Maayerkii yimaadaba maxaa Mooradeyda ku diray?.

0
Thursday February 27, 2020 - 20:19:36 in Wararka by
  • Visits: 1171
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayerkii yimaadaba maxaa Mooradeyda ku diray?.

    Ma fiirisay Muhimda Talooyinka lagu siinayo, Saameynta ey ku leeyihiin Bulshada dan yarta ah, In Lo'da Magaalada laga xereeyo Howlo uga muhimsan Bulshada ayaa jiro. Dadku Badanaa haddii la yiraa Lo'dii Magaalada ayaa la xareeynayaa, iyaga o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma fiirisay Muhimda Talooyinka lagu siinayo, Saameynta ey ku leeyihiin Bulshada dan yarta ah, In Lo'da Magaalada laga xereeyo Howlo uga muhimsan Bulshada ayaa jiro. Dadku Badanaa haddii la yiraa Lo'dii Magaalada ayaa la xareeynayaa, iyaga oo aan ka fikirin Sababta, Faa'iidada iyo khasaaraha ayey si fudud u yiraahdiin Ciidamada Deegaanku ha xareeyeen, ( F.S: 1-4aad).

Lo’da Magaaladu iyadaa hore dhibaato badan u qabtay oo u baahan in wax loo qabto. Waxaaba ka xiran Jidadka Magaalda inteey marayaan , haddii Wadooyinkii qaar Ganjeel la saaray. Coows lama keeni karo Magaalada oo wadooyinkii soo galayay ayaaba xirin, kharajirka uu ku imaanayo Coowsku Magaalada ayaaba aad badan. Suuqyadii Caanka ahaa ee Coowska iyo Balka lagu iibin jiray mar hore ayeey xirmeen. ( F.S: 5aad).

Dad Coowska cuno ayaa jiro sida Jaadka. Hala sameeyo xero kale oo lagu xareeyo Dadka lo’da ka liito, ee aan bulshada waxba ku soo kordhineyn. Hana la dhowro Xuquuqda Xoolo "Naq raaca” ah ee waqtiga Jiilaalka oo Magaalada Transit ku ah. ogoow Geeleeyda waxaa Magaalada keenay Dameeraaleeyda ( F.S: 6aad)

Waxaa jiro lo’ ku dhalatay Magaalada oo Miyiga ka cabsaneeyso, qurbahana aan laga biilin. Lo’daasi waxa ey u baahan yihiin in la siiyo waraaqado Aqoonsi.

Lo’da iyo Ariga oo kaliya ma ahan Xayawaanka ku nool Magaalada Fiirii Daanyeerada saran Geedaha Xarunta Gobalka Banadir ku wareegsan, Digaaga , Bisadaha iyo Eeyaha joogo Gobalka dhabarkiisa dambe, Barxada Suber Shinama, Sanco iyo Bakaaraha.

Aaween Beerihii Xanaanada xoolaha ee Dowlada Hoose ey ku leheed Degmada Yaaqshiid iyo tii Warmaxan ee Lo’da ey leedahay Dowlada Xoose lagu xanaaney jiray, Caanahana laga soo iibsan jiray Dowlada Hoose lafteeda.

Lo’du waxa ey ka qeyb qaadataa Nadaafadda Magaalada, Waxa ey Cunaana haraaga Cuntada Maqaayadaha ee Banaanka lagu qubo, kuwaa oo Cuduro Badani ey ka dhalan lahaayeen.( F.S:7-10aad)

Waxa ey Biilaan oo Nolashoodu ku tiirsan tahay Dad badan oo dan yar ah, ha ahaadeen kuwa Xoolaha hore ugu heeystay Magaalada iyo kuwa Xoolahoodii Miyiga kala soo qaxay, ma waxaa la dhiiri galinayaa Caanaha "Al Maraaci "ee Sucuudiga laga keeno in la iibsado, mise Shirkadaha Caanaha Geela ayaa loo daneeynayaa.

Si fiican u fiiri Luuqyada Magaalada iyo Hareeraha Suuqyada, Saxarada Lo’da ee Magaalada taal waxaa ka badan Saxarada Dadka ee Wadooyinka taal, lamana dhisin Musqulihii Dadweynaha, lamana Dayac tirin, Musquluhii hore ee Dowlada Hoose ee Sokondo Liido iyo Degmada Cabdicasiis, Waxaaba laga dhigtay Deegaan Gaar ah.

Waxaan nahay wadan dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay Xoolaha, Caasinimo ma fiicno., Caasimado Badan oo Dunidaa ayaa Xooluhu ku noolyihiin. Muqdishana Xoolo waa joogaan.( F.S:11-23aad).

Xoolaha Magaalada waxaa keenay Dadka, si loo samata bixiyo ( F.S: 24 & 25aad) , yaan laga Careeysiin Xoolaha, si dadban ayeey isku difaaci karaane( F.S: 26 & 27aad).

Lo’du waxa ey la mid tahay Bajaajka, Lo’du waxa ey Biishaa Caruur Badan oo ka badan Caruurta Dowladu Xeryaheeda ku Xanaaneyso. Bajaajkuna waxa uu shaqaaleeyay in ka badan inta Dowladu Shaqaaleeysay.

Waxaan u mahadcelinayaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Bishii hore Daawo iyo Talaal u sameeysay Xoolaha Magaalada gaar ahaan Lo’da iyo Ariga.

Lixdii Sac ee Habar yartey Faadumo Hiraabe AUN ugu xirneeyd Degmada Hodon la’aantood, Anniguba wax ma baran, Cidda lo’daa laga Biili jiray.

Hala dhowro Xuquuqda Xoolaha iyo Masaakiinta Noloshoodu ku tiirsan tahay, Howlaha ka muhimsan ee Bulshadu u baahan tahay halaga hor mariyo. Hala keeno Xal aan Xabsi Xoolaad eheyn oo Lo’da iyo Magaaladaba u dan ah. Ogoow Ummadaha kale Xoolahoodii Taalo Xasuus ah ayeey u dhisteen.( F.S: 28 & 29aad))

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip