aduunka ah iyada oo hadda uu socdo olole wayn oo ay aduunyadu ku doonayso in xanuunkan lagu xakameeyo.

In ka badan 2700 qof ayaa dalka China ugu dhintay xanuunka Corona Virus laakiin dalka Spain oo ay ku soo socoto ciyaarta kubbada cagta ugu wayn ee El Clasico-da ayaa heegan ku jira waxayna wadaan siyaabihii xanuunkan loo xakamayn lahaa.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa maanta ciyaartoyda kooxdooda siiyay qorshayaashii ay kaga hor tagi lahaayeen xanuunka Corona Virus iyada oo dalka Spain uu ka mid yahay wadamada uu soo gaadhay xanuunkani.

Dalka Spain waxa uu xanuunka Corona Virus ku dhacay 27 qof iyada oo laba qof ay haddaba soo kabsadeen halka 25ka qof ee kale ay cisbitaalo yaalaan.

Tababarkii ay maanta oo jimce ah kooxda Barcelona samaysay waxaa xarunta kula sugnaa dhakhtarka Antoni Trilla kaas oo ah madaxa cisbitaal magaalada Barcelona ku yaal wuxuuna ciyaartoyda kooxda Barca siiyay khudbad ku saabsan sida ay uga hor tagi karaan xanuunka Corona Virus.

Dr Antoni Trilla ayaa hadal u jeediyay ciyaartoyda kooxda Barcelona ka hor intii ayna tababarka u soo bixin waxaana la siiyay qorshihii ay kaga taxadari lahaayeen xanuunka Corona Virus.

Dalka Spain waxaa laga mamnuucay dalxiiskii isku taga imaaraadka carabta waxaana jira walaac wayn oo caalami ah oo laga qabo xanuunka Corona Virus kaas oo sabab u noqday in saamayn layaableh uu ku yeeshay nolosha aadamaha.

Iyada oo kulanka El Clasico-da looga soo safri jiray aduunka oo dhan ayaan ilaa hadda la ogayn haddii dawlada Spain ay joojin doonto taageerayaasha kubbada cagta ee wadamada kale duwan ee aduunka uga soo safri jijray kulanka Real Madrid iyo Barcelona.

Laakiin waxaa hubaal ah in kulanka El Clasico-da kooxaha Real Madrid iyo Barcelona uu ku soo beegmay waqti xaasaasi ah oo aad looga cabsi qabo in goobo layskugu yimaado si loo xakayn karo Corona Virus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip