WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Wednesday September 30, 2015 - 10:18:01 in Wararka by
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    BAN KI-MOON OO UGU BAAQAY WADAMADA CAALAMKA IN SOOMAALIYA LAGA TAAGEERO QABSOOMIDA DOORASHDA 2016 Banki moon Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlayay Shir gaar ah oo lagu falanqeynayay Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doora sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAN KI-MOON OO UGU BAAQAY WADAMADA CAALAMKA IN SOOMAALIYA LAGA TAAGEERO QABSOOMIDA DOORASHDA 2016 Banki moon Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ka hadlayay Shir gaar ah oo lagu falanqeynayay Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan doora shada 2016ka ayaa waxa uu ka codsaday dhammaan waddamada Caalamka in ay ka qeybqataan hirgalinteeda.

            Waxa uu ku adkeystay in ay muhiim tahay in qofkasta uu ka shaqeeyo sidii sanadka 2016ka ay ku dhici laheyd doorasho aan la isku khilaafin oo ay ka qeybgalaan dhamaan bulashada Soomaaliyeed.

            Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa kaloo uu sheegay in loo bahaan yahay in laga shaqeeyo sidii dib u eegis loogu sameyn laha dastuurka KMG ah, Garsoorka iyo dhinacyada kale ee muhimka ah.

            Ugu dambeyn, Mr. Baanki Moon waxa uu soo dhaweeyay shirkii dh-awaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyeyaasha Maa mulada ka jira Gobolada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho kaasi oo looga hadlayay doorashooyinka Sanadda 2016.

KU SIMAHA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO BAAQ NABADEED U DIREY WALAALAHA SOOL IYO NUGAAL

            Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha walaalaha ah ee ka jira deegaanno ka kala tirsan gobolada Sool iyo Nugaal.

            "Hor iyo horaan waxaan ka tacsideynayaa dadkii ku dhintay xiisadaha u dhaxeeya dadka walaallaha ah ee xoolo dhaqatada ah oo xiisadahoodu weli ka taagan yihiin deegaanno ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal, runtii waa wax aad iyo aad u xun oo aan wanaagsaneyn in xiligan uu daato dhiig soke eye,waana waajib qof walba laga doonayo in uu gacan ka geysto sidii loo joojin lahaa dhiigaasi ka daadanaya dadka walaalaha ah”ayuu yiri ku simaha Madaxw eynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari”.

            "Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo xiisadaha jira oo ah war aan farxad gelineyn qof walba oo damiir leh, waxaan dhiira gelinayaa dadaallada dhex dhexaadinta ah ee ay wadaan odayaasha,isimada,waxgaradka iyo garaa dyada labada dhinac, sidoo kalena waxaan aad u dhiira gelinayaa dadaallada Puntland ay ku dooneyso in xal looga gaaro arrimahaasi, si taasi la mid ahna waan ku boorinayaa cid walba iney ka qeyb qaadato sidii dagaalladaasi xal looga gaari lahaa” ayuu hadalkiisa raaciyey Ku simaha Madaxweynaha Dalka.

            `Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari” waxa uu Alle subxaanahu watacaalaa ka baryey in umadda walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxeyso uu quluubtooda isku soo dumo islamarkaana inta ku howlan xal u helidda arimahaasi uu ku guulleeyo dadaalkooda.

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII SOOMAALIYA LOOGA HADLAAYAY EE KA DHACAY MAGAALADA NEW YORK

            Shirkan gaarka ah ee Soomaaliya iyo caalamka, ayaa waxaa wada shir gudoominayey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoo miyaha Guddiga Midowga Africa DR. Nkosazana Dlamini Zuma, xogahayaha guud ee Ururuka iskaashiga dalalka Islaamka Iyad Ameen Madani, xogahayha guud ee Jaamacadda Carabta Mr. Nebil Elaraby iyo xogahayha guud ee QM Ban Ki Moon.

            Kullanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayey hannaanka siyaasadda Soo maaliya, hab si buuxda wax looga qaban karo halista kooxda Al-Shabaab, arrim aha bani aadannimo ee Soomaaliya, iyo sidii Soomaaliya loogu jiheyn lahaa wad do dib usoo kabasho dhaqaale.

            Warmurtiyeed kasoo baxay kullanka, ayaa lagu sheegay in beesha caala mka ay ku amaaneyso dowladda federaalka horumarka ay ka sameysay abuuri sta sidii Somalia ay ku noqon lahayd dal mideysan, federal, demuqraadi iyo amni intaba ah.

            Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in beesha caalamka ay la dhacsan tahay aas-aasidda maamullada federaalka ee dhowrka ah ee dhowaan laga hirgeliyey Soomaaliya, iyo dhismaha guddiga xuduudaha iyo federaalka ee dowladdu ay sameysay, ayada oo dowladdana loogu baaqay soo dhameystirka dhismaha hay’adaha kale ee harsan.

4

 
            Warmurtiyeedka waxaa sidoo kale lagu yiri inay carabka ku adkeynayaan muhiimadda ay leedahay dhismaha maamul federaaleedyada kale ee harsan iyo in lagu soo dhameystiro inta ka harsan sanadkan 2015, lana dar-dar geliyo dib u eegista lagu sameynayo dastuurka Soomaaliya.

            Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in caalamka uu garwaaqsan yahay caqabadaha hortaagan in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, sanadda 2016, balse ay qasab tahay in la ixtiraamo xilliga dastuuriga ah ee golaha sharci dejinta iyo kan fulinta Soomaaliya, oo labaduba ku kala eg bilaha August iyo September ee 2016. Sidaa darteed, ayay beesha caalamka tiri "Waxa an soo dhoweyneynaa aas-aasidda golaha wada tashiga qaran ee Muqdisho loogu dhowaaqay 19-kii bishan September”.

            Waxaa dadka ay ka go’do siyaasadda Soomaaliya uu caalamka ugu baaqay inay taageeraan qorshaha iyo dadaallada dowladda feederaalka ee ku wajahan hannaanka doorashada Somalia ee 2016.

            Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri in calaamka uu walaac ka muujinayo xasaradaha siyaasadeed ee dhowaan ka dhex jiray dowladda federaalka ah, ee u dhaxeysay xildhibanaada qaar iyo madaxweynaha, waxana lagu yiri qoraalka in nabad ka dhalata Soomaaliya ay ku xiran tahay ka go’naansho iyo in si buuxda diiradda loo saaro, sidaa darteedna khilaafyada dowladda dhexdeeda ah ay taasi horistaagayaan.

            Waxaa ciidamada qaranka Soomaaliya iyo kuwa Amisom uu warmurtiy eedka ugu baaqay inay sii wdaaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, si loo furto deegaanada iyo magaalooyinka weli ku dambeeya gacanta kooxdan, isla markaana inta weeraradan ay socdaan laga fogaado khasaraaha shacabka, lana dhowro xeerarka calamaiga ah ee dagaalka.

            Waxa laga maarrmaan ah ayaa lagu yiri qoraalka in la dar-dar geliyo horu marinta ciidamada Soomaaliya, ayada oo taas lagu dabaqayo qorshaha Guulwa de ee dowladda Soomaaliya ay dejisay,.

            Beesha caalamka waxa ay sheegtay inay ogtahay in tallaabo milatari oo kaliya aysan xal u noqon karin in dib loo soo celiyo amniga Soomaaliya, sidaa darteedna la isku raacay in si buuxda loo wajaho la dagaalanka xagjirnimada Soomaaliya.

            Beesha caalamka waxay walaac ka muujisay xaaladda bani aadannimo ee aadka u jilicsan ee Soomaaliya iyo qiyaastii 3 milyan ee qof ee Soomaalida ah ee gargaraka u baahan.

            Warmurtiyeedka ayaa lagu codsaday in dhammaan dhinacyada ay quse yso ay fududeeyaan derista lacagta xawaaladaha la marsiiyo ee Soomaalida qurbaha ay ku caawiyaan dadkooda, taasi oo ay ka muhiimsan kana badan baa la yiri gargaarka Soomaaliya la siiyo iyo maal gelinta dalka lagu sameeyo intaba.

            Waxaa ugu dambeyn beesha caalamka ay dhammaan Soomaalida ugu baaqday inay ka wada shaqeeyaan dantooda oo ah dhismada dal nabad ay ka jirto, islamarkaana caalamka uu taasi ku caawin doono.

WASIIRKA MAALIYADDA OO KA WAR BIXIYAY KULAN LOOGA HADLAYAY HORUMARINTA DHAQAALAHA DALKA

            Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti oo Nayroobi kaga soo Qayb-galay kulan looga hadlayay horumarinta kaabayaasha dha-qaalaha dalka ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho.

            Farteeti ayaa markii uu ka soo Dagay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho Wuxuu la hadlay Warbaahitna isagoo faahfaahin ka bixiyay shir uu lasoo qaatay xubno ka tirsan Bankiga Horumarinta Afrika.

            "Magaaladda Nayroobi ayaan kaga soo qaybgalay shir ay soo Qabanqaa biyeen Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ujeedkiisu haa sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, sida Isgaarsiinta, Biyaha iyo Korontada. Shirkaas ahmiyad gaar ah ayuu u lahaa Soomaaliya, iyadoo aan ka warqabno in dalku muddo ku tiirsanaa deeqo uga yim aada caalamka, taas badalkeedana waxaan codsanay si dalku u helo dhaqaale in la hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, waxayna kasoo Qaybgalayaasha shi rku muujiyeen inay hadda muuqato kalsooni badan oo lagu qabo Dowladda Soo-maaliya, lana gaaray xiligii wax lagala qaban lahaa horumarinta dalka,” ayuu yiri Wasiirku.

            Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulammo kale la Qaatay Wasiir rada Maaliyadda ee Maamulada Goboleedyada Dalka, ayna ka wadahadleen qor she ballaaran oo Wasaaraddu doonayso in laga wadaxaajoodo sidii loo midayn lahaa Canshuurada Soomaaliya, loogana fa’iidaysan lahaa barnaamijka maa raynta maamulka  maaliyadda.

            "Shirkan qabsoomiddiisu Wasaaradu waxay ku bixisay waqti badan, Wuxu una xambaarsan yahay ahmiyad gaar ah; taasoo horseedi karta wadashaqayn dhexmarta Dowladda dhexe iyo Maamuladda Goboladda Dalka; Waxaana kasoo qaybgalay Wasiirrada Maaliyadda Maamuladda Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug. Shirkan waa kii ugu horreeyey oo dhaca, wuxuuna isugu jiray isbarasho iyo gogol-xaarka shir ballaaran oo ka dhici doona Muqdisho. Waxaa kaloo aan ka wadahadalnay sidii xiriir joogta ah loo yeelan lahaa, isla markaana la isaga kaashan lahaa nidaamka cusub ee ay wado Wasaaradda Ma aliyadda Soomaaliya oo ku salaysan dib u habaynta maareynta maamulka Maa liyadda, oo runtii u dub dhexaad u ah isla xisaabtaan iyo la dagaalanka musuq-maasuqa,” ayuu yiri Wasiir Farteegti.

            Ugu dambeyn, kulankan ayay Wasaaraddu uga golleedahay sidii ay wadashaqayn buuxda ay u yeelan lahaayeen Maamullada Gobolada iyo Was aaradda Maaliyadda XFS, si looga Faa’iidaysto mashaariicda Bangiga Adduunku kaga taageerayo Soomaaliya dib u Habaynta maamulka Maaliyadda dalka.

MIDOWGA YURUB OO AMAANAY HOWLGALKA CIIDANKA DOWLADDA IYO KUWA AMISOM EE GOBOLKA HIIRAAN

            Ka dib Booqasho Darraad uu ku Tagay Magaalada Beledweyne Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub, Jen. Patrick De Rousiers ayuu ammaan u soo jeed iyay doorka Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Gobolka Hiaraan.

            Safarka taliyaha waxaa ku wehlinayay wakiilka midowgga Yurub ee Soo maaliya Michele Cervone d’Urso, iyaga oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidammada labada dhinac.

            Ujeedada socdaalka taliyaha ciidammada midowga Yurub ayaa lagu she egay hormarinta iyo dhiirgalinta ciidammada ka howlgala gobolka, iyo siddii loo ballaarin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

            Gobolka Hiiraan, Waxaa ku sugan Ciidammo ka socda Dowladaha Itoob iya iyo Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana ay maalmihii ugu Dambeeyayba ciidamada oo kaashanaya kuwa Millateriga Dow ladda Soomaliya howlgalo ka wadeen qeybo ka mid ah gobolka iyaga oo la war eegay deegaanno dhowr ah iyo saldhigyo fariisimo u ah-aa Al-shabaab.

            Tani waxay Qeyb ka tahay Dadaalka Beesha Caalamka ay ku bixinayaan is-garab-taagga Soomaaliya.

FIKIRADAHA REER GALBEEDKA EE AH IN RAGGU ISKU GALMOODO

            Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka guud ee Qaramada Midoobay ku Weeraray Wadamada Reer Galbeedka, isagoo sheegay in waddankiisu uusan marnaba aqbali doonin qor shaha ay Wadaan Reer Galbeedka ee ah in Raggu isku Galmoodaan, isagoo yiri. "Innagu Khaniisiin ma nihin.”

            Khudbaddiisa ayuu inteeda badan kaga hadlay hannaanka Xuquuqda Aadanaha ee ay Reer Galbeedku dabada ka riixayaan, taasoo uu sheegay inay galmoodka dadka isku jinsiga ah qayb ka tahay.

            "Waxaan kasoo horjeednaa qorshaha cusub ee kasoo horjeeda Ca-adooy inka iyo Dhaqanka aan leennahay, taasoo ah in ragga qaarkood laga dhigto naago oo kale,” ayuu si kulul u yiri Guddoomiyaha Sanadkan ee Ururka Midowga Afrika, Robert Mugabe.

            Mugabe oo 91-jir ah ayaa intaas ku daray inay Waddankiisa Mamnuuc ka tahay in Raggu ay isku galmoodaan, isagoo horay u sheegay in ragga isku gal mooda ay cadaabta galayaan. Isgaoo raaciyay in kuwa isku galmooda ay ka liitaan doofaarka, riyaha iyo shimbiraha.

            Sannadkii hore waxaa bogagga hore ee Wargeysyada caalamka ay ciwaanno uga Dhigteen Hadal uu yiri Robert Mugabe oo ahaa; in xuquuqda dadka isku Jinsiga ah ee isku galmooda aanay qayb ka ahayn Xuquuqda Aadanaha. Wuxuuna Xusay in Carruurta Dalka Zimbabwe aan laga dhaadhicin karin wax ka duwan Guurka uu ALLE jideeyay.

            Robert Mugabe wuxuu sidoo kale shirka QM ka sheegay ka sheegay in waajib ay ku tahay Waddamada Caalamka inay sharciyada ilaaliyaan xuquuqda Aadanaha, isagoo waddamada Reer Galbeedka ku dhaleeceeyay inay isi siinayaan awood midda la wada aqoonsan yahay ka badan.

            "Waxaan kasoo horjeednaa siyaasadaha arrintan la xiriira. Iyo awoodaha kale ee dheeraad ah oo la doonayo in lagu dulmiyo Dalalka Madaxabannaan iyo Xorriyadda Shaqsiga ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Mugabe.

3

 
            Madaxweynaha Zimbabwe ayaa mar kale yiri. "Afrika ma eeganayso Ga cmaha ka baxsan kuweeda, balse waxay doonaysaa inay Horumarin Gaarsi iyaan Dalalka ay ka kooban tahay Qaaradda. Waayo Alle wuxuu na siiyay khayr aad dabiici ah; waxaana muuqata in la Horumarinayo nolosha Dadweynaha Qaaradda Afrika ku nool.”

            Dhanka kale, Robert Mugabe ayaa Khudbadiisa ku Sheegay in Fara-geli nta ay ku Hayaan Dalalka Reer Galbeedka Madaxbannaanida Qaaradda Afrika ay sabab u tahay dhibaatada dadka badan ee Afrikaan ah ee ku dhimanaya badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhexeysa ee Mediterranean.

            Guddoomiyaha Sannadkan ee Ururka Midowga Afrika ayaa intaas ku aray in Qoxootigu ay dhibaatooyin ku haystaan meelaha ay doonayaan inay tagaan, isagoo dalalka Galbeedka ku Dhaleeceeyay mar kale inay Faragelin Qaawan ku hayaan dalalka caalamka oo dhan, si ay Shacabku uga Cararaan ugana dhac aan Dagaallo iyo Xasilloonidarro, si ay Ciidammo ugu diraan, Danahoodana uga oofsadaan.

            "Dhibaatada Taagan, waxaa lagu Xallin karaa iyadoo si la Xushmeeyo Madaxbannaanida Dalalka Caalamka, lana joojiyo faragelinta lagu hayo arrimah ooda gudaha,” ayuu Mugabe hadalkiisa ku soo Gaba-gabeeyay.

            Ugu dambeyn, Madaxweynaha Zimbabwe ayaa inta badan uu shirar guud ee Caaalamka ka dhaca ka jeediyaa khudbado uu kaga soo Hor-jeedo Waddam ada Reer Galbeedka ah oo uu kala dhexeeyo guluf.

HOWLGALKA LOOGU MAGACDARAY ”SAFIYA”

            Midowga Yurub ayaa howlgalkiisa ka dhanka ah Tahriibka Sharci darada ah ee badda Mediterranean  ugu magac daray Safiya taas oo ah gabar yar oo la ga badbaadiyay Xeebta Liibiya bishii hore, Wakiilada midowga Yurub ayaa shee gay in howlgalkan ay bilaabi doonaan October 7, 2015.

            Howlgalkan, ciidamadda Badda Midowga Yurub ayaa waxaa ay kori doon aan, Baari doonaan isla markaana qaban doonaan markabkii ay ku helaan in uu si sharci darro ah Tahriibayaal ugu wado Yurub, howlgalkan hadda dhamaaday waxaa uu soo bilowday bishii Jine.

            Howlgalkan waxaa fulinaya 4 Markab oo laga leeyahay dalka Talyaaniga, Markabka Diyaaradaha qaada oo isla Talyaaniga laga leeyahay iyo 4 diyaarad, Waxaa ka qeyb qaadanaya 1,318 oo qof oo ka kala socdo Wadamada Yurub.

            Howlgalkii hore ee EUNAVFOR Med waxaa lagu badalaya Safiya, taas oo loogu magac daray gabar ku dhalatay Markab laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya 22 August 2015 .

XILDHIBAAN DALXA: DHIBAATOOYIN AYAA MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED KU HEYSTA QAAR KA MID AH DALALKA CAALAMKA.

            Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo u warramay Idaaca dda Shabelle ayaa waxa uu ka hadlay xaalado adag oo muwaadiniin Soom aaliyeed ay ku heystaan qaar ka mid ah dalalka Caalamka, gaar ahaan wadamo ay ka mid yihiin Kenya, Yemen, Koofur Afrika iyo kuwa kale.       

Mudane Dalxa ayaa tilmaamay in xaalado kala duwan dhibaato ku ah dhanka nolosha ay heystaan muwaadiniintaasi Soomaaliyeed, wuxuuna ca-rabaabay in qaarkood Muwaadiniinta Soomaaliyeed xabsiyo isaga jiraan  iyagoo ku eedeysan dambiyo kala duwan sida Burcadbadeednimo  hayeeshee aanu jir in wax dacwado ah oo lagu soo oogay isagoo dowladda Federaalka ugu baaqay in ay wax ka qabato arrimahaasi.

            Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarla maanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin dowladda wax miisaa niyad ah oo uga degan wax ka qabashada dhibaatooyinkaas hareeyay muwaad iniinteeda ku kala firirsan daafaha duida isagoo hoosta ka xariiqay in guddigiisa arrimaha dibadda aanu qaadi Karin masuuliyadda dhibaatadaasi oo uu sheegay in ay ka weyntahay, ayna u baahantahay wax ka qabashadeeda inay ka qeyb qa ataan Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

            Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala sugan wadamo kala duwan oo caalamka ah ayaa la kulma dhibaatooyin ay ka mid yihiin xarig, xad gudub , dhib aatooyin dagaal oo saameeya, iyo caqabado kale oo aan la soo koobi Karin, iyad oona aanu jirin cid kala xisaabtanta wadamada ay kula kulmaan dhibaato oyinkaasi.

MAAMULKA GOBOLADA DHEXE EE AHLU SUNNA OO MAAMUL U MAGACAABAY DEGMADA CAABUDWAAQ

            Madaxweyne ku xigeenka ee Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Xasan Ma xamuud Warsame ayaa faah faahin ka bixiyay Maamul Cusub oo Ahlu Sunna ay u soo magacaabatay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

            Xasan Maxamuud Warsame, Madaxweyne ku xigeenka ee Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa shaaca ka qaaday in tirada xubnaha loo magacaa bay Degmada Caabudwaaq ay gaarayaan ilaa iyo 14 Xubnood kuwaasi oo lagu soo magacaabay Dekreto ka soo baxday Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe.

            "Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta loo magacaabay Maamulka Degma da Caabudwaaq in ay gutaan howlaha loo Idmaday”, sidaasi waxaa yiri, Mr. Warsame.

            Mr. Xasan Maxamuud Warsame oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilma amay in Ciidamo aan ka tirsaneyn Ahlu Sunna oo ku sugan qeybo ka mid ah Deg aano hoostaga Gobolka Galgaduud ay wada hadal kula jiraan isagoona qeexay in wadahadaladooduna ay meel wanaagsan marayaan.

            Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ee Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ee ku aadan Maamulka Cusub ee Ahlu Sunna ay u magacaabeen Degmada Caab udwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxuu imaanayaa Xili dhawaan Maamulka Galmudug ay halkaasi u soo magacaabeen Maamul kale.

LABAATAN QOF OO KU SUMOOBAY CAANO AY CABEEN GUDAHA MAGAALADA MUQDISHO

            Ugu yaraan labaatan qof oo badankood hal qoys ka soo wada jeeda, ayaa shalay ku sumoobay caano ay cabeen, xaafadda Sanca ee Degmada Kaaraan, waxaana la sheegay caanahan in laga keenay Suuqa Xoolaha.

            Dadkan, ayaa caanaha waxay ka shubteen haweeney rukun u ahayd oo maalin kasta ay caanaha ka shuban jireen, lamana garanayo waxa sababay inay caanahan ku sumooban.

            Amina C/raxmaan oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegtay inays an aqoon waxa keenay in dadku ku sumooban caanaha, iyadoo intaa ku dartay inay xaaladoodu adag tahay dadkii ku sumoobay.

            Sidoo kale waxay sheegtay dadkaasi in loo qaaday Isbitaalka Keysaney, si wax looga qabto xaaladooda caafimaad, maadaama sida ay sheegtay ay into odu badan ku sugan yihiin xaalad garaab ah.

            Amina oo la hadashay Idaacada Mustaqbal, ayaa xustay haweeneyda caanaha keeni jirtay inay iska fogeysay in ay ku dartay wax dhibaato ku keeni ka ra caafimaadka dadka deegaanka, islamarkaana ay caanaha ka keentay Suuqa Xoolaha, oo maalin kastaba ay ka keeni jirtay.

5

 

KHUDBADII MADAXWEYNAHA UU KA JEEDIYAY SHIRKA HEERKA SARE EE ARRIMAHA SOOMAALIYA

            Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka heerka sare ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo habeen hore lagu soo gaba gabeeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

            Shirkan ayaa laga dhinac furay shirka golaha guud ee Qaramada Midoo bey kalfadhigiisa 70aad, kaasoo maalinmadii daraad si rasmi ah u furmay.

            Hadaba waxaa halkan idin ku soo gudbineynaa khudbadii Madaxweynaha uu ka jeediyay shirka heerka sare ee ay wada guddoominayeen isaga iyo Xogh ayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon, halkan hoose ka akhriso Khudbada oo qoran:-

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA

            ‘’Muhimadda in Nabadda la Maalgashado: Qorsheyaasha Muhiimka u ah 2016-ka iyo waqtiga ka sii dambeeya”

            Shirka Heerka Sare ee Arrimaha Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qara mada Midoobay    28 September , 2015    New York

            Dhammaan inta shirkan ila guddoomineysa: Dr Nkosazana Dlamini Zuma, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Mr Iyad Ameen Madani, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka, Dr Nabil El Araby, Xoghay aha Guud ee Jaamacadda Carabta, iyo Mr. Ban Ki Moon, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

            Waxaan ku faraxsanahay inaad nagala soo qeyb gashaan kulankan hee rka sare ee arrimaha Soomaaliya ku saabsan maanta./Shalay

            Haatan waxaynu ka hadleynaa nabadda iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah sannadka 2016-ka iyo wixii ka dambeeya. Labadan umuuroodba waxay sameynayaan ajenda aad muhiim u ah oo weyn!

Lyndon Johnson, Madaxweynihii hore ee Mareykanka waxaa uu yiri, ‘Nabaddu waa safar masaafadiisu ay tahay kun mayl, waxaana khasab ah in markiiba hal talaabo la qaado si loo gaaro meesha loo socdo.’

            Safarada u baahan in mar walba talaabo hor leh la qaado waxay u baahan yihiin go’aan qaadasho adag, adkeysi iyo dadaal dheeri ah. Soomaaliya si wanaagsan ayaan u fahamsanahay safarada noocaan ah. Waxaad is oran kartaa in sifooyinkan ay qeyb ka yihiin hiddo-sidaheena ummadeed. Waxay sifooyinkan ka tarjumayeen xaaladihii dalkeena ka jirey saddexdii sanno ee la soo dhaafey.

            Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan ku kulaney London: Soomaaliya iyo dalalka taageera- waxaan ka wadahadalney sidii loo fulin lahaa hadafyo waaweyn; waxaan qabney hami badan iyo dhiiranaan.

            Waxaan shalay oran karaa , in dib u dhac yar iyo xanuun uu ina soo gaarey. Waxaan nahay dad uu dagaal daashadey, balse adkeysi badan leh. Weli nagama lumin damaca hamiga aanu leena-hay, laakiin waxaa mar walba nagu xeeran xaaladaha dhabta ah ee nagu xeeran.

            Saddex sanno ka hor, markii ugu horeysey ee aan soo ban-dhigney Hiigsiga 2016, oo ah barnaamijka hadafyada isbeddelka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay talaabadaasi ahayd qorshe hami badan ku dhisan. Dunida miyaa laga heli karaa dal kale oo sida Soo-maaliya dib u qoraya dastuurkiisa federaalka, misana ku hawlan dhi-smaha nidaam cusub oo federaal ah, doorasho la qabto, iyadoo aaney jirin kaabeyaashii dowliga ahaa ee loo baahnaa. Shuruucdeena inteeda badan oo ku qoran Af Talyaani, amaba qaarkood aysanba jirin, inagoo aan haysan xoog ama shaqaale khibrad leh oo ku filan fulinta hawlaha ina horyaalla, dhinaca kalena dagaal kula jirna koox arg-agixiso ah gudaha dalka. Waxaa intaas ka daran in waxyaabaha aan soo xusey oo dhan muddada lagu fulinayo aaney ahayn labaatan sanno, ama toban sanno , balse waqtiga rasmiga ah ee aan haysano uu yahay afar sanno.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

            Muddo 25 sanno haatan laga joogo, nabaddu waxay Soo-maaliya ka ahayd badeeco qaali ah oo aan la heli Karin. Aan tusaale u soo qaadano ruux dumar ama nin ku nool Soomaaliya, oo magacyadooda ay kala yihiin Faadumo iyo Cabdi, kuwaas oo da’doodu tahay 28 ama 27 jir. Waxaa muuqata in Cabdi iyo Faaduma nolos-hooda oo dhan ay arkeen oo keliya 2 ilaa 3 sanno oo nabad iyo deganaansho ah, muddadaas oo aad uga fog nabad buuxda oo qofku ku naaloodo.Taasi waxaa dheer in Cabdi iyo Faadumo aysan helin fursad ay wax ku bartaan, shaqona aysan heli karin, iyagoo la daala dhacaya halganka nolosha carruurtooda, isla markaana uu mugdi badan hareeyay mustaqbalka noloshooda. Waxaa intaas dheer in Cabdi iyo Faadumo ay sidoo kale ka welwelsan yihiin wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in Al Shabaab ay dib u soo laabaneyso, ama in ISIL ay waddanka ku soo socoto.

            Haddaba maxay nabad uga dhigan tahay qof aan weligiiba arag nabadda la sheegayo? Yaase mas’uul ka ah inuu nabaddaasi keeno ama dhaliyo?

            Nabadda in la qeexo laguma soo koobi karo oo keliya fikirka ah inaanu dagaal jirin. Waxay noqon lahayd xaalad nugul oo isbedeleysa, haddii ay ku tiirsanaan lahayd natiijada hawlagalada milatari oo keliya. Nabadda laga doonayo Soomaaliya waa inay ka tarjuntaa maalgashi suuragelinaya helista waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah:

            Xaqiiqdii, nabadgelyada iyo xasiloonida muhiim ayay u yihiin Soomaaliya. Labadii sanno ee la soo dhaafey horumar ballaaran ayuu dalku sameeyay dhinaca nabadgelyada, iyadoo ilaa 80 % Soomaaliya laga xurreeay ururka Al Shabaab. Aad baan uga mahad-celinaynaa doorka Midowga Afrika uu ciidammo ugu deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa dalalka ciidammadaasi ay ka yimaadeen sida: Burundi, Ethiopia, Kenya, Sierra Leone iyo Uganda. Waxaan qirayaa inay jireen masiibooyin laga xuma-ado oo barbar socdey hawlgalada lagu nabadeynayo Soomaaliya. Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsaneynaa walaalaheena Afr-ika ee nolosha gabdhahooda iyo wiilashooda ku waayey Soomaaliya, waxaana xishmad gaar ah u haynaa ciidankaasi dhintey oo goobaha dagaalka cadowga hortiisa ku muujiyey geesinimo dheeri ah.

            Waxaa kale oo dhowaanahan magaalooyinka qaar ka jirey dib u dhacyo kooban. Halkii laga dhihi lahaa in Al Shabaab ay dib u soo laabaneyso, waxaa tallaabada saxda ay tahay in loo baahan yahay in la helo isku-dubbarid wanaagsan oo u dhexeeya ciidammada amniga iyo barnaamijyada xasilinta. Tani waxay ka tarjumeysa baahida loo qabo inaan xaqiijino xajinta goobaha aan xoreyneyno, dhanka kale waxaa iyana muhiim ah haqabtirka baahida ay qabaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxay kale oo tilmaameysaa sida loogu baahan yahay in la maalgeliyo barnaamijyada xasilinta ee daboolaya baahida ay qabaan dadka ku dhaqan goobaha la xorreynayo. Waa inaan deg-deg ugu dhaqaaqnaa dhismaha dowladaha hoose, inaan si hufan u aqoonsano baahiyada muhiimka ee degaannada, isla mark-aana loo helo qalabka iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin, si ay ugu suuragasho fidinta adeegyada bulshada.

            Marna ma nasan doono ilamaa aan ka xaqiijino in gees kasta oo Soomaaliya ka tirsan laga xorreeyay Al Shabaab. Waa inaan waqtigan xaadirka ah qaadnaa tallaabooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dhismaha ciidan amni oo isku dhaf ah, lala xisaabtami karo, qaab dhismeedkoodana uu u ku yimaado daah-furnaan. Isbeddelada iyo dib u qaabeynta aan dhowaan ku dhawaaqney waxay ka tarju-mayaan sida ay inooga go’an tahay xaqiijinta in adeegga amniga uu noqdo mid leh maamul adag oo hufan, isla markaana u shaqeeya si daah-furnaan ah: sida shaqaalaha, iibka, mushaharaadka, hufnaanta, iyadoo la raacayo xeerarka xuquuqda aadanaha ee lagu heshiiyey.

            Waxaa inaga go’an inaan helno kalsoonida shacabka Soom-aaliyeed iyo beesha caalamka ee inala shaqeyneysa, inagoo dhiseyna adeeg amni oo si hufan loo maareynayo, si wanaagsanna dusha loo-gala soconayo.

Mudaneyaal iyo Marwooyin

            Barnaamijka isku dhafka ciidammada ee uu horkacayo Gud--diga Qaranka ee Isku-Dhafka Ciidanka, waa mid dhab ahaantii kal-sooni iyo dhiirigelin badan abuuraya. Ujeeddada barnaamijkan waaxa weeyaan dhismaha hal ciidan oo qaran, kuwaas oo leh hal aqoonsi, ciidan loo wada dhan yahay, kaas oo ku shaqeynaya fulinta iyo ilaalinta danaha Soomaaliya. Ilaa iyo haatan waxaa barnaamijka isku dhafka ciidammada lagu bilaabey 1350 askari oo laga qorey Maamulka KMG ee Jubba, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha Qorshaha Guulwade, kana kooban saddex guuto oo degaannada dooxada Jubba ka fulin doona hawlgalo milatari , iyagoo kaashanaya ciidammada AMISOM. Waxaa xusid mudan, inay tahay markii ugu horeysey ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka hawlgalaan magaalada Kismaayo, tan iyo markii la ridey xukuumaddii milatariga ee uu horkacayey Maxamed Siyaad Barre. Haddii aan helno taageerada deeq bixiyeyaasha ee mu-hiimka inoo ah, 12-ka bilood ee soo socda, waxaa Guddiga Qaranka ee Isku-Dhafka Ciidammada uu soo dhammeystiri doonaa barnaamijka isku dhafka ciidammada ee Maamulka KMG ee Jubba, iyo inuu kala shaqeeyo Puntland, Maamulka KMG ee Galmudug iyo Maamulka KMG ee Koonfuur Galbeed Soomaaliya si loo qoro 5,000 oo askari. Waxaan si weyn ugu faraxsanahay horumarka la sameeyay, waxayna taasi ka tarjumeysaa inay jirto muwaafaqo qaran oo loogu adeegayo Soom-aaliya oo dhan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip